Home » Warar »

Prof Dhalxa “Masuuliyiinta Dowlada waa in ay kala Cadeeyaan in Kismaayo tahay Magaalo Soomaaliyeed iyo Magaalo Kenya Leedahay”

Xildhibaana Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo Sheegey in Dowlada Kenya ay Qorsheryneyso in Kismaayo ku Darsato Dalkeeda.

Wasiirka Dalxiiska Kenya “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.”

Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si weyn uga Hadley Arimaha ka taagan Magaalada Kismaayo ka dib markii dhawaan ay qabsadeen Ciidamo ka tirsan Dowlada Kenya islamarkaana Gacan Siinayey Jabahada Raaskambooni, waxana uu sheegey in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in ay kala Caddeyso Joqraafi ahaan iyo Deegaan ahaan halka ay ka tirsan tahay Kismaayo Soomaaliya Mise Kenya.

Mudane Dhalxa waxaa uu sheegey in Gobolka Jubada Hoose ay ku dhaqan yihiin Qabaail farabadan kuwaas oo uu sheegey in loo baahan yahay in ay sameystaan Maamul u gaar islamarkaana waxaa uu sheegey in Xiligaana loo baahan yahay in la raaco rabitaanka Shacabka ku nool Gobolka Jubada Hoose sidoo kale waxaa uu sheegey in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas aysan marnaba aqbali doonin wax aan ka ahayn Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Amisom.

“Baarlamaanka waxan ka Codsanayaa in arrinta Kismaayo Miiska la soo saaro Qariidadeeda Miiska la soo saaro islamarkaana Madaxda Dowlada ay kala Cadeeyaan Kismaayo ma Magaalo Soomaaliyeed baa mise waa Magaalo ka tirsdan Dalka Kenya”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa oo sheegey in shacabka ku nool Gobolkaas aysan marnaba qaadan doonin Maamul kor looga keeno.

Prof Dhalxa oo u waramayey Warbaahinta Gudaha ayaa uga Digey Dowlada Kenya in ay Kismaayo ka sameyso maamul aysan ka warqabin Beelaha Dega Gobolkaas isagoo sheegey in Gobalka ay Degaan Qabaa’il Fara badan kuwaas oo uu sheegey in labaatankii sanno ee la soo dhaafey aysan helin Maamul ku shaqeeya Rabitaankooda.

Ugu Dambeyntii Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ugu baaqey Shacabka ku nool Gobolka Jubada Hoose in ay ka hortagaan in Gobolka uu gacanta u galo Dad aan Soomaali ahayn kuwaas oo uu sheegey in ay doonayaan in Gobolka Gumeystaan , sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Dowlada Kenya in ay faraha kala baxdo Qaddiyada Magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku shaqeyso Go’aanada ka soo baxa Dowladda Federaalka

Dhinaca Kale Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay xaaladaha iminka ka jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose. Xildhibaanka ayaa Xukuumadda Kenya ku tilmaamay inay tahay mid u taagan dooneysana in ay goosato Gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliya isla markaana ay doonayso in ay isku ballaariso Gobolka Jubada Hoose.

Xildhibaanka ayaa ka digay Colaad mar kale laga huriyo Geeska Afrika isagoona sheegay in dawladda Kenya ay iminka ka shaqaynaysa sidii halkaas Dagaal saameeya Gobolka uu uga dhici lahaa.

Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in loo baahan yahay in Xukuumadda Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya isla markaana Dawladda Soomaaliya loo daayo wixii maamul u samayn ah ee Goboladaas loo soo dhisayo.

Si kastaba Xukuumadda Kenya ayaa waxaa si weyn loogu eedeeyaa inay faraha kula jirto arrimaha maamul u sameynta Gobolada jubbooyinka iyadoona la sheego inuu jiro maamul ay si gooni ah u taageerto doonaysana inay halkaa ka dhisto.

Dhawaan ayey ahayd markii wafti ka socda Dawladda FS laga celiyey Kismaayo, arrintaas oo laga waraysatay Wasiirka Dalxiiska ee dalka Kenya, Dansa Muwansa, ayaa sharaxay sababta waftiga dawladda Soomaaliya looga celiyey Kismaayo, waxana laga sooo xigtey in uu yiri “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Prof Dhalxa “Masuuliyiinta Dowlada waa in ay kala Cadeeyaan in Kismaayo tahay Magaalo Soomaaliyeed iyo Magaalo Kenya Leedahay” "

  1. Sxb professor maxamed cumar dalxa profilekiisa radi markaas Ladin Ayey jawaabtu kuu soo baxeeysaa. Mideeda kale shirkan laleeyahay sedex sano ayuu Kenya ka socday ma shirkii dr Gandhi Oo ay shirkada total iyo French foreign intellegence service ay la daadiheeynayeen baa mise sheekadu waa sidii sharif lasoo gamay beey u eg tahay

  2. husein says:

    Prof. dhalxa goormu u prof. noqday? iga jaahil bixiiya

  3. Bashir says:

    Somalida Visa ayay u baahantahay haddi ay Kismayo aadayaan.

