Home » Archive Bisha November, 2012

Midowga Afrika oo Sheegey in ay Dagaal ku Qaadi Doonaan Goobaha Xarakada Shabaab kaga Sugan Tahay Gobolada Dalka

Nov 17, 2012
Ergeyga Midowga Afrika u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya isagoo ugu horeynba Hanbalyo u diray Wasiirada Cusub ee dhawaan la dhaariyay. Abubakar Diyara ayaa ugu horeynba sheegey in Midowga Afrika Diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dawladda Soomaaliya isla markaana Taageeradiisa la barbar joogo. Mr Diyara oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Amisom haatan... 

Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheerre ) iyo Safiirkii Sudan Somaaliya u fadhiyey oo Geeriyooday

Nov 16, 2012
Waxaa Xarun Caafimaad oo ku taal Magaalada Muqdisho Goor Dhaweyd ku geeriyoodey Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) ka dib markii uu Mudooyinkaan Xanuusanaa waxaana la filayey in maanta loo qaado Magaalada Nairobi si halkaasi loogu   soo Daweeyo.  Maxamed Dheere waxaa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii sida aadka ah loo bartey Mudadii Labaatantankii sanno ee la soo dhaafey waxaa uu 1996 uu ku soo... 
Halkudheg:

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegy in Maamul Kor looga keeno Kismaayo aysan Dowlada Aqbali Doonin iyo Markaykanka oo ka hadlay Abuu Mansuur Al-Amriiki

Nov 16, 2012
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhinacyo badan hadalkiisaasi ku soo qaatay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu horeynba ka hadlay Siyaasadda Xukuumaddiisa Shan iyo Lixdankii Casho oo ay jirtay isagoona hoosta ka xarriiqay in wax badan ay u qabsoomeen. Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday arrinta waayadan dambe Muranka badan uu ka taagnaa... 
Halkudheg:

Ganacsatadii Hore ee Bacadlaha Xamar Weyne oo Baaq u Diray Madaxda ugu Sarreysa Xukuumadda islamarkaana sheegey in wixii Dhibaato ah ee ka yimaada Boobkaas …

Nov 14, 2012
Ganacsatadii hore ee Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne oo Kulan ku yeeashay Magaadalada Muqdisho ayaa waxaa ay uga hadleen Dhac ay sheegeen in Dawladda Hoose ee Xamar ay ku haysato Hantidooda gaar ahaana Bacadlihii Xamar weeyne. Ganacsatadan ayaa intaa ku dartay in Dukaamo ay halkaa ku lahaayeen laga iibiyay dad kale oo Lacago fara badan looga aruursaday. waa sida ay hadalka u dhigeene. taasoo ay sheegeen... 
Halkudheg:

Shirdoon oo ka Warbixiyay Hanaanka Xukuumaddiisu u Shaqayn Doonto Muddada ay jirto

Nov 14, 2012
Iyadoo maalinimadii Shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Golihii Xukuumadda ee dhawaanta uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa arrintaa markii u horeeyay waxaa ka hadlay Cabdi Faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa farta ku fiiqay in tallaabada ugu horreysa ee ay Xukuumaddiisu qaadayso in ay tahay la Dagaalanka Musuqmaasuqa... 
Halkudheg:

Xukuummada Raysulwasaare Shirdoon oo la ansixiyey

Nov 13, 2012
Muqdisho: Maanta ayaa Baarlamaakna Soomaaliyeed la horkeenay Xukuummada uu dhawaan soo dhisay Raysul wasaare Cabdi Farah Shirdoon si codka kalsoonida loo siiyo, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlibiyad ah kalsoonida kusiiyey Xukuummada Shirdoon, waxaa golaha Baarlamaanka maanta kasoo qaybgalay 225 ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka. Codka kalsooni siinta oo ahaa gacantaag waxaa u codeeyey in xukuummada... 
Halkudheg:

Amiin Yuusuf Khasaaro Hambalyo iyo Bogaadin u Direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti

Nov 13, 2012
Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Bahda Sporti-ga ahna Qoraa Dhinaca Ariimaha Bulshada ,Siyaasada iyo Sportiga ayaa Hambalyo u direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi oo dhawaan ku Guuleystey Doorasho Cadaalad ah oo ka dhacdey Dalka Jabuuti taasoo ay Goob Joog ka ahaayeen FIFA , CAF iyo CECAFA Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Jabuuti... 
Halkudheg:

ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA

Nov 13, 2012
Waxaan ka mid ahay in yar oo mar walba diida dhinacna iskaga riixa, aragtiyo in badan oo Soomaaliyeed u guuxaan amase ka guuxaan, anoo aanan ku faaneyn in aan ahay nin wax walba og, uusanna iga maqnayn caqligeenii Soomaaliyeed ee aan wada naqaanay, ayaanse is ogahay, oo aan diidaa LAFTA JECLI, LUDA JECLI, ama LAJIIFIYAANA BANAAN, LAJOOJIYAANA BANAAN iyo sidoo kale halheyskeenii cusbaa CADYAHOW KU CUNAY... 
Halkudheg:

