Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 28-aad

Casharkii XXVIII-aad

Xoogagga is-baheysiga xuddunta (Axis Powers) waxay horey u diyaariyeen ciidan xooggan oo si toos ah u weerara xuduudda waqooyi ee dalka Giriigga. Waxay isugu jireen Jarmal iyo Bulgarian. Weerarka ay ciidankaasi qaadayeen wuxuu ahaa mid ku lammaanan weerarkii xagga cirka ee Jarmalku ay la beegsadeen magaalo-madaxdii Yugoslavia (Belgrade) iyo dalka Macedonia ee waqooyiga Griig. Ciidanka Jarmalka ah ee markaan soo weerarey xuduudda dalka Giriigga waxay ahaayeen sidaan:

1. Ciidan uu hoggaaminayay Lieutenant-General Gustav von Wietersheim. Waxay isugu jireen ciidanka 5-aad iyo 11-aad ee gawaarida gaashaaman. Qeybta 294-aad ee ciidanka cagta iyo qeybta 4-aad ee ciidanka buuraha ka dagaalama.

2. Ciidan uu hoggaaniayay Lieutenant-General Joachim von Kortzfleisch. Waxay isugu jireen qeybta 60-aad ee tiknikada iyo qeybo kale oo aanan qoraal laga helin.

3. Ciidankan waxay kamid ahaayeen ciidamada taangiyada ee uu odeyga ka ahaa Lieutenant Jeneral Georg-Hans Reinhard. Iyagu waxay ka koobnaayeen ciidamada SS qeybteeda 1-aad iyo qeybteeda 2-aad ee tiknikada, qeyb kamid ah ciidanka cagta ee tiknikada oo keydka ah, iyo qeyb ah gawaarida gaashaaman. Iyagu waxay ku urursanaayeen meel u dhow degmada Timisoara ee ku taal galbeedka dalka Romenia.

Ciidankan waxay ahaayeen kuwo ku wajahan khadda difaaca ee Metaxas Line. Waa khad difaac oo dhufeesyadeedu ay ka dhisan yihiin dhul dhererkiisu gaarayo 170 km. Xoogga fadhiyey wuxuu ahaa 200.000 oo nin. Iyagu waxay ahaayeen qeybta 7-aad, qeybta 14-aad iyo qeybta 18-aad ee ciidanka cagta ee Giriigga. Waxaa odey u ahaa Sareeye/guud Konstantinos Bakopoulos. Ciidankaas waxaa weheliyey ciidamadii dowladaha barwaaqo-sooranka oo Ingiriisku uu hoggaaminayay. Weerarkii ay bilaabeen ciidamadaas wuxuu la taariikh ahaa weerarkii xagga cirka ahaa oo bilowdey 6/ 4- 1941-kii. Ciidamadii Jarmalka iyo huwantoodii waxay la kulmeen difaac adag. Dagaallo culus oo saddex cisho socdey dabadeed, dabkii badnaa oo ay ridayeen madaafiicda iyo dayuuradaha Jarmalka wuxuu suurageliyey in khaddii difaaca ee Giriigga (Metaxas Line) meelo kamid ah la jebiyo. Dabkaas ka-sokow, in khadda difaaca laga gudbo waxaa mahaddeeda lahaa ciidanka 6-aad ee buuraha ka dagaalama. Ciidankan ayaa waxay ka tallaabeen buuro dhererkoodu yahay 7.000 oo cag, kuwaas oo uu baraf ceegaago. Xilligaas ma-jirin ciidamo Giriig ah oo tababarnaa in ay ka dagaalamaan dhulka sidaas u koreeya. Ciidankan Jarmalka ah ayaa waxay gaareen 7/ 4- 1941-kii degmada Thessalonika oo ku taal bartamaha waqooyiga Griig. Degmada waxaa mara waddada tariinka ee koonfur ku xirta degaamada waqooyi-bar iyo waqooyi-galbeed ee dalka.

Waxaa jiray ciidamo kale oo qudhoodu ka tallaabey dhulka buuraleyda ah oo barafku buuxo. Waxaa kamid ahaa kooxo kamid ah ciidanka 18-aad ee buuraha ka dagaalama. Ciidankan ayaa dhibaatooyin culus kala kulmey socodkii ay buuraha kaga tallaabayeen. Weerarka ay ciidankan qaadeen waxaa gacan siinayay ciidanka cirka ee Jarmalka. Qeybta 5-aad ee ciidanka buuraha oo lagu xoojiyey ciidanka cagta ee 125-aad ayaa qudhoodu dhanka bari waxay ka jebiyeen khaddii difaaca (Metaxas Line). Waxay markaas burburiyeen dhamaan dhufeesyadii iyo godadkii ay buuraha ka sameysteen ciidamada Giriigga. Ciidankan ayaa waxay u dhabar adeygeen dagaallo rogaal celis ah oo kaga imanayay dhanka Giriigga. Ugu danbeyntii waxay gaareen yoolkoodii oo ahaa waadiga la yiraahdo Rupul. Laakiin goor danbe dib ayuu uga soo laabtey, dhaawacyada badan oo ku yimid darteed.

