Home » Warar »

Cudurka Dilaaga ah ee AIDS oo Fara ba’an ku haya caalamka, waxaana sannadkii 2011 u dhintay 1,700,000 qof

Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI

“…dadka qaba AIDSee Sannadkii Tagey 2011 Caalamka waa 34 Milyan. Dadka uu ku dhacay ee qaadey waa 2 Milyan iyo Bar. Dadka u Dhintey waa 1 Milyan iyo Todobo Boqol oo kun qof ….

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…


Hayadda South Central Aids Commission (SCAC),oo Xustey Maaalinta AIDS-ka Adduunka

Halku dhiga Sannadka
. In la Waayo Qof Cusub oo uu ka Dhaco Xanuuka HIV
. In la waayo Faquuqid iyo Takoorid
. In la waayo Qof u Dhinta Xanuunkaas

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey isla markaana lagu Xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka kuna beegneyd 1-da December 2012 ayaa wqxaa lagu qabtey Hatel Amabasadoor ee Magaalada Muqdisho waaana ka qaybgaley Xildhibaano , Masuuliyiin ka soctey Hayadaha Caalamiga ah , kuwa la shaqeeye Hayadda South Central Aids Commission (SCAC),Culamaudiin, , Dhalinyaro , Haween , dadka la Nool Xanuunka HIV iyo Marti Sharaf kale .

Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo Jeediyey Gudoomiyaha hayadda SCAC Axmed Maxamed Jimcaale oo si faahfaahsan ugu dheerdaadey Waxyaabihii u qabsoomey Sannadkii tagey iyo Caqabadihii ka Horyimid isagoo sheegey in Dadka la nool Xanuunka HIV ay u baahan yihiin Daryeel Dheeraad isagoo farta ku fiiqey Dowlada Federaalka oo uu sheegey in ay si aad ah uga gaabiyeen Wax u qabashada dadkaas aad ugu Nugul

Mudane Jimcaale Waxaa uu sheegey in Sannadkaan uu Halku dhigo uu yahay in Saddex Qodob Xooga la saaro waa mida u horeysa, in la waayo Dad Cusub oo uu ku dhaco Xanuunka HIV-ga , In la waayo Faquuqid iyo Takoor loo geysto dadka Xanuunka Xamabaarsan iyo In la waayo dad u dhinta Xanuunka HIV ,

Sidoo kale waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in lagu dhaqmo Oraahda Oroneysa ( Si Wanaagsan u Ogow , Si Wanaagsan u Noolow ) Waxaa uu sheegey in dadka qaba Xanuunkaas ee Sannadkii Tagey 2011 Caalamka waa 34 Milyan Dadka uu ku dhacay ee qaadey waa 2 Milyan iyo Bar Dadka u Dhintey waa 1 Milyan iyo Todobo Boqol oo qof ,

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Nasteexo Faarax Cilmi oo ka mid ah Dadka la nool Xanuunka HIV waxayna sheegtey in Dowlada Federaalka Soomaaliyeed aysan meel marin balan qaadyo ay hore u sameeyeen , waxayna u soo jeedisey Dowlada Cusub in ay Il gaar ah ku eegto Dadka la nool Xanuunklaas maadaama ay yihiin dad aad u jilicsan una baahan daryeel Joogto ah , waxay si gaar baaq ugui jeedisey Xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay yihiin Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed mid jiran iyo caafimaad qaba iyadoo ugu baaqdey in ay Mushaarkooda qayb aad u yar ugu Tababrucaan Bahda la nool Xnauunkaas.

Xildhinaana Cismaan Libaax oo ka Hadley Munaasabadaas maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS –ka ayaa waxaa uu balan qaadey in Cabashada ka soo yeertey dadka la nool Xanuunklaas uu u Gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan Daryeel Dhinac waliba leh , isago sheegey in maanta wixii ka Dambeeye in uu jeebkiisa tababruc ka Bixin doono kuna dhiirigelin doono Saaxiibadiisa kale ee ay ku wada jiraan Barlaamaanka