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka qayb galaysa shirka O.I.C

Nov 13, 2012
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Ahna Wasiirka Arriamaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Oo Ka Qayb-galeysa Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Ururka (O.I.C) 57-da Dal ee Wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Islaamka ayaa lagu wadaa shir soconaya laba maalmood in uu uga furmo 15/11/2012 Hoteel Kampiniski ee caasimadda dalka Jabuuti. Shirkan oo ay marti gelisey dowladda Jabuuti... 
Halkudheg:

Xukuumada Raiisul Wasaare Shirdoon oo Maanta mar kale ku Dhici waysey in ay Hortimaado Golaha Baarlamaanka

Nov 12, 2012
Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Kulankan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Iikar ayaa intii uusan bilaaban waxaa si weyn loo hadal hayay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid la hor keenayo isla markaana lagu ansixinayo kulanka maanta ay yeelanayeen... 
Halkudheg:

Marwada Madaxweynaha Jabuuti oo maanta Deeq Lacageed soo Gaarsiisay Haweenay Soomaaliyeed oo Dhawaan Afar Mataana ah ku Dhashey Muqdisha.

Nov 12, 2012
Deeqdan Lacageed oo gaaraysey illaa shan Kun oo Doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa soo dhiibtay Marwada Madaxweynaha Dalka Jabuuti Marwo Khadra iyadoona loo soo Wakiishey Danjiraha dawladda Jabuuti u Fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble si uu u gaarsiiyo haweeney Dhawaan Magaalada Muqdisho ku Dhashey Afar Caruur ah oo Mataano. Deeqdan oo oo Haweenayda uu qabo Madaxweynaha Jamuuriyadda Jabuuti... 
Halkudheg:

Waxaan tacsi u diraynaa Ganacsade Xiireeey Qaasim Wehelie Ciise

Nov 12, 2012
Anigoo ku hadlaya magaca beesha Karanle , Jaaliyada . Aqoonyahanda culumaadiinka degan North America waxaa tacsi u direeynaa qoskii iyo eheladii uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Xiireeey Qaasim Wehelie Ciise, Ganacsadihii Hormuudka u ahaa warshadleeyda soomaliyeed 40 sano ee la soo dhaafay , oo ku geeriyooday Gurigiisa magaalada , Mogadishu, Somalia , waxaan uga tacsiyeeynaa dhamaan caruurtiisa... 
Halkudheg:

Federaalka Soomaaliya:daawo halis badan oo gacanta loo geliyey aabbe masuul ah!

Nov 12, 2012
Federalka Soomaaliya dastuurkeeda lagu dhigey waan garaneynaa duruuftuu ku yimid iyo sida lagu keeney. Ma aheyn arrin si sax ah oo bulshadu ku wada qanacsantahey oo afti loo qaadey ku timid. Waa wax ku yimid gacan maroojin ka timid soomaalida qaar iyo shisheeye is kaashadey iyadoo laga faa,iideystey kala daadsanaanta iyo midba gees taagnaanta ku dhacdey bulshada soomaaliyeed. Laguma eedeyn karo ayaan... 
Halkudheg:

Culimmada Dhimashadeeda waa Dhimashada Ummada

Nov 11, 2012
Waxaa ku geeriyaaday magaalada Kampala ee Dalka Yugandha Sh. Abdiwali Abdullahi Amiin oo ka mid ah Culimmada waa wayn ee Soomaaliyeed. Sh. Abdiwali waa mu’asaskii Markaska Towxiid ee Magaalada Kampala, waana Sheikh dacwada kawaday dalka Yugandha mudo dheer. Waxaa arintaan tacsi ka diraya Culimmada Soomaaliyeed ee waqooyiga Marakanka, waxaa qoraal nasoo gaarsiiyey Sh. Abdirahman Sh. Omar isagoo... 
Halkudheg:

Prof Dhalxa “Masuuliyiinta Dowlada waa in ay kala Cadeeyaan in Kismaayo tahay Magaalo Soomaaliyeed iyo Magaalo Kenya Leedahay”

Nov 11, 2012
Xildhibaana Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo Sheegey in Dowlada Kenya ay Qorsheryneyso in Kismaayo ku Darsato Dalkeeda. Wasiirka Dalxiiska Kenya “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.” Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si weyn uga Hadley Arimaha ka taagan Magaalada... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Cusub ee loo Doortey Kubada Cagta Jabuuti oo is Bedal Balan Qaaday

Nov 11, 2012
Guddoomiyaha Cusub ee xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi ayaa balan qaaday in uu sameyn doono is badal dag dag ah oo xaga horumarka Kubada Cagta ah. Gudoomiye Suleymaan ayaa balan qaadkan ku sheegay khudbad uu jeediyay saaka kadib markii xilkan loo doortay afarta sanadood ee soo socota. Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka socotaUururka Kubada Cagta... 
Halkudheg:

