Home » Warar »

Maxaa ka soo baxay Kulankii Waftigii Madaxweyne Culusow iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Itoobiya waxay Soomaaliya ka caawinaysaa xagga Beeraha ….

Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Xasan Maxamuud Culusow ayaa Arbacadii Nov 28, 2012 waxay magaalada Addis Ababa kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam.

Hailemariam waxa uu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay caawinto Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu xusay in Itoobiya ay Soomaaliya u direyso khubaro ka caawinta xagga beeraha.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in ay Soomaaliya ka caawinayaan dib u habaynta arrimaha madaniga, tababarka xirfadlayaasha iyo dib u habaynta hay’adaha.

Dhinaciisa madaxweynaha DFS, Xasan Sh. Maxamuud Culusow, waxa uu Itoobiya ku amaanay sida ay u taageertay Soomaaliya laga soo bilaabo sanadahii 1990-naadkii. Waxa kale oo uu ku amaanay sida Itoobiya ay uga qayb qaadatay ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliyaa ilaa markii ay dhacday xukuumaddii Siyaad Barre, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda Itoobiya ee ENA.

Taasi waa warkii Itoobiya faafisay, balse warbaahinta Itoobiya ma xusin xasuuqii iyo tacadigii ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Mana xusin xilliga ay ciidamadooda kala baxayaan Gobolada Bay/Bakool iyo Hiiraan ama wixii ka sokeeya xuduud beenaadka.

Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii murugada ee ay Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho,
 Waxayna ka baxeen
 (Jan 15, 2009), taas oo ah 749 maalmood oo ay xasuuq iyo gabood fal ku hayeen shacabkii magaalada, taas taariikhdu qortay.

Waxa kale oo ay Itoobiya gumaysi ku haysataa dhul ballaaran oo ah dhulka Soomaalida, taas oo ay tacadi u geysaneysey shacabka Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii gumaystayaashii reer Yurub ay dhulkaas gacanta u geliyeen, ayadoo aan shacabkaas u ogolayn si xor ah in ay ayaahooda uga tasadaan.

Kulankii waftiga Culusow iyo Xaylamaryan

Siyaasadda Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya waa mid cad, taas oo ah in aan dawlad xor ah oo ayaga la xisaabtami karta ka hirgelin Muqdisho iyo Soomaaliya aysan yeelan dawlad adduunka ka dhaadhicin karta arrimaha dhabta ah ee ka dambeeya siyaasadda dhabta ah ee Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya, waxaana muhiim ah in madaxweynaha ay Muqdisho yeelatay 21 sano kaddib uu taas ku baraarugsanaado.

Akhri: Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Maxaa ka soo baxay Kulankii Waftigii Madaxweyne Culusow iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya "

  1. QOQAANI says:

    itoobiya ayada ayaa laga caawiyaa beeraheeda oo dowlada indaya iyo shiinaha ayaa ka caawinoyo anagana dowlada kale ayaan u wacankarnaa oo naga caawiyo beeraha iyo dhismaha wadanka oo dhan marka itoobiya waxba looga baahna,

  2. Darwiish says:

    Salan kadib madax weynuhu arinta uu sameeyey waa siyaasad iyo xeerkeda ee mahan in loo qaato in cadaawada itoobiya nagadhaxeysa uu madax weynuhu kaboodsan yahay kaba soo qaad inusan madaxweynuhu arintas dan kalaheyn waa cadawada itoobiyee mawaxad rabten maxweynu hu inu yiraahdo itoobiya wax nagadhexeeya lama arko aan ka a hayn dagaal iyo xabad mise waxad rabten inusan itoobiyaba la hadlin war soomaaliyeey goormaad wax fahmaysan war horaa loo yiri nin kudilay hoos kuuma jiido wax fahma oo marka hore cadawnimada dhexdiinaa xaliya markas kadib itoobiya iyo cadow badan oo aad leedihin waad is ka dhicinkartan hada oo lajoogo waxad qaban kartan oo kaliya waxaaweye in aad dhexdina xalisan bal daya meeshad ka joogtan meeyey dalkii dhamaa ee soomaaliya somaliland itoobiya ayay geed ugu xirantahay puntland sidoo kale juba land iyo kuwa kaloo badan danyeertii sankawyned a yay hoostagan waa saasoo aan marnaba ladooneyn wax soomaali layiraahdo marka somali hadaysan tashan wax ijoojinaya ma jirto wax idinsugayana majirto oo dhulkan iyo badan is ku jan go an oo aad kunoo lanweyden barqo baa lasoo dagayaa dalka adunka ugu qanisan somalia weye hayeeshee dad la aan baa haysa