Qeybta 72-aad ee ciidanka cagta, waxaa fadhigoodu ahaa degmada Nrvrokop ee ku taal koonfur-galbeed dalka Bulgaria. Ciidankan ayaa qudhiisu waxay ka tallaabeen dhul buuraley ah ee u dhexeeya Bulgaria iyo Giriig. Laakiin iyada oo ay ku yaraayeen gaadiidka fardaha ah ayaa waxay dhalisey in ciidankan ay ka soo daahaan waajibkii u yiil. 9/ 4- 1941-kii ayay soo gaareen degmada Seres ee ku taal waqooyi-bari ee Giriig. Degmadu waxay kamid ahayd meelaha ay mareysey khaddii difaaca ee Metaxas. Jarmalkii waa ay ku guuldareysteen in ay qabtaan dhufeesyadii khadda qaarkood, illaa looga keeney madaafiicdii cusleyd.

Gobolka la yiraahdo Western Thrace ee ku yaal waqooyi-bari ee Giriigga, waxaa ka dagaalamey laba qeybood oo ciidan ah. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 8/ 4- 1941-kii, degmada Xanthi waxay gacanta u gashay qeybta 164-aad ee ciidanka cagta Jarmalka. Isla-galabtaas qeybta 50-aad ee ciidanka cagta ee Jarmalka waxay la wareegeen degmada Komotini. Degmadu waxay ku dhinac taal webiga Nestos, kaas oo isu mara waddamada Bulgaria iyo Giriig.

10/ 4- 1941-kii, guuto Jarmal ah oo sahan ah ayaa waxay u kaceen dhanka degmada Florina ee ku taal xuduudda Giriig iyo Macedonia. Ciidamadii Giriigga waa ay u banneeyeen waddada. Guutada Jarmalka ah oo iyagu kamid ahaa ciidanka SS ayaanan ka shakin waddadaas loo banneeyey. Bal waa ay ka faa´iideysteeen arinkii oo si nabad ah ayay ku gaareen magaalo madaxda gobolka Florina, taas oo qudheedu lagu magacaabo Florina. Isla-maalintii socodkoodii ayay sii wateen iyaga oo markaan dhanka koonfureed u kacay oo si fudud ku gaarey degmada Kozani.

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 11/ 4- 1941, ciidamo Ingiriis ah oo ku sugan degmada Vevi ayaa waxay heleen raadiyo ay ku wada-hadlayaan ciidamada Jarmalka. Waxay ogaadeen guutadan SS-ta ah in ay ku soo dhowaatey iyada oo aanan wax dagaal ah la kulmin. Markii ay khabarka gaarsiiyeen hoggaankoodii, waxaa amar lagu siiyey in ay isaga soo baxaan degmada iyo agagaarka buuraha Vermion. Ciidamadii SS, inkasta oo ay magaaladii la wareegeen, misana maalintaas waa ay u dhaqaaqi waayeen dhanka koonfureed. Waxaa fadhiyey ciidamo xooggan oo Australian ah. Maantii xigtey ayaa labadii ciidan waxaa dhex-marey dagaal culus. Libtii waxay raacdey ciidankii SS ee Jarmalka ahaa. (Australia in the War. Long Gavin. 1953. p. 104-105)

13/ 4- 1941-kii qeybta 9-aad ee ciidanka gawaarida gaashaaman ee XL ayaa waxaa lagu amrey in ay koonfur u dhaqaaqaan. Dabadeed ay fariistaan degmada Verroia oo koonfur-galbeed ka xigtey fagaaraha lagu dirirayay. Ujeeddadu waxay ahayd in la jaro taakulada koonfur uga imaneysa ciidamada xulufada oo ka dagaalamaya waqooyiga Giriigga. Ciidamadii SS ayaa iyaguna waxay markaas awood u yeesheen in ay galaan degmada Kastoria oo ah magaalo-madaxda gobolka la yiraahdo Galbeedka Macedonia. Ciidankaasi waxay markaas jareen waddada ay taakulada u marto ciidanka 1-aad ee Giriigga ee ku sugnaa dalka Albaaniya.

