Home » Maqaallo »

Amiin Yuusuf Khasaaro Hambalyo iyo Bogaadin u Direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Bahda Sporti-ga ahna Qoraa Dhinaca Ariimaha Bulshada ,Siyaasada iyo Sportiga ayaa Hambalyo u direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi oo dhawaan ku Guuleystey Doorasho Cadaalad ah oo ka dhacdey Dalka Jabuuti taasoo ay Goob Joog ka ahaayeen FIFA , CAF iyo CECAFA

Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi waxaan isku baraney Dalka Morocco gaar ahaan Magaalada Casablanca mar aan ka wada qaybgaleyney Siminaar ku saabsan Fustelka Sannadkii 2009 Bishii Luulyo lagu qabtey Dalkaas waxaa uu Xiligaas iila Muuddey Suleymaan Nin ay ka Go’an tahay in Kubbada Cagta Jabuuti uu gaarsiiyo Meel Sare

“Waxaan u Rajeynayaa Mudane Suleymaan in uu Xilkaas Culus Ilaah la Garab galo islamarkaana uu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa in uu Isbedel ku sameyn Doono Kubada Cagta dalka Jabuut”ayuu yiri Amiin Yuusuf Khasaaro oo sheegey in Soomaaliyana uu u rajeynayey Isbedel la mid ah midka Dalka Jabuuti ka dhacay.

Hadii aan Dib u Qooraansano Taariikhda Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi waa nin khabiir ah oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Maamulka Kubada Cagta tan iyo 1992-kii xiligaas oo uu noqday Guddoomiyaha Kooxda CRC xilkaas oo uu hayay tan iyo 1997-kii.

Guddoomiye Suleymaan waxaa uu ka soo shaqeeyay Maamulka xiriirka oo uu soo noqday ku xigeenka Xoghayaha guud ahna Qasnajiga Xiriirka xilkaas oo uu hayay tan iyo 2005-tii. Isla sanadkaas waxaa uu noqday xeer ilaaliye ka tirsan ururka FIFA iyo sidoo kale CAF halka sanadkii 2008 uu noqday xubin Guddiga Garsoorka ee xiriirka kubada Cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA.

Sanadkii 2004-tii Guddoomiyaha cusub waxaa ay uu noqday Kormeere Garsoore ee Ururka Kubada Cagta Dalalka Carabta ee UAFA. Isla Sanadkaas 2004 waxaa xiriirka Kubada Cagta ee Africa ee CAF uu u magacaabay Mr Suleymaan Macalin sare oo ka mida Macalimiinta Garsoorka Qaarada Africa, waxaana uu tababarro dhanka Garsoorka ah ka soo bixiyay Wadamo kala duwan oo Qaarada Africa ah.

Guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu ku dhashay Gobalka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti 29-kii Bishii Febraayo Sanadku markuu ahaa 1972-kii, waxaana loo aqoonsan yahay in uu yahay ninkii ugu shaqada badnaa xiriirka Kubada Cagta Jabuuti 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Sawirada Siminaarka Morocco waxaa ka dhex Muuqda Amiin Yuusuf Khasaaro, Xaaji Yuusuf Maxamed Shiikh ,SuleymaanaXasan Waaberi iyo Xubno ka socdey Wadamada Qaaradda Afriika.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.