  3. DrPuntlander says:

    Horta ilka caddeyntu waa siyaasad fiican markaad tabar daran tahay oo waa kii UGAAS NUUR lahaa:

    Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
    Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey
    JIDHKU NIMUUSAN DOONAYN MAXAAN, HADALKA DEEQSIIYEY
    Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay
    Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa
    Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
    Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda
    Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey
    Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
    Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro
    Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
    ISAGOON DAREEN QABIN MAXAAN, KAGA DAYAANSIIYEY

    laakiin arrinta ah itoobiya ayaa soo diraysa xirfadlayaal iyo tababarayaal wasaaradaha la shaqeeya waa in laga digtoonaado sababtoo ah mashruuc si fudud hay’adaha dowladda looga dhex qoran karo jawaasiis.

  4. Asc Mudanayaal iyo Marwooyin

    Aniga waxaan qabaaa sifiican yahuu sameeyay maxaa yeelay Ethiopia dhulka ayaan ugu dhacnay mana nasiin fursad aan ku soo istaagno oo aan DHARBAAXO xisaabtan leh aan ku dhufano, marka si taas loo helaa waaa in loo dhoola cadeeyaaa lana yiraaahdaa GOOD BOB waad nacaawisay. markii CUDUDAAD iyo wax ISTARKAAGA kobco XISAABTAN ama SOO GOCO waxaaad tabaneesay, lakin hadii maanta uu horrey ka xisaabtamo SHABAAB iyo DUFULAALE oo dhan ayaa lagugu soo hubeenaaa ama QUL QULATO ayaa ,lagugu wadaaa marka aniga waxaan u arkaa WAA MARXALAD in la dhoola cadeeyo ay tahay.

    Aniga waa LEEYAHAY CADAAWAD AH Ethiopia ah lakin maqabo halagu goosto XOOG waqtigaan waxaan qabaa halago GOOOSTO MASKAX DHEELI TIRAN

  5. ASCWRWB. allah ayey mahad dhamanted u sugnatay. inta kadib waa nasib xumo maanta inan aragno qof itobia ku hadaaqaya wanag ayey ledahay ama noo tartay. waxad rabtan inad naftiina been iyo khayaali ku sabaalisan sidii ilmo abaydin ah oo naaski hooyadi caano kawaayey.
    waxa waxaaso dhan igala yaab badan marwalbo inuu gaalo raacyada uu madax weyno unoqdo ninka ardis ababa loga jeceyl badanyahay!
    . qofka muslimka ah haku doono islamtinimo ee yuusan diinka dhigan somlinimo. gaalnimada iyo gaalka hadaad muslim tahay miyad kala rebaysa? hadaad tiraahdid gaalnimada iyo diin la’anta waan ka fogaday lakin gaalada kama tegi karo waa sxbday , ma diin ayaa kaa ansaxaysa? naftiina benta ka daaya allah diintisana yaan lagaga bixin waxan jirin.
    ETHIOPIA waa gaalo waana cadawga allah iyo dadka musliminta ah. waxa ay inoo laynayso waa diinta iyo xaqqa. intaas waxan ahayn ninki ku ogaw kadoono hana ka shaleyn maalin kale!

  6. wadaad yare says:

    Hadal maalaa yacni ah looma baahna. Madaxweynuhu wuu ku saxsanyahey inuu isku dayo inuu isku dayo inuu iska sabsabo Itoobiya oo uu u muujiyo ineysan colaad u qabin.

    Madaxweynuhu inuu shacabkiisi isku soo duwo oo dowlad qaran istaajiyo oo tartiibsado wuu ku qasbanyahey.

    Qadiyadda dhex taalla Somaliya iyo dalalka deriskaana dadkii lahaa ayaaba hadda dalalkaas soo hor boodaya oo kusoo jeestey Somaliya. Marka ma wuxuu noqonayaa “malakiyun akthar minal malik”!

    Somaliland halkaasey istaagtey oo waxey xiriir dhow la yeelatey Itoobiya. Puntland sidoo kale. Jubbooyinkuna haddey doonayaan iney xiriir gooniya la yeeshaan Kenya.

    Haddaba ma waxaa habboon innagoo qabiilooyin ah inaan waddammada kale la mucaamilno mise innagoo qaran ah inaan xiriir wanaagsan la yeelanno?

