Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku dhawaaqay Gole Wasiiro oo ka kooban 10 xubnood

Ra’iisul Wasaaraha Dawlada federaalka Soomaaliya, Cabdi Farax Shirdoon, ayaa caawa Nov 4, 2012 waxa uu ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo tiradoodu tahay 10 Wasiir. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa faafiyey magacyada iyo warsaxaafadeedka hoose:

Halkan ka daawo Sawirada Magacaabista Wasiirada CUsub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Caawa Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda.

Muqdisho, Axad, Nov, 04, 2012—–Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa caawa shaaca ka qaaday golihiisa Wasiiradda kadib markii uu la sameeyey latashiyo madaxda ugu saraysa dalka, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan waxaana golaha wasiiradu ka kooban yihiin toban wasiir.

Magacyada Golaha Wasiiradda Cusub.

1. Marwo: Fowsiyo Yuusuf X. Aadan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.

2. Mudane: Cabdulahi Abyan Nuur. Wasiirka Garsoorka Iyo Arrimaha Diinta.

3. Mudane :Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi. Wasiirka Gaashaandhiga

4. Mudane :Cabdikariin Xuseen Guuleed. Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka.

5. Mudane: Cabdulahi Ciil Mooge Xirsi. Wsiirka Warfaafinta, Boostada Iyo Isgaarsiinta.

6. Mudane: Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka.

7. Mudane: Muxyidiin Maxamed Kaalmooy . Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud.

8. Marwo: Maryan Qaasim . Wasiirka Wasaaradda Horumirinta Adeega Bulshada.

9. Mudane: Maxamuud Axmed Xasan. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha

10. Mudane: Maxamuud Xasan Suleymaan . Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Qorsheynta.

–Dhamaad–

Sawirada Magacaabista hoos ka daawo

somalitalk's golecusub album on Photobucket

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku dhawaaqay Gole Wasiiro oo ka kooban 10 xubnood "

  1. soomaali says:

    Qabiilooyinka Golaha Wasiirada ee xukuumada cusub

    1. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan – Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaha Dibada (Beesha Isaaq/Dirta Waqooyi)

    2. C/llaahi Abyan Nuur – Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta (Beesha Biyomaal/Dirta Koofureed)

    3. C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji (Fiqi) – Wasiirka Gaashaandhiga (Beesha Raxawayn/Digil)

    4. Axmed Maxamuud Xasan – Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgashiga (Beesha Raxaweyn /Mirifle)

    5. C/risaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Badda (Beesha Xawaadle/Hawiye)

    6. C/kariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka (Beesha Habar-gidir/Hawiye)

    7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil – Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka (Beesha Majeerteen/Daarood)

    8. C/llaahi Ciilmooge Xirsi – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Beesha Ogaadeen/Daarood)

    9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy – Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska (Beesha Shanaad/ Jareerweyne)

    10. Maryan Qaasim Wasiirkii Hormarinta adeega bulshada (Beesha Shanaad/Banaadiri)