Home » Warar »

Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Roma oo Shirkad Talyaani ah laga kireeyey muddo 18-sano ah

Nuur Cadde, safiirka DFS u fadhiya Roma ayaa qiran in safaaradii Soomaalida laga kireeyey dad Talyaani ah. Dhismaha daartaasi waxaa mulkiyadeeda leh qaranka Soomaaliyeed, waxaase hadda lagu wareejiyey shirkad shisheeye oo muddo 18-sano ah deganaan doonta. Arrintaas warbixinteeda ka aqri qormada hoose oo ay isku soo dubaridey Muna Abshir Abdi.

Dhismaha Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ma Nuur Cadde Ayaa Iskaleh Mise Qaranka?

ALLE ayaa mahad leh, Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaayto Nabigeenii suubanaa Muxamed (SCW). Dhamaan umad Soomaaliyeed ee walaalahaay ah waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamualaikum Wr Wb.  Wayahaanba qoraalo ma soo daabicin mana waayin wax aan qoro ee wakhtigaa ii saamixi waayey. Ma jeceyli in aan ku mashquulo shaqsi iyo kooxo midna balse waxaan jeceylahay in aan shacabka Soomaaliyeed mar kasta xaqiiqda u soo ban dhigo ugana digo wax kasta oo SHARAFTOODA IYO JIRITAANKOODA WAX U DHIMAYA.

Maanta qoraalkaaygu waxuu ku wajahan yahay qoraalo iyaamahaan saxaafada calamka iyo tan soomaaliduba isla dhex marayeen oo ku saabsan Safaarada aay Soomaaliya ku leedahay dalka Talyaaniga gaar ahaayna magaalada Roma. Safaarada Soomaaliya aay ku leedahay dalka Talyaaniga waxaay ka mid tahay Hantida dad waaynaha Soomaaliyeed oo dowladiihii dalkeena ka jiray  intaan burburku dhicin aay qaranka dalka u iibiyeen.

Hadaba burburkii ka dib waxaaa durbadiiba bilaawday bililiqo baahsan , dhac, nin waxuusan lahaayn sheeganaya iyo iibsashada hantida dad waaynaha soomaaliyeed. Qof kasta waxuu rabaa in uu maalin ku taajiro, qof kasta waxuu rabaa in uu tittle (Dr, Professor, Sheikh IWM) been ah oo uusan lahaayn sheegto.

Iyaamahaan waxaa soo baxay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Nuur Xassan Hussen (Nuur Cade) uu dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga  shirkad ajaanib ah 18-sano ka kiraaystey. Nuur Cade waxuu safaarada ku kiraaystey lacag dhan $10,000 (toban –kun) iyada oo sagaalka danbana bishii lagu heshiiyay in Shirkadu bixiyaan $15,000 ( shan iyo toban –kun). Waxaa kale oo wararku intaa ku darayaan in Nuur Cade iyo Shirkadu heshiis ku galeen in 9-ka sano ee hore ay bixiso shirkadu $1080, 000 (melyaniyo sideetan kun oo doolar) iyada oo 9-ka sano oo danbana bixinaya $1,620,000 (melayan iyo lix boqol iyo labaatan kun oo doolar).

Si arintaa loo xaqiijiyo  mid ka mid ah wariyayaasha Roma uga soo warama TV-ga Universal oo lagu magacaabo Moxamed Roberto ayaa waraaysi uu la yeeshay Nuur Cade waxuu wax ka waaydiiyeey arintaan ku saabsan safaarada in la kiraaystey. Jawaabtii nuur Cade ayaa u dhacday sidatan: Halkaan ka daawo waraaysigii oo video ah.

Nuur Cade  wallow uu hadalka si kale u dhigay waxuu waraaysigiisa ku cadaaynayaa in uu safaaradii Soomaaliya ku lahaayd Talyaaniga kiraaystey, kana kiraaystey shirkad ajaanib ah. Mar Su, aal laga waaydiiyeey in Dowladu ka war haayso arintaan waxuu ku jawaabey aniga ayaa meeshaan safiir ka ah .Waxaay taasi kuu cadaaynaysaa in isagu sidoo doono u maamushay safaaradii soomaaliya aayna la wareegtey shirkad ajaanib ah walibana aan ka haaysan Dowlada iyo Baarlamka qaranka midna wax ogolaansho ah.

