Home » Announcements »

Guddoomiyaha Cusub ee loo Doortey Kubada Cagta Jabuuti oo is Bedal Balan Qaaday

Guddoomiyaha Cusub ee xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi ayaa balan qaaday in uu sameyn doono is badal dag dag ah oo xaga horumarka Kubada Cagta ah. Gudoomiye Suleymaan ayaa balan qaadkan ku sheegay khudbad uu jeediyay saaka kadib markii xilkan loo doortay afarta sanadood ee soo socota.

Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka socotaUururka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA iyo kan Qaarada Africa ee CAF kuwaas oo Jabuuti u yimid in ay Doorashada kormeeraan.

Khudbadiisa ayaa guddoomiyaha cusub waxaa uu ku sheegay in uu xooga saari doono sidii uu u meel marin lahaa isbadal dhinaca Horumarinta kubada cagta ah oo laga soo bilaabayo caruurta yar yar iyo sidoo kale horumarinta kooxda Qaranka oo haatan kala horeynta FIFA uga jirta kaalinta 198.

“Waxaan hadalkeyga kusoo darayaa mahadcelin weyn oo aan u jeedinayo guddoomiyihii talada iiga horeeyay Xuseen faduul Dhabar oo wax weyn ka qabtay dalka muddo 18 sanadood ah oo uu xilka soo hayay”ayuu khudbadiisa ku sheegay Guddoomiyaha cusub Suleyman Xasan Waaberi.

Waxaa uu Guddoomiyaha cusubi u Mahadceliyay Saraakiisha FIFA iyo CAF ee doorashada goob jooga ka ahaa, Guddiga Doorashada oo shaqo wanaagsan qabtay, Wasiirka sportiga iyo Dhalinyarada dalka Jabuuti Jaamac Cilmi Cukiye iyo dhamaan intii gacanta ka geysatay in doorashadaasi ay qabasoonto.

Guddoomiyaha cusubi waa nin khabiir ah oo muddo dheer kasoo shaqeeyay maamulka kubada cagta tan iyo 1992-kii xiligaas oo uu noqday guddoomiyaha CRC Team xilkaas oo uu hayay tan iyo 1997-kii.

Guddoomiye Suleymaan waxaa uu kasoo shaqeeyay Maamulka xiriirka oo uu soo noqday ku xigeenka Xoghayaha guud ahna Qasnajiga Xiriirka xilkaas oo uu hayay tan iyo 2005-tii. Isla sanadkaas waxaa uu noqday xeer ilaaliye ka tirsan ururka FIFA iyo sidoo kale CAF halka sanadkii 2008 uu noqday xubin Guddiga Garsoorka ee xiriirka kubada Cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECACA.

Sanadkii 2004-tii Guddoomiyaha cusub waxaa ay uu noqday kormeere Garsoore ee Ururka Kubada Cagta Dalalka Carabta ee UAFA. Isla sanadkaas 2004 waxaa xiriirka Kubada Cagta ee Africa ee CAF uu u magacaabay Mr Suleymaan Macalin sare oo ka mida Macalimiinta Garsoorka Qaarada Africa, waxaana uu tababarro dhanka Garsoorka ah ka soo bixiyay Wadamo kala duwan oo Qaarada Africa ah.

Guddoomiye Suleymaan Xasan Waaberi waxaa uu ku dhashay Gobalka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti 29-kii Bishii Febraayo Sanadku markuu ahaa 1972-kii, waxaana loo aqoonsan yahay in uu yahay ninkii ugu shaqada badnaa xiriirka Kubada Cagta Jabuuti 10-kii sano ee la soo dhaafay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.