Home » Warar »

Wafdi Magaalada London uga yimid Horumarinta Waxbarashada Maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaarey Magaalada Cadaado

Waxaa Xarunta Maamul Goboleedka Ximan Iiyo Xeeb ee Cadaado gaarey wafdi dhinaca waxbarashada oo uu Hagaaminayey Gudoomiyaha Gudoonka Sare Musa’sasada iyo Horumarinta ee Iftin ee Fadhigeedu yahay Magaalada London Cismaan Macalin Xasan Geele waxaana Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyey Ardeyda wax ka barata Dugsiyada waxbarashada ee Mu’asasadaasi

Xubnhii kale ee Soo Dhaweeyey Wafdiagaasi waxaa ka mid ahaa Maamulayaasha Dusiyada iyo Agaasimayaasha Mus’asasadaasi ee Waxbarashada iyo Horumarinta oo uu ka dhex muuqdey Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan,Waalidiinta ardeyda , Aqoonyahano, iyo Xoghayaha Waxbarashada iyo Isboortiga Maxamed Xaaji Xuseen , Boqolaal Ardey oo wax ka barada Dugsiyada Muasasadaasi iyo dadweynaha aad u fara badan

Wafdiagan oo ka tagey Magaalada Muqdisho ayaa Xaflad balaaran waxaa loogu qabtey Dugsiga Mu’asasada ee Iftin ee Magaalada cadaado , waxaana uu GudoomiayahA Cismaan Macalin uu uga mahadceliyey intii ka qayb qaadatey Soo dhaweynta Wafdigiisa isagoo ku booriyey ardeyda in ay halkaa ka sii wadaan Heeraka waxbarasho.

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Xoghayaha Waxbarashada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Xaaji Xuseen oo halkaa ka caddeyey in Mu’asasada ay wax weyn ka qabtey dhinaca waxbarashada ee Dugsiyada ee ku yaal Deegaanka Maamulka Ximan iyo Xeeb isagoo sheegey in ay dadaal u geli doonaan Qiimeynta waxbarashada ee Deegaanka.

Wxaaa kaloo halkaa ka hadlayey Agaasimaha waxbarashada iyo Horumarinta Gobolada Dhexe Cabdulaahi Shiikh Xasan oo sheegey in ay Hiigsanayaan in waxbarashada Mu’asasada ay gaarto dhamaan Gobolada Dhexe si caruurta Soomaaliyed eek u nool Deegaanka u helaan waxbarasho heerrar kala Duiwan oo Nidaami ku dhisan.

somalitalk's ximaniyoxeeb album on Photobucket

Mu’asasada Iftin oo inta badan gacanta ku haysa waxbarashada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ay Dugsiyadeeda gaarayaan ilaa Tobana Dugsi oo ay wax k ubartaan ardey gaareysa ilaa Saddex kun oo arday kuwaas oo ah heerarka Waxbarashada kala duwan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.