Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Cambaareeyay Qaraxii Dhawaan ka Dhacay Xaafadda Soomaalidu Degto ee Islii.

Maxamed Yuusuf Xaaji “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay is Difaacaan ”

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo qalabka Warbaahinta ka hadlayay ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay Xaaladaha qasan ee ka jira Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kemya.Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan Kooxo Fidna wadayaal ah oo doonaya in Magaca iyo Sumcadda ay kaga ciyaaraan Dadka Soomaaliyeed ee sharfata leh ee halkaas deggan.

Madaxweyne Xasan ayaa Cambaareyn u soo jeediyay kooxihii ka dambeeyay Falkii weerarka Qaraxa ahaa ee dhawaan lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah oo marayay xaafadda Islii isagoona sheegay in falkaasi uu yahay Mid Fuleynimo ah Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay inuu wanaagsan yahay isla markaana Dawladda Kenya ay Ciidamadeeda u soo gurmadeen Soomaaliya si ay uga gacan siiyaan Dagaalkii Xarakada Shabaab lagaga saaray Gobolka Jubada Hoose.

File photo: Kulankii ugu horeeyey ee Xasan Culusow iyo Kibaaki

Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay haatan kooxaha wada rabshadaha ka dhacaya gudaha Kenya in ay yihiin kuwo doonaya sidii loo dumin lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada Umadood ee Deriska ah. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu yeeray Soomaalida ku dhaqan gudaha Kenya in ay deganaan muujiyaan isla markaana Gacan ka gaystaan sidii looga hor tegi lahaa Kooxaha Fidna abuurayaasha ah.

Hadalkan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen gudaha Dalka Kenya Dhibaatooyin sababay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad Soomaali ah oo aan wax shaqa ah ku lahayn Dhibaatooyinka iyo qul quladaha ka jira Kenya gudaheeda ,iyadoo Wasiirka Gaashaandhga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa sheegey in wixii ka dhacay Gaarisa iyo Nairobi ay yihiin kuwa aan loo dul qaadan doonin isagoo ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay is Difaacan.

W/D Amii Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Cambaareeyay Qaraxii Dhawaan ka Dhacay Xaafadda Soomaalidu Degto ee Islii. "

  1. ASC!
    Waxaan aad iyo aad ugu xumahay madaxwayne wadan matala oo u tacsiyeenaayo wadanka kenya qaraxa ka dhaxay laakiin aan ka hadlin dadka somaliyeeyd waxaa ku dhacaayo sida xaafadda islii iyo magaalada gaarisa somalida lagu dilay , lagu dhibaateeyey iyo weliba lagu dhacay xoolahooda halkaas!
    Waxaad tahay madaxwayne somaliyeed ma tihid madax wayne kenyaati ah , waxaa kusoo doortay somali , waxaad sidataa magac somali waa inaad ka dhiidhidaa dhibata somalida haysata iyo dhibaatada loo gaysto aduunka oo dhan intaas waa aragtideeda gaaban waana mid ka imaaday qalbigee anigoo calool xumo la fadhiy halkaan oo la yaaban somali cida u maqan waxaan maqli jiray waxay tahay tahay somalinimada waxay ahaan jirtay iyo maanta halka somali ay taalo!
    Illaah ka cabsada oo waxaad tihiin dad walaalo ah oo wada dhashay ka hormariya wax walbo danta guud waayo somali waa dad sharaf iyo heebo illaah siiyey ee ka qaada halka ay taalo wabillaahi towfiiw!!!
    Asc wr wb Wcs wr wb