Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta Garoonka Diyaaradaha ku Qaabilay Wafddi uu heerkiisu Hooseeyey oo ka socdey Dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Maanta Shir Albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Wafddi ka socday Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Maraykanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo soconayay muddo Shan iyo Afartan daqiiqa ah oo saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd ayaa waxaa Wafdiga ku socday Maraykanka waxaa Hoggaaminayay ku Xigeenka Kaaliyaha Dawladda Maraykanka u qaabilsan Xiriirka Dibadda Wendy Sherman.

Markii uu Shirku soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Sarkaalkaas ka socday Xafiiska arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac in ay ugu horeysey sidii xiriirka labada Dal Soomaaliya iyo Maraykanka dib loogu soo celin lahaa isla markaana Dawladda Marayakanku u taageeri lahayd Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa intaa ku daray in waxyaabihii ay ka wada hadleen wafdigaas in ay ka mid ahayd sidii Deeqaha ay bixinayaan ay uga dhex muuqan lahaayeen Maamulada iyo Degmooyinka dalka taasina ay si wanaagsan isugu afgarteen

Madaxweynaha Dawladda Dederaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Maraykanka ay ka codsadeen inuu sii kordhiyo Taageeradii Dhaqaale ee uu Soomaaliya siin jiray taasina sarkaalkii ay la kulmeen uu ka balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maraykanku arrintaa u taaba gelinayo.

Dawladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amniga isla markaana ay dib u soo ceshanayso Xiriirkii Siyaasadeed ee ka dhaxeeyay labada Dal.hase yeeshee Wafdigaan ayaa lagu tilmaamey mid heerkiisu hooseeyey balse uu ahaa midkii ugu horeeyey ee Mareykanka socdey ee yimaada Soomaaliya mudooyinkaan dambe

Si kastaba kulanka maanta ayaa ka duwanaa Kulamadii uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka la yeelanayay Wufuuddii Beesha Caalamka ee maalmihii u dambeeyay soo gaarayay Magaalada Muqdisho kuwaasoo badankooda uu ku qaabili jiray Xarunta Madaxtooyada halka Wafdiga maanta yimidna uu ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha oo uu ugu tegay Madaxweynaha.

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ka Carootay Banaanbixii ka Dhacay Magaalada London Laguna Dalbnayay in Qaadka Laga Mamnuuco Britain.

Ganacsatada Qaadka ee Suuqa Xaafadda Islii ee Magaalada Nayroobi ayaa ka hor yimid kana Carooday Banaan bax Koox Soomaali ah ay ka hordhigeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska hortiisa kuwaasoo dalbanayay in Qaadka laga mamnuuco Dalka Ingiriiska.

Ganacsatadan oo Qaadka ka Keena Miirow ayaa sheegay in qaadka ay u dhoofiyaan Dalal aad u fara badan isla markaana ay ka sameeyaan dhaqaale ay noloshooda ku maareeyaan. Ganacsatadan ayaa sheegtay in aysan suurtagal ahayn in Soomaalida ku dhaqan Ingiriiska ay isku dayaan in ay hor joogsadaan Dhaqaalahooda iyagoona ugu yeeray in Shaqooyinkooda aysan soo fara gashan.

Xaafadda Islii oo ka mid ah meelaha ay ka shiraacdaan Gaadiidka sii qaada gaarsiiyana Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi Shixnadaha qaadka ayaa waxaa si weyn looga hadal hayay banaanbixii maalintii shalay ka dhacay Magaalada London halkaasoo Kooxo u ololeynaya joojinta Qaadka ay halkaas isugu yimaadeen kuwaas oo dalbanayay in la joojiyo Qaadka ka yimaada Kenya.

Ganacsatadan Qaadka ayaa sheegay in haddii qaadka la joojiyo in Xukuumadda Kiinya qudheeda uu Dhaqaalaheeda saameyn doono taasoo ay sheegeen in ay ka soo gasho Lacag Dhan Shan Milyan oo Doolar Maalin walba. Ganacsatadan ayaa sheegay in hawlahaas ay Noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqaalaha ka soo galana ay Cidahooda ku biilaan

Ganacsatadan Soomaalida ayaa Xukuumadda Kenya ku tir tirsiiyay inaan qaadka la joojin haddii ay taas dhacdana ay dad badan Shaqo la’aan soo food saarayso isla markaana Kenya qudheeda ay ku waayeyso Dhaqaalhii ay ka heleysey Qaadka loo Dhoofiyo wadamo uu Ingiriisku ka mid yahay.