Ma aha markii u horeeysey oo rag sheegta masuul aay iibsadeen ama iska maamushaan Hanti ka dhaxaaysa Umada Soomaaliyeed. Shalay bay ahaayd markii Nuur Cade iyo contact Group wada saxiixdeen heshiiskii bada ee loogu magac daray burcad badeed la dagaalanka halkaas oo ciidamo badan oo aduunka ka kala socdaa aay si sharci daro ah ku galeen Biyaha dalka Soomaaliya.

Shaqsiyaaad kale oo anaan hada meeshaan uga hadlaan ayaa iyana bada Soomaaliya in sun lagu shubo u saxiixay shirkado ajaanib leeyahay. Kuwa kalana  waxaayba isku dayeen in aay bada qaayb ka mid ah ka iibiyaan wadamada dariska aan la nahay mid ka mid ah.

Hadaba aqristoow inagoo wada ogsoon in Hantidii qaranka Soomaaliyeed meel kasta la beecinayo, qaarna horay loo beec geeyey oo shaqsiyaad Soomaali sheeganaya iibsadeen, marna ma is waaydiisey goorta Soomaaliya oo dhan la iibinayo? Waayo hadii badii la iibiyo, birigii waxiii yaalayna la iibiyo, dibadii hantidii aan ku lahaayna la iibiyo, maxaa soo haraya oo la sugayaa?

Mida labaad shaqsi ma matalaa qaran? Shaqsi Hantida dad waaynaha go,aan ma ka gaari karaa in uu gado ama kireeyo? Waa maya jawaabtu sidaan filayo.

Safaarada Soomaaliya ee dalka talyaaniga ku taal waxaay waayadaan danbe u ahaayd hooy qaxoonti soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 200-oo qof kuwaas oo dalka talyaanugu u diidey sharci. Nuur Cade 4- sano ayuu safaarada gees kaga shaqaaysanayeey, dhinaciisa waxuu ka dhigtay mutuleel, kursi leader ahna wuu soo dhigtay oo uu isku war wareejiyo sidii Nin boqor ah.

Dhinaca kale ee qaxoontiga Soomaalidu kaga sugnaayeen Safaarada waxaa ka muuqdey dayac baahsan oo qof indhihiisa ku arka mooyaane  aan qoraal lagu sharixi Karin. Musqul ma lahaayn, biyo malahaayn, koronto ma lahaayn. Dadku waxaay wax ku karsanayeen gasacado ama koonbooyin sida dadka qaar u yaqanaan. Cajiib Safiir dhan oo safaarad noocaan oo kale dhinac kaga nool, dadkii uu masuulka ka ahaayna noloshaan kaga nool yihiin guriga uu ka haawl galo dhiniciisa kale. Xataa ma awoodi waayey in uu shoolad ama cooker aay wax ku karsadaan u gado?Halkaan ka fiirso Film document ah oo Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga uu ka sameeyey Nin U dhashey dalkaasi Talyaaniga 2012..

Maadama banaanka looga saaray safaaradoodii haatan waxaay qaxoontigii soomaaliyeed seexdaan Darbiyada Roma iyagoo halkaas la ildaran cuduro, Gaajo, dhaxan iyo dhibaatooyin aan marnaba halkaan lagu soo koobi Karin.  Awalba wax badan safaarada gudaheeyda kuma aaysan haaysan oo dhibaatooyin badan baa dadkaas haaystey balse maanta waxaa intaays u dheer meel aay xataa dhaxanta kaga gabadaan ma haaystaan.

Gunaanad iyo gabogabo

Waxaan qoraalkaan ku soo gabagabaynayaa talo ku socota Dowlada iyo Baarlamaanka soomaaliya, mid ku socota muwaadiniinta Soomaaliyeed, Mid ku socota aqoon yahanada Soomaaliyeed iyo mid ku socota Saxaafada Soomaaliyeed.