UUR DOOX Qaybtii 9-aad Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya

Nov 11, 2012
Culimmada dacwada wadatashi kaddib waxaa la isku raacay in aanan wali rag noo diyaarsanayn ay dacwada ku istaagto oo u noqda tiirarkii ay ku istaagi lahayd sidoo kale waxaan diyaarsaneeyn dadwaynaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ciidammada kuwaasoo wali u bislayn in ay hirgaliyaan sharciga Allah ku dhaqankiisa.Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in haddii qolyahan ay ku qancaan maalin maalmaha kamid... 
Halkudheg:

Kulankii Baarlamaanka ee Kalsoonida loogu qaadi lahaa Golaha Wasiirada oo Baaqdey ka dib markii ay Xukuumada Shirdoon ka Cabsatey in ay Kalsooni ku weyso.

Nov 10, 2012
Iyadoo maanta oo Sabti ah la filayay in Golaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya la horkeeno Golihii Wasiirada ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa ku yimid dib u dhac. Fadhigii Barlamaanka oo ay Maanta soo xaadireen Xildhibaanada Barlamaanka oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari ayaa mar keliya Guddoonka Barlamaanka waxaa uu shaaca ka qaaday in dib loo dhigay Ansixintii... 
Halkudheg:

Mid ka mid ahaa Odoyaashii Dhaqanka ee Wax ka Ansaxiyey Datuurka oo lagu Diley Muqdisho

Nov 10, 2012
Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa Nabadoonada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xalay kooxo hubaysan waxa ay ku Toogteen Gudaha Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.Marxuumka oo ka mid ahaa odoyaashii dhawaanta soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa Ergedii waxa ka ansaxisey Dastuurka ayaa lix Nin oo Bastoolado ku Hubaysan ay weerar ku soo qaadeen... 

General Maxamuud Qaafoow “Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Ka Ammar Qaata, Ciidanka XDS, Isagaana Xukuma oo Loo Magacaabey, Ciidanka AMISOM Amma Ururka Midowga Afrika, Taliye Loo Magacaabey Bay Leeyihiin…” wareysi

Nov 10, 2012
Madaxa hogaan xiriirka dibadda ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo ahaa taliyihii hogaaminayey saraakiisha siminaarka ugu soogebageboobey Hoteel Kempinski oo aan wax ka weydiiyey dhismaha ciidamada qaranka soomaaliyeed, ciidamada Ajnabiga ah ee dalka soomaaliya jooga, cida ay ka ammar qaataan, maadaama qaarkood ay ku yimaadeen “heshiis dowladeed”... 
Halkudheg:

Maanso: ‘QARAN MASUUG’- WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)

Nov 10, 2012
November 09, 2012 Email: mabdalle@gmail.com Waxaan halkan salaan uga dirayaa dhammaanba ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Maansadan QARAN MASUUG waxay ku socotaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya. Sababta aan maansadan ugu dirayo ayaa daarran khaladaad fara badan oo madaxweynaha iyo kooxdiisa (Dammul-Jadiid) ka galeen ummadda Soomaaliyeed.... 
Halkudheg:

G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”

Nov 9, 2012
G/sare cabdibashiir Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii hore, islamarkaana xiligii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Col/ Cabdullaahi Yuusuf, abbaanduulihii guutada Koowaad ee ka hawl-galeysay Idaale ilaa iyo gobolada Jubooyinka oo wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay, islamarkaana ahaa saraakiishii siminaarka ugu soogeba geboobey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka jabuuti 31/10/2012... 
Halkudheg:

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Shiikh Axmed Madoobey oo Amar ku Bixiyey in Wafdi ka socda Midowga Afrika, Amisom iyo Dowlada Federaalka aysan soo geli Karin Kismaayo inta laga Dhoofinayo Dhuxusha

Nov 8, 2012
. Dowlada Federaalka oo ka fiirsaneysa Talaabada ay ka qaadi doonto Shiikh Axmed Madoobe . Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo ka codsadey Dowladda in Wariyayaal ku Xayiran Garoonka Kismaayo Dib loo soo celiyo . Qaramada Midoobey oo Afar Bilood ugu Dareysa Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya . Golaha Amaanka oo isku Khilaafey in Soomaaliya laga qaado Cunaqabteynta Hubka . Qaramada Midoobey oo ka... 
Halkudheg:

Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose

Nov 7, 2012
Magaalada Kismaayo oo ay ka Bilaabantay Daabulidda Dhuxushii Mudada Halkaa ku Xayirneyd – Waxaa Magaala Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka bilowdey Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaas ku Xayirneed muddo. Waxaana Dekadda Magaalada Kismaayo soo gaaray Illaa Seddax Doonyood oo halkaas Dhuxusha ka raraya kuwaasoo sida la sheegay ku sii wajahan Dalalka Khaliijka. Dhuxushan... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...