Home » Maqaallo »

Barbaarinta ubadka waa waajib ina wada saaran si looga baxo dhibka aan ku jiro

Ma jirto Ummad samaysay horumar la hareer sima ummadaha kale aqoon la’aan! Shakina kuma jiro in  jiritaanka shacuubtuna uu ku dhisan yahay aqoon awoodiisuna ay san jirayn aqoon la aan ama mid dul saar ah .

Awooddu waxay imaaddaa marka la helo wax-aqoon dhisa , nabaddu waxay jiri kartaa marka  tacliin leeyihiin dadka meel ku wada nool , caafimaadku suura gal ma noqon karo aqoon la’aan ammaanka looma diri karo laguma aamini karo mooryaan (jiray) marada uu xiran yahay soo dhacay waligiina aan dhamin caano dhididkiisa uu ku shaqaystay.

Iska dheh mahan haddaan iraahdo waxaa Soomaaliya ka maqan  tacliin  haddii aysan dadka wax barida ubadka loo diray ay uga shaqeeyaan si hufnaan iyo hawl karnimo ah waxaa hubaal ah inay cirib jarmi doonto colaadda ay huriyeen kuwo aan dugsi hoose galin.

Waa caqli yaraan inaan muran Sange ka dhigano , soomaaliya man’hajkii loo dhigay 70 meeyadii Waayadii Xukunka Askarta wuxuu kaga horeeyay reer Yurub maadooyinka Xisaabta iyo Sayniska , haddaad ku xabeeb sato haattan maxaan haynaa bal is waydii kiina dhuminay ku kalena maanan samaysan , ciidanka Soomaaliya wuxuu ahaan jiray kan  2 aad ee Africa laakiin haattan waxaan nahay Burcadda dunida kaalinta 1 aad cid nagu haysato miyay jirtaa ?

Loolan ka dunidan aan ku nool nahay wuu ka gudbay xiligii Gantaallada iyo hubka culus lagu baratamayay loolanka ugu adag ee dunida haatan hareeyay waa Cilmiga gaar ahaan tiknoolajiyadda casriga kaas oo ay soomaalida iska hor istaagtay jidkii loo mari lahaa ee wax barida iyo bar-baarinta toosan ee ubadka .

Waxaan si dhab ah ugu baahan nahay in aragtida aqoon raadiska ah looga shaqeeyo ee aan lagu mashquulin Hurre iyo Haweeyee halkaan maray hadalna shubay .

Hawl adag ayaa laga doonayaa dadka loo diray Baridda iyo Bar-baarinta ubadka Soomaaliyeed , dunida maanta aynu joogno aqoon maahane Af kale kama shaqaynayo ,Ogoow intaad dalkaaga u shaqaysid ayaad ammaan ka heli , inta aad lug-goysidna haaraan iyo habaar ayaad ka heli , hawshaas uma taallo Drs. Maryan Qaasim kaligeed ee qof kasta oo soomaali ah ayuu saaran yahay waajibka Bar-baarinta ubadka.

Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.