  7. Abdi Hassan says:

    Scw
    Dhowr iyo labaatan sano ka dib markii Somalidu wadankoodii iyo naftoodiiba halaageen ayay hadda waxay xaaladdu maraysaa in Itoobiya inagu beerlaxaawsato waxbaan idinla qabanaynaa,madaxweyneheennii Xassan Guur-guurtena(Culusow) Somalida iyo aduunkaba maqashiiyo Itoobiya waannu heshiinney arrintaasi sow gunnimo tii u weyneyd ma aha.
    Mise baqdin buu la yeedhay oo wuxuu isleeyahay Nimaan Itoobiya wadan xukunka kuma daahee bal beryo sii joog.
    Magac baa ka hadha maalintay maro ku saaraan(Geerida), ayuu abwaan hore yidhi,waar hoy aakhirada yaan la iska xumayn,cidda la raalli gelinayaana ha noqoto Allaah kaasaa Adduun iyo Aakhiroba lagu liibaanaa.
    Haddii Itoobiya naf inoo hayso horaynu u arki lahayn(48 sano).
    Yaanan fududaane malaha dhulkii inaga maqnaa ayay Madaxweyneheenna u soo balan qaadeen inay inoo soo celinayaan! si dhakhso ah.
    Bal aan aragno uuraysataye waxay umulidoonto!

  8. Madaxweeynaha Xasan Sheekh runtii wuxuu qaaday talaabo taariikhi ah inuu isku soo dhaweeye xiriirka labada dal ee deriska. Talaabadaan isku soo dhawaanshaha waa mid looga hortagaayo kooxaha u istaagey inay burburiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ay ugu horeeyaan Puntland, Somaliland iyo Raaskaambooni. Qatarta ugu weeyn ee maanta hortaagan soo celinta qaranimada iyo sharaftii ummadda Soomaaliya waa in kooxahaas aan kor ku soo sheegay oo doonaya inay dhinac ordaan oo weliba ay xiriir dhaw la sameeystaan dawladaha jaarka nala ah iyagoo doonaya inay wiiqaan dowladda Soomaaliyeed waa in laga hortagaa oo meesha laga saara. Dowladda Itoobiya waxay balan qaaday in arimaha Soomaaliya hadda ka dib ay toos ugala xiriireeyso dowladda dhexe ee Soomaaliyeed.

  9. Walaal Qoraalkaaga yare waa mid taariikhi ah
    Waan la yaabay kolkaan website-yada soomalida ka akhriayay Itoobiya ayaa soomaliya ka caawinaysa xagga dhismaha Milateriga ,Beeraha iyo Farsamada .maasha Allaah in badan Quraanka ku yiri : ” Dadka badidoodu wax ma oga “.
    Madaxwayne Xasan inaan degdeg u mucaarado ma doonayo ,waxaanse u qabay inuu ka mid ahaa dhallintii Iskuullada loogu soo dhigay waxa ka dhexeeya Somaliya iyo Itoobiya . Waxaan islahaa,haddiiba uusan taas soo dhigan ,miyuu illoobay madaafiicdii ay maalmo dhawayd gabi ahaan soomalida la dhacaysay sida Xasuuqii ka dhacay Beledwayne ,Gedo,Bay ,Bakool,Muqdisha iyo dhammaan intii ciidammadoodu lugta dhigeen.
    Waayaabe ma colaadda uu Madaxwaynuhu Al-shabaab u qabo baa indhaha ka tuurtay ,sow ma oga in Itoobiyaanku rabaan inaan soomaliya awood danbe yeelan,kala qoqobna ay waligeed ku jirto. Waxay Qunsuliyad ku sheeg ku leeyihiin Hargeysa iyo Garoowe labadaba ,micnuhu muxuu yahay ?.
    Itoobiyaa soomaliya barwaaqo gaarsiinaysa !!!.Madaxwaynaha ha loo sheego in Itoobiya ay wali Soomali Galbeed gumaysato ,Kenyana ay NFD gumaysato ,inta ay haystaanna aysan dhici karin inaynu xiriir wanaagsan yeelanno ama ayba soomaliya aaminaan ,si kastoo ay madaxda soomalidu isku bihin-bihiso.

  10. Cabdinuur M. M. says:

    Asslm.

    Waa sax in siyaasadda Itoobiya ee ku saabsan Somaliya ey tahay mid cad, laakiin waxaa ila fiican in aanu lahaanno hadaf ku saabsan cadawgeena oo idil balse fudeyd uusan wax noo dhibin Boqol 100 Sano ama kabadanba ha’inagu qaadatee…. Madax-weyne Xasan Sheekh ma Madax-weyne Soomaaliyaa mise waa mid Muqdisho? Ku Somalitalk.com…