Dowlada iyo Baarlamaanka

Dowlada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aay wax ka qabtaan shaqsiyaadka hantida dalka iibsanaya ama danaha gaarka u ah ku foshanaya walibana istic maalaya magaca Dowlada.  Mida kale Dowladu waa in aaysan qof aan masuul ahaayn meelna u magacaabin.Waxaan si gaar ah uga codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliya in aay arinkaan fiiro gaar ah u yeeshan, xeerka Soomaaliya u yaalna lagu soo daro sharci xakamadaaynaya arimahaan oo kale hadii uusan horay u jirin hadii uu jirana lagu qaado shaqsi kasta oo Hanti Dad waayne lunsaday ama ku tala jira in uu lunsado.

Safaarada Soomaalida ee Rooma

 Aqoonyahanada iyo saxaafada Soomaaliyeed

Aqoon yahanada iyo Saxaafada Soomaaliyeed meel kasta oo aay joogaan waxaan ugu baaqayaa in aaysan arintaan ka aamusin ee qof kasta intii tabartiisa ah ama qalin ha noqoto ama af ha noqotee kaga qaayb qooto. Dadka Soomaaliyeed waa dad intooda badan aan aqoon lahaayn wax kastana waxaa kala weeyn qabiilka. Waxaa loo baahan yahay in shirkadaan ajaanibka ah ee Safaaradeena kiraaystey cashar loo dhigo si aan loogu arag Hantida Soomaaliyeed mid baaylaha oo aan cidna lahaayn cidii doontana arimahooda ku foshan karaan. Mid labaad hadii aan arintaan oo kale wax laga qaban waxaa imaanaysa in Nin kastaa sameeyo wixii la gudboon isagoo magaca Soomaaliyeed ku qaraabanaya.

Waxaa dhici karta qaar badan oo idin ka mid ah in aaysan u arag arintaan mid culus balse xaqiiqdu waa arintaan waa very serious issue in shaqsi Dowlada u shaqeeya oo loo idmaday in uu matalo, caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan uu shirkad ka kiraaysto Safaaradii dhamaayd ee ahaayd astaanta qaranka Soomaaliyeed. Ka dibna banaanka iyo dhaxanta dhigo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee iyagu halkaas awalba ku ildarnaa.

Shacabka Soomaaliyeed

Shacabka waxaan leeyahay Idin kaa ah dadkii lahaa dalkaan, hadii aad ka dhamaan waaydaan shaqsi taageer iyo Hebel baa dad ii xiga waxaad ogaataan Soomaaliyada dhan ee aad isku haaysataan  in aan dib loo arki doonin , loona maqli doonin. Maanta meel kasta hooyo iyo ilma Soomaaliyeed baa ku ildaran. Kuwa qurbaha u soo qaxay waxba kuma noola oo waa kuwaas aad arkaysaan, kuwa dalka ku noolna waxba kuma noola. Ilaahay ma halaago umad aan iyagu is halaagin. Waxaan idin leeyahay intaa sacabka Nin danaayste ah u garaacaysaan hora mar gaari maaysaan ee  Ilaahay dartiis isku raaca oo dal qurux badan baa Alle idin siiyee ku imaansada, shaqsiyaadka sharaftiina gadanayana ha u durbaan tumina ee meel uga soo wada jeedsada saas baad sharaf ku yeelanaysaane.

Waxaan qoraalkayga ku dhaafayaa maansadaan hoos ku xusan oo aan anigu iska leeyahay.

  • Dal Burburay dadkiisiina nacay dociba meel aadey
  • OO kala dabaashayday ayaan doon is leeyahaye
  • Diric iyo nin doorkii lalaah daacada ahaaye
  • Danaaystiye danbiilaa u haray dagaladeeniiye
  • Dabbaal baa u kacay iyo midaan diir naxa lahaayne
  • Dacalada aduunyada waxaa daadsan dumarkiiye
  • Darxumaa ku haaysoo daryeel maba dareemaane
  • Da,da soo kaxaysana runtii dilaalya helaye
  • Daal baa ka muuqdiyo rafaad diifa aan harine
  • Dadkayguna damiir dheer ma-loo waa damanayaale
  • Kuwa noo dinaah yaaynayoo duubka sare qaatay
  • Hadaa yaraha daaymooto oo xaalka dib u eegto
  • Waa wada damiir laawe iyo daasadaa marane

Ha la iga raali ahaaydo hadii aan wax khalday malaaigta uun baan khaldamin.

