Home » Warar »

Xarakada Al-Shabaab oo iska Fogeysey in ay ku lug lahayd Qaraxyadii iyo Dagaaladii ka dhacay Gaarisa iyo Islii .

Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab ee Dhinaca Howlgaladda ayaa iska fogeeyay in Xarakada Shabaab wax Lug ah ay ku lahaayeen Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii iyo Dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaarisa ee lala Bar-tilmaameedsaday Dad Shacab ah haddana waxa uu daba dhigay inuusan ka xumeen falkaas lagu waxyeeleeyay dadkaas maadaama buu yiri Kenya ay nagala dhaxayso cadaawad.

Shiikh Cabdilcasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Xarakada Shabaab aysan marnaba joojineyn dagaalada ay kala soo hor jeedaan Ciidamada kiinyaanka ee duulaanka ku soo galay gudaha Soomaaliya, isagoo sheegey in wixii ka dhacay Xaafadda Islii iyo Gaarisa ay geysteenDad ka damqadey sida Kenya ula dhaqmeyso Dadka Muslimiinta

Afhayeenka Xarakada Shabaab ee dhinaca hawl galada Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo Wakaaladda wararka ee AFP la hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Dagaalo ay ka gaystaan gudaha Dalka Kenya. Afhayeenka ayaa sheegay in weeraro kala duwan ay ka fulin doonaan gudaha Dalka Kenya inta ka horreysa Xiliga Doorashada dalkaasi ay ka dhici doonto oo ah Bisha Marso ee kal dambe.

Abuu Muscab ayaa hoosta ka xarriiqay in ay suurta gal tahay xitaa ka hor Doorashada in falal weeraro iyo Qaraxya ah ay halkaa ka fuliyaan taasoo sida uu sheegay lagu argagax gelinayo Xukuumadda Kenya.

Cabdulcasiis Abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in arrintaas ay uga jawaabayaan Gardaradii qaawaneed ee Ciidamada Kiinayaanku gudaha ugu galeen SoomaaliyaSannadkii hore gaar ahaan Bishii Oktoobar Si kastaba ha ahaatee Ciidamada kiinyaanka ayaa waxa ay qayb ka yihiin hawl galka Amisom gaar ahaana Gobolada jubbooyinka oo ay kaga sugan yihiin Ciidamo aad u fara badan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail aminkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.