Home » Warar »

Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Maanta lagu Diley Muqdisho islamarkaana lagu Aasey Isbitaalka Madiina

Meydka Alle ha u Naxariistee Marxuum Axmed Nuure Aw Diini Guddoomiyihii Ganacasatada Suuqa Bakaaraha ayaa Barqanimadii Maanta lagu Aasay gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa Subaxnimadii hore ee saaka Rag Hubaysan waxa ay ku weerareen xaruntiisa oo ku taala gudaha Suuqaas kuwaasoo la beegsaday dhowr Xabadood oo uu ku dhaawacmay.Dhaawaca Nuure ayaa loola soo cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasoo muddo kaddib uu ugu Geeryoodey dhaawicii ka soo gaaray Rasaastii lala beegsaday.

Aaska Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Ehelada iyo Asxaabta Marxuumka iyadoona halkaa loogu duceeyay.

Weerarkan uu Maanta ku dhintay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa noqonaya weerarkii labaad ee lala beegsado isagoo dhawaana ka badbaaday isku day dil la doonayay in lagu khaarijiyo.

Goobtii uu shilku ka dhacay ayaa waxaa goor dambe soo gaaray Askar ka tirsan Ciidamada ammaanka dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo markiiba goobta ka bilaabay Hawl gal ay ku baadi goobayaan Dadkii ka danbeeyay Falka lagu Dilay Nuure.

Si kasta ha ahaatee Dilka Guddoomiyihii Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya xilli Saacadihii u dambeeyay Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegayeen in ay wax ka qabanayaan ammaanka Magaalada Muqdisho oo waqtiyadii dambe faraha ka sii baxayay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinnkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Maanta lagu Diley Muqdisho islamarkaana lagu Aasey Isbitaalka Madiina "

  1. Mukhtaar says:

    Alle ha u naxariisto Axmed Nuur Diini waxaan aqiin tan iyo bilowyadii siddeetanaadka, nin wanaagsan oo hufan ayuu ahaa.

    Waxaan ku qoslay hadalka u dambeeya warka Amiin soo tabiyay “Amaanka magaalada Muqdisho oo waqtiyadii dambe faraha kasii baxayay”
    Muqdisho oo amni ka jiro goormaa u dambeysaymaalin walba masaakiin aan waxba galabsan baa lagu qalanayay tan iyo 91dii marka laga reebo lixdii bilood ee maxkamadaha.