Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsana Xaaladda Deegaanka Islii ee Magaalada Nairobi ka dib marki ay ka dhaceen Dagaalo

Iyadoo shalay gelinkii dambe iyo Xalayba ay kacsaneyd Xaaladda ee Xaafadda ay Soomaalidu Degto ee Islii ayaa wararka Maanta halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in laga dareemi karo Degganaan.Xasaradan ayaa timi ka gadaal markii Bus yar oo Shalay marayay Degaanka Islii Qarax lala beegsaday halkaasoo ay ku dhinteen Todoba ka mid ah Rakaabkii Baska halka Shan iyo labaatan kalena ay ku Dhaawacmeen.

Arrintan ayaa waxa ay Xiisad ka dhex abuurtay Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii iyo Dadka kiinyaanka ah ee halkaa Deggan. Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray is-farasaar loo adeegsaday Baangado, Dhagaxyo ay is weydaarsadeen Soomaalida iyo Kiinyaanka iyadoo marnba dhinac la jabsaday.

Intii ay Rabshadahaas soconayeen ayaa waxaa goobtaas soo gaaray Ciidamada Boliiska kuwaas oo Rasaas ay Dadka ku kala ceeyrinayaan kor u riday. Wararaka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in meelaha ganacsiga qaar la jabasadey oo Boob u gaysteen goobihii ganacsiga ee Soomaalidu halkaa ku lahayd.

Colaadan ka aloosan tay Xaafadda Islii ayaa waxaa ay khal khal ku keentay ammaanka Xaafadda Islii oo Habeenkii xalay ahaa Cabsi ballaaran ay ka jirtay iyadoona halkaas ay joogeen Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska Kenya. Waxaa inta badan Shalay Gelinkii Dambe iyo Xalayba xirnaa goobaha Ganacsiga ee Soomaalidu halkaa ay ku leedahay iyadoona Cabsi ballaaran ay ku sugnaayeen Soomaalida halkaa deggan.

Safiirka Soomaaliya Cali Ameeriko oo booqday Isbitaalka ay yaalaan Soomaalida Dhaawacooda kaasoo cambaareyn u soo jeediyay Kooxaha Fidna wadayasha ah isagoona ugu baaqay Xukuumadda Kenya in Soomaalida oo keliya aan la bar tilmaameedsan marka ay Rabshaduhu dhacaan, dhibaatooyinka halkaa ka dhacana aysan ahayn mar walba kuwo ay gaystaan Soomaalida.

Dhinaca Kale Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya isla markaana laga soo doortay Degaanka Kama Kuuji ee Xaafadda Islii ay ka tirsan tahay ayaa markii u horeeyay ka hadlay Fowdadii Shalay ka dhacday Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi.

Yuusuf Xasan oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in shalay markii ay halkaa Rabshaduhu ay ka dhaceen kaddib Nusa saaca inuu halkaa ku soo gaaray dabeetana uu ar kay Meydad iyo dad fara badan oo Dhaawacya qaba .

Xildhibaanka ayaa arrintaa ku tilmaamay wax laga xumaado isagoona ku eedeeyay arrintaa in ay ka dambeeyeen kooxo uu sheegay in ay yihiin Fidna wadayaal Xildhibaan Yuusuf ayaa intaa ku daray in markiiba uu Xiriir la sameeyay Wasiirka Amniga Kenya si halkaas loo keeno Ciidamo wax ka qabta Xaaladda halkaa ka jirta.

Ciidamadii amaanka ee halkaa soo gaaray ayuu sheegay in ay Xakameeyeen isla markaana ay joojiyeen rabshadihii halkaas ka soconayay isagoona hoosta ka xarriiqay inaysan marnaba raali ka noqoneyn in Degaanka ay Soomaalidu degto Kooxo Fidna wadayaal ah ay ka gaystaan falal Fowda ah,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsana Xaaladda Deegaanka Islii ee Magaalada Nairobi ka dib marki ay ka dhaceen Dagaalo "

  1. faisal says:

    salaan sare dhammaan.

    Hore ayaa Soomaalidu u tiri “dhul shisheeye dhaayo malahan habeen dhex mooyee”.

    haddaba Soomaaliada galisay millions of dollor-riska Nairobi halkii ay ka dhisi lahayeen Gaarisa waa u doqonimo.

    Wayna muddanyihiin in sidatan iyo ka daran la yeelo. waxaana ugu damiir xun kuwa wadaada sheegta ee dadk a ku qalqaaliya inay Kenya dhistaan dalkeenana burbursha.

    Haddaba waxaan kula talin dadka Soomaaliyeed ee hantida faraha badan Nairobi ku shubay intaan la dhicin inay ka caddeystaan ulana guuraan Soomaaliya meelaha nabadda ah ama Gobolka Waqooyi ee Soomaalida Kenya.

    Mahadsanidiin.

  2. daacad says:

    Murti ayaa waxay oranaysaa:[ BAD DUSHEED QOFKII BEERTAA BIYO MACAAN MA HELO]. Hadaba taladaydu waxay tahay inta goori goor tahay in berriga ama ciida dusheega ay beertaan ganacsata shisheeye kalkaalkahi, maxaa ku kalifay inay guriga degaan intay guri dad leeyahay kireysanayaan?!! Faarax macallim miyeysan dhegeysan arkin shaxdiisii ahayd / Aniga ayaa mukulaal madow ka noqondoona maxallaadka mafekerayaasha dalkoodu deeqiwaayey.
    Waan hubaa hadaad fekertaan inta goori goor tahay inaad ku guuleysanaysaan horumarka dalka idinkoo kale ubaahan, dhul dadkii lahaa baraarugeen katashi mooyee kutashi malaha.