Home » Warar »

Xaflad Ciida Carafo oo qaas u ah Caruurta iyo Aabayaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Bariga magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka oo laga furay dugsi loogu magacdaray Dar Al Qalam oo maanta lagu tukaday Salaadii Ciida Carafo ee ugu horaysay. Dugisigaan oo mudo dhow la furay ayey maanta noqotay in lagu tukado CiidII Carafo ee ugu horaysay. Masaajidka ama dugsiga quraanka ee Dar Al Qalam oo loogu talagalay in Caruurta Soomaaliyeed lagu baro qiraa’ada, qoritaanka iyo xifidiga qur’aanka kariimka ah.

Dugisigaan oo ah mid soo jiray, isaga oo ku yaali jiray bartamaha magaalada Minneapolis, ee dalka maraykanka, hadana ay dadka ganacasatada, dadka ku xiran dugsiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iska kaashadeen sidii ay u yeelan lahaayeen meel ay xor u yihiin caruurta Soomaaliyeed oo ay ku bartaan dhaqanka diiniga iyo quraa’aka kariima.

waxaa xusid leh in maanta dadka inta badan ee meesha ku tukuday ay u badnaayeen caruur ay la socdeen Aabayaashood, midaan oo ah mid caado u ah Aabayaasha Soomaaliyeed. Inkasta ay Aabayaasha Soomaaliyeed ay caan ku ahaan jireen in ay caruurtooda ka dhex muuqdaan, barbaaritoodana ku howlaadaan, haddana ayaamahaan dhica Aabayaasha qurbaha ayaa waxaa lagu xantaa in ay ka gaabiyeen arintaas. Waa Alle mahadiis in la helo xarun caruurta wax ku barato, isla markaana ku guubaabisa Aabayaasha Soomaaliyeed in ay dhaqanka siduu ahaa ay ugu dhex muuqdaan Caruurtooda, oo aan lagu daynin Hooyooyinka oo kali ah.

Hoos waxaad ku arkaysaa sawiradda laga soo qaaday waqtigii salaada Ciida Carafo la sugaayey in lagu tukudo dugsiga/Masaajidka Dar Al Qalam oo ku yaala Waqooyi Barri ee magaaladda Minneapoilis ee gobolka Minnesota. Masawiradaan oo ka duwan kuwa salaada caamka ee ka dhaca magaalooyinka qurbaha ah ee cariga maraykanka, madaama ay masawiradda u badan yihiin caruur iyo Aabayaashood isla fadhiya, isla markaana sugaaya salaada Ciida Carafo gudashadeeda.

Arintaan oo noqon karta mid xasuusisa Aabayaasha qurbaha iyo kuwa dalka joogaba in Aabahu uu yahay udubka dhexe ee guriga, caruurta iyo mustaqbalka reerka, lagana rabo in ay Aabayaasha Soomaaliyeed sida caadada ahayd in ay xilka wayn iska saaraan xilka Aabanimadda, laguna dadaalo, sidii caadada ahayd in uu Aabe kasta dhaxal ma guuraana uu uga dhiga caruurutiisa: diinta, dhaqanka iyo midnimadda Soomaaliyeed.

somalitalk's woqooympls album on Photobucket

Waxaa qoray: Mohamed Barre (Junlay) oo wax ka qora arimaha Familka qurbaha iyo dhiirigelinta Aabayaasha Soomaaliyeed in ay ilmahooda ka warqabaan sida caadada Aabayaasheen Soomaaliyeed aan ka dhaxalnay – waxaad kala xariiri kartaa: junlay99@aol.com or junlay99@gmail.com enter.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.