Home » Warar »

G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”

G/sare cabdibashiir Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii hore, islamarkaana xiligii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Col/ Cabdullaahi Yuusuf, abbaanduulihii guutada Koowaad ee ka hawl-galeysay Idaale ilaa iyo gobolada Jubooyinka oo wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay, islamarkaana ahaa saraakiishii siminaarka ugu soogeba geboobey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka jabuuti 31/10/2012 ayaa isagoo ka hadlaya siminaarka ugu horeyn waxaa uu yiri “ilaalinta xuquuqda aadanaha waa waxa koowaad ee lagu helo sharafta iyo karaamada uu leeyahay wadan, ciidamadda qalabka sida waxay ku khasban yihiin inay dhowraan sharafta iyo karaamadda shacabka, waxa loo aas aasey ayeyna ka mid tahay”

Cabdi bashiir isagoo ka hadlaya qaabka ay ula dagaalamaan kooxadan shabaabka ah Ayaa wuxuu yiri “nimankan dagaalkooda wuxuu noo bilowdey 2006-dii, xili dowladii cabdullaahi yuusuf ay deganeyd baydhabo, anniga waxaan ka mid ahaa saraakiishii ka soohawl gashey mustaxiil, Jowhar, Bakool iyo Baydhabo, xiligaas anniga waxaa la ii magacaabey abbaanduulaha guutada koowaad ee loodirey dhinaca Iidaale, waxaana fuliney waajibka ilaa iyo raas kaambooni, annagoo taageero xoog leh ka heleyna ciidamadii Itoobiya.

Dadkii rayidka ahaa ee ay khaldeen nimankaan, waxaa ka mid ahaa ganacsatadii, caruurtii iskuulka dhiganeysay iyo maatadii, iyadoo lagu khaldayo in qaab diimeed loo dagaalamayo oo Cabdullaahi Yuusuf gaal yahay, Itoobiyana uu garab siinayo dalkana uu soogeliyey ciidamo Itoobiyaan ah. Mudo lix sanno amma 7 sanno kadib shacabku waxay fahmeen in waxaan diin ahayn, kuwii shaley garabka siinayey waxaa loo qaatey midiyo in qoorta laga jaro ah oo maanta khat-yaan taagan, iyadoo dadka noocaas oo kale ah hore ay ugu dhamaadeen Buur hakaba, Iidaale, ilaa iyo inta u dhexeysa Daafeed.

Laakiin maanta keligood ayaa bannaanka taagan, waxaana aad iyo aad uga xunahay in dadkaas maalinba wax la geliyo oo aan lahayn hadaf wadaniyadeed oo ay tiigsadaan, Cabdullaahina waxyaabaha lagula dagaalamey waxaa ka mid ahaa famil ahaan iyo kufaarnimo oo kufaar ayuu wataa ayaa la dhahayey, waxaa ilaahay mahadiisa ah hogaamiyeyaashii ugu weynaa maxaakiimta ee nimankan hadda sheeganaaya ka mid ahaa in maanta ay taagan yihiin salaamullaahi calal xujaaj cabdullaahi yuusuf, isagoo ka shaleynaya maalintaas lehna maanlintaas waan khaldanaa, laakiin maanta waa saxsan yahay, waa lay khaldey nin weyn oo dhahaya dhibkeeda ayey leedahay…”!

Cabdibashiir isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey “Nimankan waa Ajnabi ka yimid wadamo kale, had iyo jeer waxay ka faa’iideystaan dalalka bur burka uu ka dhaco amma ha isticmaalaan lacag amma taratuuro maskixiyadeed, waxayna qaataan caruur yar yar oo caqligoodu uusan kala go’in iyo dad mabb’da’oodu uu yahay lacag , waxaana aad iyo aad uga xunahay dadkii ku dhamaadey Iidaale, moodo moode, buur-hakabo iyo xamarba oo aan la garaneyn waxa ay ku dhinteen.

