Home » Faallo »

Gabay: DAREEN QARAN – WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

November 30, 2012
Email: mabdalle@gmail.com

HORDHAC:

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed salaan ayaa abwaanku u dirayaa. Gabayga DAREEN QARAN wuxu ku yimi dood dhex martay abwaanka iyo nin ay saaxiibbo yihiin oo la yiraahdo Ducaale. Ducaale oo ah nin aamminsan fikradda kala qaybinta dalka, ayaa wuxu abwaanku kaga hadlayaa gabaygan. Si kasta ha ahaatee, abwaanka ayaa ducaale dareensiinaya in kala tagga iyo kala qoqobka Soomaali ay ka wacan tahay ‘gacmaha oo la isqabsado’. Akhirso gabayga ama dhegeyso isagoo cod ah. Mahadsanidin.

Halkan ka dhegeyso gabayga:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/shiine_dec2012.mp3]

Wuxu yiri:

Dareen qaran Ducaalow haddaad duule garanaysid
Dubaakhayga waa waxay murtidu uga darroortaaye
Aan dareersho maantana midkay dihatay laabtaydu
Soomaalidu dad qudha weeye oon kala dibboonayne
Dalkeeduna ma kala go’i karo daa’im abidkiise
Dawlad weeye calanloo cidkale lagala doodayne

Dusha Raascasayr iyo illaa dacalka Kaambooni
Dabka saylac iyo xeebta bari Waamo darafteeda
Dar weeyaan walaala ah dhammaan duul mataanaahee

Ninkii goonni wax u doonayoow dawdarbaa tahaye
Dalku waa dalaan kala go’ayn daa’im abidkiise
Dadkeennuna makala maarmi karo waa ul iyo dire
Dakanooyinkii dhaca kolbaa laga dawoobaayee

Daabaan xigaal ihi koluun ways durqumayaane
Carrabka iyo labadiisa daan baan isdeyn karine
Warhooy daa’imaan taa garane deyrka wada jooga

Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay
Ma digsiiyey hawraari waa inay ku deeqdaaye
Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey

Damiin baan wax dhaadayn kolkay talo dalluuntaaye
Damiirkii dhintaan laasimayn aakhiraa darane
Qarannimada duuggeedu waa dun iyo shaalkiiye

Iskuduubni baa lagu noqdaa dawlad waafiyahe
Kolkaan kala didnee qolaqolada la isku daaweystay
Sidii duur jajabay bay haddeer daafta wada taallee

Walaalaha Hargeysee la duday dakhar la gaadhsiiyey
Buntlaanta doog hore qalbigu wada dillaamaayo
Iyo Xamar duruufaha ka jira waysku wada daabe

Dullinnimada loo baday kolkaan dooxnay qarankiiye
Duulba dhan u dabayl raac sidii deero iyo cawle
Keenyaan dayuus iyo Amxaar bayna daakhilaye

Sidii Debec nin lihi daayacoo bahal ku soo duuley
Oo duubi weynoow libaax daacay hilibkeeda
Dugaaggii ku soo shiray lafihii bay ku diriraane

Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay
Ma digsiiyey hawraari waa iany ku deeqdaaye
Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey

Sidii dumar la wada qabo amay dani collaysiisay
Dubbihii masayrkii qalbigu cadho dekaamaayo
Dalandoolka Soomaaliduna cadow ka diimmoone

Deriskii ku neceb baa xantaa laga dabooshaaye
Waxay sii dicleeyaan Addis darista Nayroobi
Shisheeyuhu dur iyo daabac hele dagantidoodiiye

Dadnimooy ba’, garashooy dantaa, daacad odaygeeda
Della mala aadmiga midaan dawga garanayne
Dariiq qudha kolkay wada martay libin ku daanshoone

Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay
Ma digsiiyey hawraari waa inay ku deeqdaaye
Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey

Calammada direyka ah nafluhu daacad wada moodi
Wada diillinlaha daarihiyo deyrka laga taagay
Mara weeye aan damac lahayn iyo duleed yaallee

Raggii calanka dookiga ahee quruxda loo daayey
U dagaallamee gobannimada cadowga daadduunshey
Miyay deeqsigii Timacadiyo dayriyeen Xalane

Sayidkii wuxuu guluf u dumay dooyada u qaaday
Dulmadoobe iyo Beerdhigiba weerar ugu daahay
Duullaan gumeyate ah inuu naga dulqaadaaye

Maalintay duleedsheen Darwiish daacadoo diriray
Diyaaradiyo danabkii madfaca lagu diqaynaayey
Dibbay uga shallaayeen kuwii dilay walaalkoode

Dersinkii xorriyaddii ninkii doonayaa garane
Diirkii SYL iyo qaran daanno badidiiisa
Qof damiir leh baa garayee doqoni waa mooge

Email: mabdalle@gmail.com


Suntii lagu duugey Soomaali: DAAWO

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.