Home » Warar »

Midowga Afrika oo Sheegey in ay Dagaal ku Qaadi Doonaan Goobaha Xarakada Shabaab kaga Sugan Tahay Gobolada Dalka

Ergeyga Midowga Afrika u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya isagoo ugu horeynba Hanbalyo u diray Wasiirada Cusub ee dhawaan la dhaariyay. Abubakar Diyara ayaa ugu horeynba sheegey in Midowga Afrika Diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dawladda Soomaaliya isla markaana Taageeradiisa la barbar joogo.

Mr Diyara oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Amisom haatan isu diyaarinayaan sidii ay Dagaalo ugu qaad lahaayeen Goobaha Xarakada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolada Dalka Soomaaliya. Ergeyga ayaa xusay in Xarakada Shabaab laga saaray goobo fara badan oo ay hore uga arrimin jireen haatana ay damacsan yihiin sidii meelaha ay ku sii hareen ay uga saari lahaayeen.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay dhinaca kale Ciidamada Dawladda iyo kuwaAmisom isagoona ku amaanay in wax badan ay ka qabteen Goobihii ay Shabaabka ka xoreeyaan islamarkaana ay xaalado caadi ah ku soo dabbaaleen Degaanada ay iminka ku sugan yihiin.

Diyara ayaa ugu yeeray Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay Maamulo u samayso goobihii lagala wareegay Xarakada Shabaab gaar ahaana Gobolka Jubada Hoose. si kastaba Midowga Afrika ayaa hore u balan qaaday inuu la shaqayn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu xoojin doono doorkiisii ku aadanaa Sugidda ammaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.