Dhanka waqooyi-galbeed ee Giriigga, dhulka xeebta xiga waxaa fadhiyey ciidanka 4-aad iyo midka 5-aad ee dalka New-Zeeland. Waxaa weheliyey ciidanka 16-aad ee Australia. Meel u dhexeysa buuraleyda Olympus iyo xeebta, waxay foodda isku-saareen ciidanka qeybta 9-aad. Saddex cisho oo dagaal uu ka dhex-socdey labada ciidan, Jarmalkii awood uma yeelan in ay ciidankii xulufada ay ka saaraan buurihii dhufeyska u ahaa. 15/ 4- 1941-kii ciidankii jarmalka waxaa soo gaarey ciidan taakulo ah. Waxay ahaayeen koox ciidanka mootooyinka ku socda oo ay weheliyaan koox ciidanka taangiyada ah. Weerarkii uu galey ciidankan waxba kuma kordhin ciidankii hore. Laakiin isla-maalintaas galabnimadeedii waxaa fagaarihii dagaalka soo gaarey kooxo ciidamada Jarmalka ah, kuwa ku dagaalama gawaarida gaashaaman. Weerarkoodii wuxuu dhaawac u geystey ciidamadii xulufada ee ka dagaalamayay dacallada. Laakiin ciidankii New-zeeland waxay ku adkeysteen meelihii ay dhufeesyada kaga jireen. Habeenimadii, ciidamadii Jarmalka waxay isu-geeyeen guuto ah taangiyo iyo guuto ah ciidanka cagta. (The German Campaigns in the Balkan. George E. Blau. 1953. p. 98 Washington DC – USA).

Guutadii ciidanka cagta waxay weerar ku qaadeen fariisimihii garabka bidix ee ciidanka New-Zeeland. Guutadii taangiyada iyaguna galabnimadii ayaa waxay weerareen ciidamo ku sugnaa xeebta. Markii uu gabbalku dhacay, ciidamadii New-Zeeland waa ay ka gurteen fagaarihii dagaalka iyaga oo dhaawac badan wata. Waxay ka gudbeen webiga la yiraahdo Pineios River. Ciidankan ayaa horey loo amrey in ayan goobta ka soo dhaqaaqin oo cadowga ay halkiisa ku celiyaan xataa haddii ay ku baaba´ayaan. Nasiib-darro ayaa ciidankii heshey markii ay doonidii kaga degtey webiga gudihiisii. Waxaa halkaas kaga dhintey tiro badan oo ciidan ah. Goor danbe waxaa u soo gurmadey guutada 21-aad ee ciidankii Australia.

16/ 4- 1941-kii, degmada Lamia oo ku taal bartamaha Giriirg, taliyihii ciidamada barwaaqo sooranka Sir. Henry Maitland Wilson wuxuu kula kulmey taliyihii ciidamada Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos. Markuu uga waramey xaaladda adag oo ciidankiisu ay ku sugan yihiin, wuxuu u sheegey in ciidamadiisu ay dib uga soo baxayaan aagagga waqooyi oo ay difaaca kaga jiraan. Taasina waxay ka danbeysey markii ay u adkeysan waayeen weerarka Jarmalka. Iyo ciidamadii Giriigga oo ku soo jabey koonfurta dalka Albania. Ciidamadan ayaa markii xoogag Jarmal ah ay gadaalkooda fariisteen, weerarkii ay ku qaadeenna ay ka lib-keeni waayeen, waxay u soo dhaqaaqeen in ay u soo gudbaan koonfurta dalkooda, si ayan u gelin laba-abbur.

Waddooyinkii caadiga ahaa oo ay ku soo baxsan lahaayeen waa ay ka leexdeen. Ciidamadii SS oo iyagu ahaa kuwa gadaal ka fadhiyey ciidanka Giriigga, waxay u dhaqaaqeen koonfur si ay u hor-joogsadaan ciidankan baxsadka ah. Jarmalku waxay soo gaareen degmada Ioannina oo ah magaalo madaxda gobolka Epirus. 20/ 4- 1941-kii, Jarmalkii waxay si buuxda u xireen waddadii ay ciidamada Giriigga ku baxsan lahaayeen. Taasina waxay ka danbeysey markii ay labada ciidan isaga horyimaadeen dagaal culus oo ka dhacay degmada la yiraahdo Metsova Pass ee ku taal galbeedka gobolka Epirus, kuna dhow buurta Pindus.

Dagaalkaasi dabadiis, hoggaankii ciidanka Giriigga waxaa u muuqatey in ayan suuragal ahayn in ay badbaado ku gaaraan koonfur. Sidaa darteed taliyahoodii Jeneraal Georgeos Tsolakoglou wuxuu gaarey go´aan adag oo nin hoggaamiye ah uu qaato. Wuxuu ahaa in ciidankiisa iyo qalabkooda ay si buuxda isugu dhiibaan Jarmalka. Isaga oo ka fogeynaya ciidamada Talyaaniga guul ayan shaqeysan, ayuu isu dhiibey taliyihii ciidamada SS Jeneraal Josef Sepp Dietrich. Wada-hadalkii is-dhiibidda ee labada jeneraal dhex-martey, Hitler wuxuu farey in ay sir ahaato oo khabarku uusan Talyaanigu gaarin. Ciidamadii Giriigga ee is-dhiibey tiradoodu waxay gaareysey 5.000 oo nin. Jarmalkii xoriyad ayay siiyeen oo maxaabiis ahaan uma xereysan. Markii ay hubka ka dhigeen dabadeed, waxay u fasaxeen in nin walba uu reerkiisii aado. (The German Campaigns in the Balkan. George E. Blau. 1953. p. 94-96 Washington DC – USA).