  4. Jubbaland says:

    Asalaama calaykum….. Walaalayaal waad lunsan tihiin Kismaayo meel intaas lagu murmo oo xildhibaan Soomaliyeed laga difaaco maaha… Qeylada iyo dooda socota waxay u eg tahay inaan Soomaali waxba ku qaadan wixii dhacay 20-ka sano. Alla maxaa caqli xumadan noogu wacan mida Jeneraalka ah iyo kan Proffessorka ah waxba isma dhaamaan qabyaalad ayaa ka wada guuxeysa… Tolow goormee dowlad noqoneynaa……?!!. riyadii Somaliweyn waxay mareysaa KismayoLand- Kenya, Uganda iyo Brundi inay maxmiyad dadban nagu heystaan….
    Kuwa Kismaayo iyo maamulka Kenya wadato difaacaya waxaan leeyahay Jen. Morgan iyo UNISOM waad ogeydiin wixii udanbeeyay? kuwa ka daba qaatay ee la aamusin la’ yahay iyaguna waxaan leeyahay ma ilowdeen wixii isbaheysi soo maray ee dhiig ku daatay: kuu Dooxada Jubba: Barre Hiiraale iyo Seeraar????? ugu danbeyn caqligu ha taliyo dowladaha la kala wato horena uma raagin haddana ma raagi doonaan ee ISMA HURTOOY HA IS HALEYN

  5. BADA says:

    Prof Dhalxa iyo inta la fikrada ah waxaan u sheegayaa in JUBALAND howsha maamul u samen teeda ay soo socotay in ka badan 3 sano hadana ay gabo gabo tahay. mida kale dowlada soomaaliya waa dowlada fadaraal ah, joboladana waxaay waq u leeyahiin inaay maamuladooda soo sameystaan. Dhalxa haduu ku doodayo in goboladaas uu ka imaaday haka qeyb gal shirka waxii uu xaq u leeyahay wuu soo heli. KENYANKA waxaay la mid yihiin UGAAN DIISAKA , BURUNDIYAANKA, JABUUTIYAANKA, NAYJEERIYAANKA, SIRILIYOONKA IYO ETHOOPIYAANKA. KUBAAS HA QEEXAAY WAXAAY WADANKA KU JOOGAAN.

  6. Ahmed says:

    The other point that i would like to say is please, don’t under mind the professor, he knows lot of hidden agenda, that you don’t have even 0.1% about the knowledge that he has been given, I am sure 100% that he took his philosophical doctor, He is a philosopher and he knows as well about the Islamic knowledge,please respect him, he is the one who will rule you tomorrow, good luck.

  7. Bismilaah,

    Horta dhibaatadanahaysata wexeey tahay markii run laisu sheego oo la yiraahdowaxani waa qaldan yihiin ama waxani wax soamliya ay dan ugu jirto maahahadeey ahaan lahay mid somali maxamed ka dhaxaysa iyo hadeey ahaan leheed mid dadka degaanka gobolka ka dhaxeeya. Aragti shaqsiyan ahaan Madaxweyne xasan sheekh xaq ayuu u leeyahay inuu ka horyimaado dhagarta Dowlada kenya oo waa hogaamiyihii wadanka dhamaantiis matalaayey wuxuuna udhaartay inuu difaacaayo danta dadka , dalka iyo sharcigaba inuu difaacayo. Laakiin, dhabaatada nahaysataa wexeey tahay markaad istiraahdo maslaxad samee waxaa lagugu kooleeynaayaa waa qabiilka aad kasoojeedo kkkk what vabout madaxweyne xasan sheekh hadii uu ahaan lahaa beesha jabhada raaskaanbooni kkk soow beel inta ka gudubto laf laf sheekadu ma noqon lahayn. Hadii ay beeli wax tareeyso ama rabto ineey wax xalaaleeysato aaway Gen morgan, Col axmed c jees iyo Col bare hiiraale. Koleey anigu shaqsi baan ahee waxaa iga talo ahaan lahayd in Kenya gabi ahaanba wadanka laga saaro qabaailada meesha degan ineey maamul cadaalad ku dhisan ay sameeystaan jabahadaha magacyada kala duwan sameeystayna in somali national army ay kamid noqdaan oo tababar iyo dhaqan celin loo sameeyo hadeey noqon leheed raaskaanbooni,galmudug,hiiraan,ahlusuna,xisbul islaam etc. Dowlda kenya damaceeda doqonimada ahna ay kadanbeeyaa shirkadaha macdanta ee yurub ay ka noqoto oo macdanta somaliya aysan been been ku xalaalsan ileen somaliya maaha hilib meel saaran oo cidii larabo ay hunguriyeyso

    Wabilaahi towfiiq

  8. Ahmed says:

    Kenyan government doesn’t have a right to appoint any admnistration to Juba State except what the international community has signated on, as a member of AMISOM that is all, must stop this political interference, we don’t need that. To day Somalia has stood up with its own too legs, we know how to stabilize and reconcile the community in this atmosphere, please avoid our affairs.

