Home » Faallo »

Maanso: ‘QARAN MASUUG’- WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)

November 09, 2012
Email: mabdalle@gmail.com

Waxaan halkan salaan uga dirayaa dhammaanba ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Maansadan QARAN MASUUG waxay ku socotaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya. Sababta aan maansadan ugu dirayo ayaa daarran khaladaad fara badan oo madaxweynaha iyo kooxdiisa (Dammul-Jadiid) ka galeen ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynuhu maaha inuu u kala eexdo gobollada dalka (yiraahdo Hiiraan Maammul Madax bannaan soo samaysta, Kismaayona anigaa maammul u samaynaya), sidoo kale wuxu gef weyn ku galay sida uu u soo dhisay xukuumadda dhowaan lagu dhawaaqay (10-ka Wasiir ka kooban). Wuxu dembi ka galay ummad badan oo Soomaaliyeed oo la hareer mariyey taladii dalka, iyadoo jagadii wasiirrada ugu sarraysay lagu abaal mariyey dad aan xataa aqoonsanayn ‘midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Akhris wanaagsan, maansadoo codana naga suga dhowaan.

Miinleey mullaaxdaay
Marxabbada abwaankaay
Miisaanka gabaygaay
Maskaxdii barbaartaay
Manqadii aqoontaay
Majliskii waxgaradkaay
Macnihiyo dabuubtaay
Maqaamkaagu waa curad

Eebboow muddaahano
Marinkeeda eexdiyo
Dulmi kii mutacammida
Kaa magansataa nahay

Afartaa maddeeyee
Maansadaan agaasimay
Mooshinkeeda xaajada
Maaxda aan u daaddego

Mabda’iisa aadmigu
Laba maan ma leeyahay?
Midnimada qofkii neceb
Ma geyaa masuulnimo?
Madaxweyne daacadi
Ma qaybshaa dalkiisoo
Majaraha ma dhiibaa
Qarankana masuugaa?

Maantay qadhaadhahay
Masalooyin ugubiyo
Midig bidix hagaysiyo
Mahadhooyin muuqdeen
Rajadii malaasnayd
Soomaali magaceed
Miyir loo hagaajiyo
Midnimay filaysee
Mugdigay dhex jiiftay
Weli meehannowdaa

Miinleydu waa mudan
Waa madal indheergarad
Maanso weeye dhaxal gala
Macnaha weeye suugaan
Murti loo agaasimo
Maqaamkeedu waa curad

Rabbiyow muddaahano
Marinkeeda eexdiyo
Dulmi kii mutacammida
Adaan kaaga magan nahay

Dawladdii la mudayee
Xasan maamulkeedii
Maaray lagugu yiri
Meelkastaba adduunyada
Dadweynuhu muraaqiyo
Farxaddii la miirmeen
Maanta Maanta Maantiyo
Meerisyada ku qaadeen
Masraxa uga heeseen
Ma dalkoo laqaybshiyo
Murugay ka dheefeen?
Ma suntii qabiilkiyo
Mililbaa la dooxoo
Wixii laysku madhiyaa
Loo mooya tumayaa?
Koox marin habawshaa
Miilada u degayoo
Marjacii Islaaxbaa
Loo meeriyaayoo
Dhiig miiradkii iyo
Masas iyo qaniinbaa
Maandeeq ku foofoo
Muudsanaaya feedhaha?

Miinleydu waa mudan
Waa madal indheergarad
Macnaha weeye suugaan
Murti loo agaasimo
Mooshinkoodu waa curad

Rabbiyow muddaahano
Marinkeeda eexdiyo
Dulmi kii mutacammida
Adaan kaaga magan ahay

Dawladdii la mudayee
Xasan maamulkeedii
Maaray lagugu yiri
Maamuuska sharaftii
Madaxweyne goortaad
Majaraha haleeshoo
Maqaamkii dalku lahaa
Qarankii mihiibtaad
Intaan waaba meeldayan
Arrin meelkadhaca iyo
Iyo lama malaystaan
Maxfallada lagaa qoray
Muddicii horeetaba
Intaan waaba meel dayan
Mudnaanteeda waxa helay
Qarankiis masuugaha
Maandeeq kubari furay
Yiri maammul gaariyo
Dalkaa maarmay baanahay
Muddicii kaleetana
Madluum bay ahaayeen
Magdhow baan u qorayaa
Raalligelin maslaxadiyo
Miiladaan u shubayaa
Xasanoow lagaa maqal
Muqdishana xasuuqii
Masaakiinta lagu dilay
Muslinkii la mawtiyey
Qabiil lagu makalayoo
Mooryaantu laayeen
Mudug maata dooxii
Macaluushii Baydhabo
Malaayiin ku goosteen
Middidii Kismaayiyo
Lagu mirayey reer Gedo
Maankayga kuma taal
Midnimada kuwii sidey
Muuneeyey calankii
Qarankana muquunayn
Mariid baan u milayaa
Xasanoow lagaa maqal

Miinleydu waa mudan
Waa madal indheergarad
Macnaha weeye suugaan
Murti loo agaasimo
Mooshinkoodu waa curad

Rabbiyow muddaahano
Marinkeeda eexdiyo
Dulmi Kii mutacammida
Adaan kaaga magan nahay

Dawladdii la mudayee
Xasan maammulkeedii
Maaray lagugu yiri
Maamuuska qarannimo
Macne lagu badbaashiyo
Miciin kaaga baahnayd
Intaan waaba meel dayan
Ma eexbaad ku moostoo
Midigta iyo bidixdaan
Meel kaaga wada ool
Madal weyn lasoo shiray
Madaxweyne Hiiraan
Maammul soo samaystaad
Dorraad muusannawdee
Malkadii Kismaanyana
Kolkii mahurtadeedii
Tala meel marsheenoo
Maammul ugu yabooheen
Warmahaad melmelatoo
Magligaad afaysee
Waadigii is madax maray
Masaalkii Maxkamadaha
Mootada biyaystoo
Colaad soo maleegoo
Maarawaa lagaa yahay
Magarbaa maxeerbaa
Macaqlaa madiinbaa
Maxaa mayiyo haadeer
Meel kuugu wada qoray
Maxilkaad mihiibtaan
Macnahiisu kuu dhicin
Ma dadkaa ku kala xiga
Ma dalkaa ku kala xiga
Madaxweynaheennoow
Sidee maanku kaa yahay?

Miinleydu waa mudan
Waa madal indheergarad
Macnaha weeye suugaan
Murti loo agaasimo
Mooshinkoodu waa curad

Rabbiyow muddaahano
Marinkeeda eexdiyo
Dulmi kii mutacammida
Adaan kaaga magan nahay

Maahmaah guuna baa tiri
Nimay meeli u caddahay
Meel baa ka madowee
Inuu Mawle garashada
Marinkeeda kugu hago
Masuuliyadda weynee
Lagu yiri majara qabo
Marinkeeda kugu hago
Mataanay ahayd waa
Soomaali magac lehe
Mugdi baa hareeyee
Muddo iyo dhowaalee
Kii xaqa u meel daya
Masiirkeed dayicinoo
Qabyaaladi masiibayn
Inuu Mawle kaa dhigo
Anna ducada kuu maray
Mahwiguna muggeedale
Maansada ku soo xidhay
Talo waatan Maalige
Masuuliyad aad gudatiyo
Qarankood mihiibtaa
Mid weeyaan lagaa sugi
Mid kaloo dardaarana
Taariikh maguurtada
Meeshaad ka geli layd
Maantaba ka daydayo
Ama qaran masuug noqo

WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.