Home » Warar »

Jaamacada Kismaayo oo ay ka qalin jabiyeen 94 arday

Maalintii khamiista ahayd 29/11/2012 ayaa xarunta Jaamacadda kismayo waxaa ka dhacay xaflad qalin jabin ah oo si weyn loo soo agaasimay uuna shicaarkeedu ahaa “helidda Jiir aqoon leh” , xafladaas oo ay ku qalin jabinayeen arday gaadhaysa 94 arday ayna ka soo qeyb galeen dhamaan bahda waxbarashada, ganacsatada, ururada bulshada iyo qeybaha kaladuwan ee Saxaafada.

Ardayda qalin jabinaysay ayaa waxay u kala qeybsanaayeen labo kulliyadood oo kala ah kulliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ( faculty of Economics and Managmenet Science) iyo kulliyada waxbarashada (faculty of education) iyo arday ka qalin jabisay Machadka diyaarinta ee Jaamacadda hoos taga. Ardayda qalinjabinaysay waxay ahaayeen dufcadii 2aad iyo 3aad ee Jaamacadda ka qalin jabisay, iyo dufcadii 6aad ee Machadka.

Ugu horeyn waxaa marti sharaftii kala duwanayd ku soo dhaweeyay xaflada prof. Cabdiraxmaan Sahal Yusuf oo kamid ah Macalimiinta Jaamacadda kana tirsan qeybta Iclaamka iyo xiriirka ee Jaamacadda. Kadibna waxaa si weyn uga hadlay waxqabadka jaamacadda Ustaad C/risaaq Max’ed Cabdi oo ah madaxa Academiga Jaamacadda, wuxuuna ku dheeraaday horumarka jaamacada iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo heerka ay maanta mareyso.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta Ustaad Maxamuud Kulmiye oo ah aqoonyahan in badan ka shaqeynayay horumarinta waxbarashada ee gobolka wuxuuna ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay waxbarashadu soo martay iyo maanta oo ay ka qalin jabinayaan arday qaadanaysa shahaado Jaamacadeed.

Intii ay xafladu socotay waxaa shaaado sharafeed la gudoonsiiyay arday gaadhaysay 12 arday , kuwaas oo kala ahaa ardaydii gashay kaalinta kowaad iyo tan labaad, iyo qaar ku qaatay akhlaaq wanaag intaba.

Sawirada Qalinjebinta hoos ka daawo:

somalitalk's jaamacad_kismayo album on Photobucket

Ugu danbayn waxaa hadlay oo soo xiray xaflada kuxigeenka Madaxa Jaamacadda kismaayo Prof. C/qaadir Sheekh Max’ed Xikam oo ugu hanbalyeeyay ardayda inay gutaan waajibaadka ka saarada bulshada iyo waliba inay sii wataan waxbrashadooda si dalka iyo dadka ay u samata bixiyaan.

Waxaa soo tebiyey
Xareed: xareed33@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Jaamacada Kismaayo oo ay ka qalin jabiyeen 94 arday "

  1. xagar says:

    Waa wax lagu farxo hadii ay noo soo baxayaan jiil cusub oo tacliin leh,gaar ahaan kuliyada waxbarashada maadaama ay kuliyadii waxbarashada iyo barbaarinta lafole oo ahayd warshadii macalimiinta aanay shaqaynin in kabadam 20 sano raga hawshan wada Allaha xifdiyo .Ardaydana mustaqbal fiican.