  9. naad says:

    waxaa haboon in ama sharciga dhigayaa in ay Kenya illaaliso sharuucda Un , AU, AMISOM ee Loo keenay Somalia. waxaa muuqata in ay Kenya dano qaas ah Ka leedahay jubada hoose sida Batrolka iyo qayrad Ka kaleba. si ay u gaarto danaheeda waxay isticmaalaysaa Raaskambooni iyo waxaa la midka ah ba. su’aal Hadii Kenya ay jeceshahay Absame maxay NFD wax ugu qaban weyday. NFD Waa gobolka Kenya ugu dhibatada badan ee Kenya? ilahaw caqliga ha inaga qaadin…

  10. Axmed says:

    Asw, adeer, ka waran hadii gurigaaga uu nin kale kula sheegan lahaa, miyaad aqbali lahayd? Dowlada kenya waxay Soomaaliya ka heysataa dhul la yiraa NFD, oo layska hilmaamay beryahan danbe, miyaan Kismaayana ugu darnaa? Pro. Dhalxa waa aqoon yahan Soomaaliyeed, xaq miyuusan u lahayn in uu fikirkiisa jeedsado? kismaanyo waa dhul Soomaaliyeed Soomaali oo idil ayuuna ka dhaxeeyaa, walaal is ka saar cunsuriyad nimada ku heyso.Kenya hadii aad ogolaato inay ku xukunto, ogow dhibaatada haysata dadka reer NFD.

  11. qayb says:

    WALEE KISMAAYO WAA KA FICANTAHAY BAYDHABO IYO XAMAR IYO HIRAAN IYO PUNTLAND IYO SOMALILAND.
    SAA MADAXWEYNIHII AYAA MAANATAY INTA ALE TUSIWAAYAY XAMAR IYO KURSIGA UU FADHIYO AYUU KISMAAYO KU WAASHAY

  12. Salaamun caleeykum,

    Waxaan aad ula yaabay gobolka jubada hoose 21kii sano ee bur burka somaaliya ka taagnaa oo marba qabiil dool ah inta yimaado uu ku amar ku taagleeyo taas oo ku dhisneeyd xaqdaro guud iyo mid gaar ahba. Dowlada kenya oo aan ku xisaabinayey dowladaha neutralka ka ah arimaha geeska afrika gaar ahaan somaliya ayaad waxaad moodaa ineey siyaasadeehda dhabta ah ay muuqashadeedu bilaabatay. Ugu horeeyn hadalka wasiirkeeda dalxiiska uu yiri ee ahaa “wafdiga dowlada kumeelgaarka ah hadii ay kismaayo imaanayaan waa ineey dowldakeenyala socodsiiyaan” oo waa su’aalee gobolka jubada hoose ma Kenyan territory baa and who gave that jurisdiction mideeda kale raaskaanbooni ma jabhad qabillbaa ma jabhad degaan baa hadii ay labaduba yihiin aaway dadkii kale ee meesha degenaa

  13. kheeyroow says:

    Kenya, Burundi, Uganda iyo Jabuuti maxay ugu kala duwan yihiin Ninkaan Prof ka seeganaaya.
    Qabiilka haddii ay Kenya dabada kula jiri lahaayeen sidaas si ka duwan ayaa la maqli lahaa.
    Maamulkaan Kismaayo waxay yiraahdeen maamul deegaanka ayaan dhiseynaa anigoo digil iyo Mirifle ah waan ogolahay ninkaa dulmiga Jowhar iyo Hiiraan ku haysta maxuu ugu dhiidin waayey markuu Kismaayo oo dadka deegaanka wax looga ogol yahay ka qeylinaayo. Xasan Sheekh iyo Reerihiisa ayaa dabada ka riixaayo. I know wax kale maaha

  14. badhaadhe says:

    scw waxaan jeclahay in aan u jawaabo dalxa kismaanyo waa magaalo somaliyeed waxaana ka taliya maamul somaliyeed keenyan waxay ka mid tahay ciidmada amison waxaana wax kismaanyo lag waydiinayaa maamulka ka taliya waxaana la soo dhawynyaa cidii iskaashi rabta waxaan lag fogaanayaa cidii xanuun qabta sida dawlda muqdisho wadankuna waa fadaraal wixii suaal ah eed qabto waxaad waydiinaysaa xildhibaanda ka soo jeeda jubooyinka wixii xanuun ahna ilaahay baan kuu baryaynaa in uu kaa daweeyo