Maanta shacabkii ayaa sanka ka qabsadey, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu yiri hadda ka hor, annigaa moodayey mooyee waxa lala dagaalamayo wuxuu ahaa KURSIGA, kadib markii Sheekh Shariif uu soofuuley oo xabadda lagu bilaabey, marka dadka walaallaheena waa loo sameynkaraa dhaqan celin, laakiin dadka Ajnabiga ah wax naga dhexeeyo ma jiro oo aan ahayn xabad, haddii dalkeena aysan nooga bixin”

Cabdibashiir mar uu ka hadlaayey farqiga u dhexeeya qaabka xiligaas ay u dagaalami jireen iyo xiligan ayaa wuxuu ku jawaabey “farqiga u dhexeeya waxaa waaye in qof nool is-qarxiyo, caruurtii yar yareyd in bamm lagu sooxiro oo maskaxda laga xado, iyadoo la leeyahay Janno ayaad geleysaa oo ninka naagtiisa inta lootago la yiraahdo ninkaagii oo janno ku jira ayaan kaa dabageyneynaa ee addna isa soomiinee oo aan ahayn dhaqan soomaaliyeed, anniga waxaan aaminsanahay dadkaas in ay yihiin dad daroogo isticmaaley oo aan caadi ahayn”.

G/sare Bashiir waxaan keloo weydiiyey ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed waxa ay yihiin maanta isma weydiineyno, laakiin ma is-weydiiseen xuduudihii dalka in ay furan yihiin iyo qaabkii loo difaaci lahaa? Ayaa waxaa uu ku jawaabey “ciidanka xooga dalka soomaaliyeed wuxuu bur burey 1988-dii aan dhaho, dal marka la rabo in la dumiyo waxaa laga baabi’iyaa ciidanka, sababtoo ah, ciidanku waa ilaaliya sharaftii iyo karaamada qaranku uu leeyahay, xuduudaha haddii ay tahay iyo gudahaba, annaga bur burkeena kama bilaaban shacabka ee wuxuu ka bilowdey ciidanka.

G.sare Cabdibashiir Aadan

Waxaa la bur buriyey ciidankii si loo waayo dalkan wax iska leh,kadibna hubkii wuxuu gacanta u galey dadd aan garaneyn waxa uu yahay oo haddii uu rabo addiga kugu tijaabinayo sida uu wax u dilo, mana yaqaano shuruucda hubka, askarigii ka difaaci lahaana waxaa lootusey cadow oo xukunkii markaas jirey difaacayey, labaatankii sanno waxaa lagu jirey in askari la necbaado, laakiin hadda waxaad moodaa in dadkii ay fahmayaan in askarigu uu yahay ilaaliyaha qaranka iyo xuduudihiisa, insha allaah ilaalinta xuduudaha aan la leenahay deriska sida ugu dhakh-saha badan ayey u soo noqoneysaa, karaamadii aan ku lahayn Africana way soo noqoneysaa”.

AKHRI: Sii hayaha Xildhiga Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Muuse Cabdulle “…Wariyayaashu Waxay Ka Mid Yihiin Dadka U Shaqeeya Shacabka Oo Gaarsiiya Fariimaha Dalka Ka Jira Wanaag Iyo Xumaan Waxa Ay Yihiinba, Waana Ka Xunahay In La Dilo, Laakiin…”

Dhammaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…” "

  1. Toosiyey says:

    Sargaalka hadalkiisa waa mid aad moodo inuu miisaaman yahay wadaninimo aad u saraysana ka muuqato.

    Maahmaahyada Soomaalida waxaa kamida ” Dantaada Ma qaar ay baa lagu seexdaa”, waxaa in badan soomaaliya kadagi la dahay dad maskax adag, doqonimo dilootay aana aqoon in qofka bini’aadamkaa loo mahadnaqo lana siiyo booskiisa saxdaa. Abdulahi Yusuf (AUN) wax badan baa ceeb laga sheegay, been laga sheegay, nalagu diray. Madaxweynahii hada ka dagay Kursiga buu ahaa kuwii wax ka sheegi jiray, kadibna ahaa ninkii Janaasada Tujiyey, Haa, Shiikh Shariif waa bini’aadam waana khaldamaa muhiimadu waa in qofku la sixi karo. Qoraalkaygaan ma quseeyo dadka maahmaayadaan ku sifooba “Doqon meeshii lagu dagaalay bay ogeed, balse meeshi lagu heshiiyey ma ogayn”, ” Doqon illaahay taqaan laga ma gar helo”, “Doqon nabi Muuse baa habaaray”, “Bartii yaqaan bari u ma koradho”.

