Home » Warar »

Culimmada Dhimashadeeda waa Dhimashada Ummada

Waxaa ku geeriyaaday magaalada Kampala ee Dalka Yugandha Sh. Abdiwali Abdullahi Amiin oo ka mid ah Culimmada waa wayn ee Soomaaliyeed. Sh. Abdiwali waa mu’asaskii Markaska Towxiid ee Magaalada Kampala, waana Sheikh dacwada kawaday dalka Yugandha mudo dheer.

Waxaa arintaan tacsi ka diraya Culimmada Soomaaliyeed ee waqooyiga Marakanka, waxaa qoraal nasoo gaarsiiyey Sh. Abdirahman Sh. Omar isagoo ku hadlaya magaca Golaha imaamyada waqooyiga Maraykanka iyo guud ahaan Culimmada Waqooyiga Maraykanka, hadalkiisiina wuxuu ku bilaabay gabaygan.
______________________________________________

“Ahmed Ibnu Namzaal, wuxuu yiri, Dhulku waa noolaadaa inta uu noolyahay caalimkiisu, markii caalim dhinto waxaa dhinta dhulka qayb ka mid, sida dhulku u noolaado marka roobku ku da’o, haduu diido roobkuna waa dhimataa”

الْحَافِظ اِبْن عَسَاكِر فِي تَرْجَمَة أَحْمَد بْن عَبْد الْعَزِيز أَبِي الْقَاسِم الْمِصْرِيّ الْوَاعِظ سَكَنَ أَصْبَهَان حَدَّثَنَا أَبُو مُحَمَّد طَلْحَة بْن أَسَد الْمُرِّيّ بِدِمَشْقَ أَنْشَدَنَا أَبُو بَكْر الْآجُرِيّ بِمَكَّةَ قَالَ أَنْشَدَنَا أَحْمَد بْن نمزال لِنَفْسِهِ :

الْأَرْض تَحْيَا إِذَا مَا عَاشَ عَالِمهَا

مَتَى يَمُتْ عَالِم مِنْهَا يَمُتْ طَرَف

كَالْأَرْضِ تَحْيَا إِذَا مَا الْغَيْث حَلَّ بِهَا

وَإِنْ أَبَى عَادَ فِي أَكْنَافهَا التَّلَف

Innaalillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun

Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo maraakista islaamka ee Waqooyiga Maraykanka, waxaan tacsi u diraynaa ilmihii,xaasaskii,qaaraabadii iyo muslimiinta reer Uganda gaar ahaan markaska toowxiid geeridii ku timid Fadiilatu Sh. cabdiwali Amiin oo ku geeriyooday masjidka towxiid ee uu asaasay Sh. abdiwali mudana uu ka ahaa Sheikh. Waxaa isoo gaartay in Sheikhu geeriyooday isagoo darsi ku jira,waxaan Allah u weeydiinaynaa in uu ka waraabiyo jannadiisa kana dhigo mid ka istreexo adduunyada,dambigiisana dhaafo allana ka abaalmariyo khidmadii uu u soo qabtay islaamka,waxaan ka marqaati kacaynaa in uu ahaa qofwanaagsan.Waxaan leenahay innaalillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun allaahuma ajirenaa fii musiibatinaa wakhlufnaa khayran minhaa.

Sh. cabdiwali waxaan ku niqiinay alla ka cabsi , iyo u adeegga ummadda muslinka ah,fidinta diinta islaamka,caqiido iyo manhaj toosan,muslim jacayl,cilmi iyo naxariis. ilaahay cidna uma amaanayo, waxaanse u rajaynaynaa khayr. ilaahow u danbi dhaaf una naxariiso.

1- sh.Abdirahman Sh. Omar

2- Sh. Abdullahi Abul Fadli

3- Sh. Ahmed Nur Mo’alim

4- Sh. Yusuf Abdulle

5- Sh. Adan S. Abdullahi

6- Sh. Sh. Khadar Jama

7- Sh. Abdikhaliq Jama

8- Sh. Abdirisaq Xaashi

9- Sh. Nageeye

10- Sh. Mustafe Abdirahman

11- Sh. Abdirahman Nashvile

12- Sh. Mohamed Abdi

13- Sh. Abdullahi Ibrahim

14- Sh. Abdirisaq Sancaani

15- Sh. Maxbuub Abdullahi

16- Sh. Mohamed Mursal

17- Sh. Ali Moahmed

18- Sh. Ali Dhoof

19- Sh. Xasan dhooye

20- Sh. Nux Ciise

21- Sh. Mohamud Garyare

22- Sh. Macalin Barre

23 Sh. Salah Mohamud

24- Sh. Abdirashid Aabi

25- Sh. Mohamed Hambaase

Sh. Abdirahman Sh. Omar

burdhinle@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Culimmada Dhimashadeeda waa Dhimashada Ummada "

  1. Culimadu kama dhintaan reerkooda oo kali ah waayo marka horaba umanoola qoysaskooda ee ummada oo dhan ayey utaagnaayeen.
    Abdul-Weli aqoon sidaas ah uma laheyn walow aan mar ugu tagey Uganda ee waxaan leeyahay Allaha kaa waraabiyo janadiisa, ummadana hasiiyo badal wanaagsan.
    انـــــا للــــــــــه وانــــــــــــــــــا اليــــــــــــــه راجعون

  2. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun. Wuxuu ahaa nin khayrka jecel dacwadana u heegan. Ilaahay ha u naxariisto samir iyo iimaana eheladiisii ha ka siiyo.

    UK

  3. Cumar Sharif says:

    InnaaliLlaahi waa innaa ileeyhi raajicuun.
    Geeridu waa xaq. Ilaaha Cazawajallaha aha jannadii Fardows haka waraabiyo sheekh Abdiwali, dhammaan intii uu ka tagay ayaan u tacsiyadeynaynaa: xaasaska, caruurta, ehalada iyo cashiirada sidoo kale dan yartii uu sheekhu u gargaari jiray culimada dhammaantooda iyo dad kale caaam ahaan, sabar Illaah ha innaga siiyo isagana safki Nabi Muxammed (SLCW) Illaah haka dhigo.
    Sharif Cumar Muxammed,
    Axmed Dhagaxtuur
    Muzamil iyo Muxammed