Si kasta ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii Koox u Ololeyneysa joojinta qaadka Magaalada London ay ka sameeyeen banaanbax ay ku dalbanayeen in Qaadka laga Mamnuuco gudaha Magaalada London, sidoo kale dadaka soomaaliyeed eek u nool gudaha ayaa iyagana ka cabanaya qaadka laga keeno Wadamada Kenya iyo Itoobiya kaasoo ku hayo Dhibaato weyn .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Ururka Woman, Children and Elders Aid Organization oo Fadhigiisa uu yaha Ingiriiska oo Deeq lacageed iyo Dhar Gaarsiiyey Dad ku Dhibaateysan Muqdisho

Saciido Dheer “Waxaa naga Go’an in aan wax u qabao Dadka Dalka Gudihiisa wax looga qaban waayey”

Tan iyo Markii Is Bedeladu ka Dhaceen Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya waxaa jiray Dad fara badan oo Dalka ka maqnaa in ka badan Labaatan Sano oo Dib u soo Xasuustay Dalkoodii iyo Dadkoodii kuwaasoo ku Haminayay mar ay noqotaba in Dalkoodii Hooyo ee lama Huraanka ahaa mar in ay ku noqdaan soona arkaana Xaaladaha ka jira.

Qurba Joogtaas Soomaalida ayaa siyaalo iyo Wajiyaal kala duwan ku yimid Dalka qaar Dalxiis iyo qiimeyn u yimid, Qaar Samfaayaal ah oo Deeq keenay Dalka iyo qaar dib u dhis ku bilaabay halka qaarna ay Maalgelin iyo Talooyin wax ku Ool ah ay la yimaadeen.

Ururka Woman Childaren and Elders Aid Organizion oo Fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska ayaa ka mid ahaa Ururada Dalkooda iyo Dadkooda ugu soo Safray sidii ay wax ula qaban lahaayeen. Guddoomiyaha Ururkaas Marwo Siciido Shiikh Xasan (Siciido Dheer) oo ka mid ah Qurba Joogta Soomaalida ee Uk ku Dhaqan ayaa markii ay Danqatay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed soo gaadhay waxay bilowdey sidii ay dib ugu soo laaban lahayd Dalka isla markaana u Caawin lahayd Dadka Soomaaliyeed ee la Il Daran Cudurada Dalka wax looga qaban waayay.

Booqashadeedii Warta Nabadda (Wardhiiigleey)

Ururka ayaa waxa uu Deeqo kala duwan gaarsiyay Dad fara badan oo qaarkood Cuduro aan Dawo lahayn qaba, waxaana Maalintii Shalay oo ay Bishani ku beegneed 02/11/012 Guddoomiyaha Ururkaasi Marwo Siciido ay booqatay qaybo kala duwan ee Mgaalada Muqdisho ah iyadoo ugu horeynba tagtay Degmada Warta Nabadda (Wardhiigleey) ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasibaddaas ka hadlay ugu horeynba Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Deeqo Cabdulqaadir oo ka mahadcelisey Deeqda uu Maanta Ururka Woman Childaren and Elders Aiduu soo gaarsiyay Dadka Tabarta Daran ee ku dhaqan Degmadaas iyadoona ka rajeeysey Ururada kale ee Soomaaliyeed ee qurba joogta ah in ay ku deydaan Siciido Dheer oo ah Guddoomiyaha Ururka.