Waa Bilaahi Taawfiiq

Qore: Muna Abshir Abdi
Email: Munadecent@hotmail.co.uk


Suntii lagu duugey Soomaaliya: DAAWO


Nuur Cadde oo Lagu Abaal Mariyey in Soomaalidu aysan Xuquuq yeelan

Maraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo “La Dagaalanka Burcad-Badeedda”….

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dhismaha Safaaradda Soomaalida ee Roma oo Shirkad Talyaani ah laga kireeyey muddo 18-sano ah "

  1. Cajiib, afkiibaa juuqda gabay!!!
    Maxaa dhismaheeda iyo hagaajinteeda kuwata haddii aanu lacag ummadda Soomaaliyeed leedahay uhaynin! Maguri uu leeyahayba marka uu tilaabadaas qaadaya! Haddii ay run katahay, dowlada iyo shacabka soomaaliyeed muxuu usoo gaarsiinwaayey simarkaas go’aan loo qaato wada jir ah!

    Dhanka kale, marka aan fiiriyo dadka iyo dalka waxa kudhacay safaarad la’iibsadey waa sahal waayo marar badan ayaan maqalnay dalkii ayaa la’iibinaya, wixii kunoolaa waa wax lalaayo iyo wax laqaxiyo!
    Walaalyaal,midnimo ha laraadiyo si qaranka qeybihiisa kala duwan loo bad-baadiyo! Waa inuu qof weliba kuqancaa inuusan qabiil qaran kuu badalaynin!

    Muna waa wariye(investigative) kuwanaagsan wax baarista, waxaan urajaynaya mustaqbal wanaagsan iyo inay dadaalka halkaas kasii wado.

  2. patriot says:

    A/C WAAAM SALAMAYAA MARKA U HORAAYSA WEBKAAN SOMALITALK OO LOOGA BARTAY WADANINIMO. MIDA KALE WAXAAN HALKAAN UGA HANBALYAAYNAYAA DRS MUNA OO AH GABAR WADANI AH MAR KASTA DADKEEDA U SOO GUDBISA WAX YALAHA MUHIIM KA U AH. AAD BAAN UGA XUMAHAY IN NIN SAFIIR ISKU SHEEGAYAA ARINTAAN OO KALE KU KACO. NUUR CADE WAA SHAQSI YAA U FASAXAY IN UU XOOLAHA DAD WAAYNAHA GATO AMA KIRAAYSTO? ANIGU WAXAANBA AAMINSANAHAY IN UU IIBSADAY SAFAARADA SIDA UU HADALKA U DHIGAY WARAAYSIGIISA. MA AHA MARKII UGU HOREEYSEY OO RAG MASUULIYIIN SHEEGANAYAA GATAAN HANTI DAD WAAYNE.ILAAHAYOW SOOMAALIYA HAGAAJI, OO KA QABO CADOWGA IYO KUWA BOOBAYA.AMIIN.

  3. raage says:

    abaayo aad baad u mahadsantahay qoraalkaga qiimaha badan runtii waa wax laga xumaado
    midkastoo meel loo dhiibo haduu waraabe noqdo xagee la aada laakiin waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dad weli sidaa muna wanaagsan oo meel walba jooga oo sida wanaagsan u fekeraya

  4. xaq soore says:

    arrintaan waa wax laga xumaado waxayaabaha kale ee aan la ogeyn oo sida arrintan oo kale waa badan yihiin wax ka qabadna mid rajadeedu aad u yar tahay waaye sababtoo ah musuq maasuqa ayaa aad ugu xoog badan somaaliya aniga waxaan qabaa ilaa la soo taaago maxkamad dadka fal dabiyeedkaas geysanaya arrintu waa mid soo afjarmeysa ma ahan dalkeennu wado qatar ah ayuu ku socdaa

  5. Said says:

    AC/runtii arin la yaab leh. Waxaan kale oo maqlay in safaaradii French laga kiraaystey shirkad Chines ah. Dadkaan madaxda isku sheegaya oo mooryaantaa xagee baay soomaaliya u wadaan. Ileen ceeb looma dhinto. Muna Mahadsanid walaashiis walee waxaa tahay qof qaali ah adoo kale waa loo baahan yahay. Somali talk Radiya please arinta Safaarada French in la kiraaystey as well.