Jarmalku tan iyo bartamihii bisha abriil wuxuu xaqiiqsanaa in Ingiriisku uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Giriig, uuna ku daad-gureynayo dhanka badda. Sidaa darteed saraakiishii Jarmalku waxay ku tala-galeen in ay fashiliyaan mashruuca daad-gureynta. Jeneraal Henry Maitland Wilson qudhiisu wuxuu dejiyey qorshe uu ku badbaadiyo mashruucan. Qorshuhu wuxuu ahaa, ciidamo ilaala danbe ahaa in ay ka howl-galaan marinka la yiraahdo Thermopylae, taas oo ku soo dhacda magaalo-madaxda Athens. Waxaa halkaas ku soo baqoolaya ciidamada ugu xooggan oo Ingiriiska ka joogey waqooyiga Giriig. Ciidanka Australia amarka la siiyey wuxuu ahaa in ay xeebta ilaaliyaan. Ciidamadii New-Zeeland ayaa iyaguna waajibkoodu wuxuu ahaa in ay difaac ka galaan tuulo la yiraahdo Barallos.

23/4- 1941-kii oo ahayd markuu amarku soo baxay, ciidan waliba waxay ku sugnaayeen meeshii ay ka howl-geli lahaayeen. Gaadiid xumo awgeed, ciidanmadii cagta ee Jarmalka waxaa looga yimid waqooyiga Giriig. Waxaa koonfur u soo baxay qeybta 2-aad iyo qeybta 5-aad ee gawaarida gaashaaman iyo kooxda teknikada ee ciidanka SS. 24/ 4- 1941-kii, ciidamadii barwaaqo-sooranka oo ku guda-jira howlihii dib u-gurashada ayaa Jarmalkii goor barqo ah soo weerarey. Waxay la kulmeen iska-caabin adag. Waxaa maantaas laga gubey 15 taangi. Ciidamada xulufadu, maantaas oo dhan waxay mashquulinayeen Jarmalka si mashruuca daad-gureynta ciidanku uu si nabad ah ugu fulo. (Partisans and Guerillas (World War II). Robert H. Bailey. 1979. p. 33. London – UK).

Muddo hal maalin ah ayaa ciidamadii ilaalada danbe ee Ingiriiska waxay hor-taagnaayeen Jarmalkii. Muddadaas ayaa ciidamadii Barwaaqo-sooranka waxay ka gudbeen marnikii Thermopylae, iyaga oo koonfur u guuraya. Dabadeed waxaa marinkii banneeyey ciidamadii Ingiriiska ahaa ee difaaca kaga jiray. Iyagu waxay u gurteen degmada Thebes oo ku taal koonfur-bari ee dalka, isla-markaas waqooyiga kaga began magaalo-madaxda Athens. Degmada Thebes waxay ahayd meeshii ugu danbeysey oo ciidamada barwaaqo-sooranka ay difaac ka galaan markii ay ciidamadooda kala baxayeen dalka Giriigga.

Jeneraal Archibald Wavell oo ah hoggaamiyaha guud ee ciidamada Ingiriiska ee jooga Bariga-dhexe, goor hore ayuu u digey Jeneraal Henry Maitland Wilson. 13/ 4- 1941-kii, wuxuu u sheegey in uusan dowladda Ingiriiska ka sugin ciidan lagu soo-xoojiyo. Isla-markaas Jeneraal Archibald Wavell, wuxuu amrey Jeneraal Freddie de Guingand iyo saraakiil kale in ay diyaariyaan qorshihii lagu soo daad-gureyn lahaa ciidamada kaga sugan dalka Giriigga. Sida heshiisku ahaa go´aanka daad-gureynta ciidamada barwaaqo-sooranka waxay ahayd in ay ka timaaddo dowladda Giriigga. Laakiin talada saraakiisha Ingiriisku waxay ahayd in ay qorshaha sii diyaariyaan. Taasina waxay dhacdey 15/ 4- 1941-kii markii taliyihii ciidamada Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos uu u soo bandhigey Jeneraal H.M. Wilson in ay haboon tahay in ay daad-gureeyaan coogagga barwaaqo-sooranka.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 28-aad "

  1. Alif says:

    Gormu casharka ku noqonaya taariikhda Somaaliya ila hada waxa ku jirna Yurubta bari iyo Jarmalka