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Xubno ka socdey Wasaarada Caafimaadka, Hayada WHO , Hayadda IOM, Hayada OSPAD , Gudoomiayaha Dalada Dadka la nool Xanuunka HIV waxayna dhamaantood ay sheegeen in ay Daryeel Buuxa u fidin doonaan Dadkaas la nool Xanuunkaasi iyagoo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay dadkaas daryeelaan islamarkaana waxaa halkaas lagu soo bandhigey Account Lambar oo ah 5051 ee Xawaalada Dahabshiil hadaba shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu Wargelinayaan in Account-kaas wixii ay Awoodaan ku ridaan si loogui Daryeelo dadka la nool Xanuunkaas

Cabdiraxmaan Faroole “Tuulooyin aan Ciddi Degeyn ayaa Masaajid la Dhisayaa waxaan u arkaa mid Shaqo loogu Abuurayo Alshabaab

Iyadoo Qaraxyada iyo Dilalka ay ku soo badanayaan Waqtiyadii ugu Dambeeyey Maamulka Pundland ayaa waxaa shir Jaraaid qabtey Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Shacabka looga baahan yahay in ay ka hor tagaaan Cid kasta oo Carqaladeyneysa Nabada iyo Degenaanshaha ka jira Deegaanada Maamulkaas

Mar wax laga weydiiyey in Degaanda Pundland ay ku soo badanyaan Dhaqdhaqaaqa Xarakada Alshabaab ayaawaxaa uu yiri”Arrintaas waan la soconaa weliba waxaa Deegaaanada Pundland ka socda Dhismaha Masaajida oo aan ogahay in ay yihiin kuwa la doonayo in Dhalinyarada lagu Tababaro waana mid aan si aad ah ula yaabey waayo Tuulo aan cidi Degeneyn ayaa laga Dhisayaa Masaajid aad u weyn Magaalada Carmo oo dad badan ay ku nool yihiin mala wax Masaajid ah marka Dhismaha Masaajidada waa Mashruuc islamarkaana waxaa la doonayaa in laga dhigoo Xarumo dadka lagu Tababaro Hubkana lagu keydsado

Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu u soo jeediyey Wasaarada Cadaalada ee Pundland in ay la socoto Dhismaha Masaajidada laga dhsayo Deegaanada Maamulka Pundland islamArkaana Masaajid aan Dhismihiisa looga Fasax haysan Maamulka Pundland aan laga dhis Karin isagoo sheegey Dhismaha Masaajidada ay la socon doonaan Wasaarada Diinta iyo Cadaalada iyo Guddi Culimo ah iyagaana Go’aan ka gaari doona halka laga dhisayo Masaajidka

Sidoo kale waxaa uu sheegey in Goobaha Waxbarashada ee ee ku sii badanaya Deegaanada Maamulka Pundland qaarkood waxaa uu tilmaamey in ay yihiin kuwa loogu Daneynayo Xarakada Alshabaab oo Shaqaale ama Cid u Dagaalanta loogu abuurayo wuxuuna u soo jeediyey Masuuliyiinta Maamulkaas in ay la socdaan Goobaha Waxbarashada iyo Masaajidada laga dhisayo Tuulooyinka oo uu sheegey in ay Xarumo u yihiin Xarakada Alshabaab. Islamarkaana ku Dhuumaaleystaan .

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa digniin u direy Suxufiyiinta Gudaha iyo Kuwa Dibada isagoo sheegey in ay ka soo horjeedaan Degenaansha Deegaanada Maamulka Pundland isagoo tilmaamey in wixii haatan ka dambeeya ay wax ka qaba doonaan kuwa wararka Beenta ka faafinaya Maamulka Pundland waxaa uu sii raaciyey “Inta Dacaayada laga fidiyo iyadoo la adeegsanayo Shaqsiyaad aan Bulshada wax qiime ugu fadhiyin marnaba ugu Dulqaadanmeyno

Siyaasiyiin , waxgarad , Aqoonyanno iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxay ugu digeen Cabdiraxmaan Faroole in uu Xilli Kororsi uu sameeyo iyagoo sheegey in arrintaasi ay keeni doonto Dagaalo iyo Dhibatooyin kale waxaytna u soo jeediyeen in uu u Hogaasamo Dastuurka Pundland oo dhigaya in Cabdiraxmaan Faroole uu Xilka ugu eg yahay Bisha Janaayo 9-keeda ee Sannadka 2013

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.