Marwo Siciido Dheer oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa u ballan qaadday Dadkii Masaakiinta ahaa ee ay halka kula kulantay in tani aysan ahayn Deeqdii u dambysey ee ay soo gaarsiyaan balse ay wadi doonaan iyadoona halkaa ka qaybisey Deeqo Isugu jiray Lacago, Dhar iyo waxyaabo kale oo lagama maarmaan u ahaa Afartameeyadii dadka ahaa ee ay halka kula kulantay. kuwaasoo Bukaanadii goobta soo xaadiray uu ka mid ahaa Wiil Xuddunta ka Kaadiya, Gabar Wadnuhu Daloolo, Wiil Lugo aan lahayn Burana ay kaga taalo qaarka dambe iyo Dad fara badan oo qaba Cuduro kala duwan oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Booqashadeedii Isbitaal ay kui jiraad Dadka Dhimarka la’

Intaas Kaddib ayay Marwo Siciido Shiikh Xasan Guddoomiyaha Ururkaas waxa ay booqatay Degmada Xamar Jab Jab gaar ahaana halka ay ku jiraan Dadka dhinaca Dhimirka ka jiran gaar ahaana Xerada Ahlo Khayr halkaasoo ay kula kulantay Dad qaba Cudurda Dhimirka iyadoona u kuur gashayqaabka Nolosha dadkaas.

Siciido Dheer ayaa kaddibna u gudubtay Xerada Ex.Foorlaniini oo ay ku jiraan Dad iyaguna qaba Cudurka Waalida kuwaasoo aan haysan wax ay ku Seexdaan iyadoona Gaarsiisay Deeq Firaashyo ah ama Joodarayaal dhowr ah oo loogu tala galay in ay ku Seexdaan Dadka halkaas lagu hayo taasoo Dadkii Dhimarka la’aa iyo Maamulkii Xarumahaasba ay ka mahadceliyeen Deeqdan lama filaanka ah ee ay soo gaarsiyeen Mas’uuliyiinta Ururka Woman Children and Elders Organization.

Booqashadeedii Raalya Shiikh Abuukar oo ah (Gabar Gubatey)

Intaas kaddib ayay Marwo Siciido waxa ay gudubtay Degmada Xamar Jab Jab gaar ahaana Xaafadda Iskoolo Bulozio halkaas oo ay kula kulantay Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Raaliyo Shiikh Abuukar oo gubatay muddo dheerna iska taalay daawo la’aan Guri Jiingad ah oo ku yaala Xaafaddaas.

Guddoomiyaha Ururka ayaa talo ku soo jeedisay in Gabadhaas goobtaas laga raro iyadoona ballan qaaday in ay Taageero ka gaysanayso Guriga kale ee la dajinayo Gabadhaas oo Degaan ahaan halkaas ka fog iyadoona wax xoogaa Kaalma ah gaarsiisay Gabadhaa Miskiinta ah ee Gubatay Cid wx u qabatayna aysan jirn.

Booqashadeedii Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ugu Dambaytii ayaa Guddoomiyaha Ururkaa Soomaaliyeed ee Dalka yimid waxa ay Booqatay Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Ku Sugan Isbitaalka Martiini iyadoona halkaa kula hadashay Naafada Ciidanka isla markaana u ballan qaaday in mar kale ay soo booan doonto.

Marwo Siciido ayaa warbixin Xaaladda Nololeed uu Naafada Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay ka dhagaystay AfHayeenka Naafada Xoogga Cabdi Mahad oo u mahadceliyay Ururka Gabdhaha Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay Deeqda isagoona ka codsaday Jaalyadaha Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan in ay ku Deydaan Ururkan isla markaana ay soo gaarsiyaan Deeqaha iyo Kaalmooyinka lagama Maarmaanka ah.

Intaas kaddib Siciido Shiikh Xasan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay aad uga qiirootay dhibaatada haysata Dadka Soomaaliyeed oo mudada dheer Dagaalada iyo Colaadaha ku jiray iyadoona balan qaaday in marka ay dalka dibaddiisa ku noqoto ay u ololeyn doonto sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Soomaaliyeed oo Caafimaadkooda wax looga qaban waayay dalka gudihiisa.

Siciido Dheer ayaa sheegtay in Deeqdan ay keentay aysan jirin cid gacan ka siisay Ururkeeda oo keliyana uu soo diyaariyay iyadoona ugu baaqday Qurba Joogta kale ee Soomaalida ah in ay xoogga saaran sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Soomaaliyeed iyadoo aan loo eegeyn Gobol ama Qabii midna

Wixii Faahfaahin ah kala Xiriir

Gudoomiyaha

Ururka Woman, Children and Elders Aid Organization

Saciido Shiikh Xasan

Tel 00447931779733

E-Mail saciido@hotmail.co.uk

W/D A miin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.