    Wax yaalaha aan Sargaalkaan ku taageeray waa, maah maah baa dhahaysay “mijo dhooqo mid ba mar baa la saaraa”, wadanka ciidan ajaniba waa joogaan, wadankana awood fiican bay ku lee yihiin, marka waa in maskaxiyan loo dareensiiyaa inay jirto maalin laga maarmayo, sargaalku wuxuu xusay in 2006 wax loo dagaalamayey ee Diin ku sheega ahaa ay been abuur noqotay, balse KURSI aheed.

    Walaal cadiifad ma fiicna, waana mida Soomaaliya aduunka ka reebta, dheh hebel waa dadaalay aan ka sii wadno, Dheh hebel halkaas baa ka khaldantay ee aan saxno, balse walaal qof dhan oo wax qabtay hawada in kirin.

    Mahadsanidiin

  2. qaybiye says:

    waxaan ahaa nin aad u jecel ciidamada, waxaan aaminsanaa walina aaminsanahay in aan wadan jirikarin ciidan la’aan. laakiin waan kaxumahay in aanan wali arkin ama maqlin ciidan soomaaliyeed oo xalaal ah ama lagu sheegikaro ciidan. maantana waa nasiibdaro in naloo amaano adeerkay abdullahi oo afkiisa ku qirtay inuu asagu bilaabay dhibka soomaaliya. waxaan leeyahay G.sare Abdibashiir dib isku saxa

  3. Nur says:

    Ninka iska hadlaaayo weydiya wadanka yaa laga ilaalin ma dadkiisi mise kuwan cadawga ah ee aad wadataaan???????? Taarikh da baro cadaw waa itoobiyo iyo kenya oo dhul naga heesto qarankeenina hada ku darsadey ee saas u faham. Mida kale kuwan gumaadsom ah ajnabi ma aha miyaaa????

  4. adam says:

    bismillahi waxaan rabaa inaan wax yar dul istaago hadalka sarkaalkaan sarkaanka waxaad moodaa inuu aad iyo aad ugu qancay inay ethopia ciidankeeda ay xasuuqeen dadbadan oo somali ah waxaan way diin lahaa dhawr su.aalood
    1 ethopia waxaa naloo baray inay tahay cadawga koowaad ee somali goormay noqotay walaal iyo saaxiib ugargaara dal iyo dad somaliyeed
    2c.laahi yuusuf 1978 dii ayuu bilaabay inuu cadawga kusoo hogaansho umada somaliyeed iyo dalkooda iyo dawladoodii kuwa maanta joogana asagaa keenay oo basuuliyadeeda qaaday waxay gaystaana waxbuu kuleeyahay cadawgii ethopia ee somali uukusoo weeraray ilaa 78 muyuu kusaxnaa ayaad leedahay hadiise ad aaminsantahay in ciidanka somaliyeed ee waqdigaas ka difaacayay ethopia iyo ssdf oo cabdulahi yusuf watay inay saxnaayeen maxaa wiilasha iidaale difaacayay iyo maantadaan an joogno khalad kadhigay difaaca dalkooda iyo dadkooda
    3 askarika waxaa loo tababaraa oo kamida waajibaadkiisa inuu colaad uhayo cidkasta oo cadawku ah wadankiisa iyo unuu xuduudaha wadanka ilaalyo adiga iyo saraakiisha kula fakarka ah mawaxaad barateen taaas badalkeeda oo ah in cadawga lagusoo hogaansho wadanka iyo in xuduudaha wadanka cadawga lasoo galiyo
    4 maxaad kadhaxasheen soo galitaankii cadawga aad soogaliseen dalka waxaan umalaynayaa jawaab waxaa iigu filan wixii kadhacay kismaayo oo ahaa in korlayladii somaliyeed kenya udiido inay kasoodagaan kismaayo