Home » Warar »

Soomaalida South Afrika oo Si farxad leh ku ciidey.

Cape Town :-Ciida Barakaysan ee Ciidul Adxaa ayaa Maanta Si wayn looga Ciiday Magaalooyinka kala duwan Ee Wadanka Koonfur AFrika.

Dadka ayaa iskugu soo baxay Fagaarayaal lagu Dukado salaadaha Ciidaha xilli ay farxad ka muuqatay wejiyadooda kuwaasi oo fagaarayaasha ku oogay salaada ciidul adxaa oo ay waqti mideysan la dukadeen Xaramka Barakaysan.

Magaalooyinka ayaa waxaa Wadooyinka waaawayn lagu arkayey dad aad u fara badan kuwaasi oo iskugu jira Soomaali iyo dadka Islaamka ah ee dalkani ku dhaqan waxaana ay iskugu hambalyeynayeen Farxada Ciida.
Ciidan ayaa ah Ciid si wayn loogu midaysan yahay waxaana Maalin qura ay wada dukanayaan dhammaan Muslimiinta caalamka iyada oo ay xusid mudan tahay in Gowracida ay wada samaysteen Somalida,Hindida iyo Carabta wadankani ku dhaqan oo Munaasabad ku sameestay Masjidka Qudus oo ugu weyn Magaalada Cape Town Ee Dalka Souh Afrika.

Magaalooyinka Port Elizabeth ,Johannesburg, Pretoria iyo Cape town oo ay daganyihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxa ay farxada la wadaagayeen dadka kale Ee Muslimiinta ah wallow ay aad u yartahay aragtida caruurta farxada ku damaashaadaysa maadaama dalka uu yahay dal mashquul badan oo aanay muuqaneen Farxada caruurta ciideysa.

Culimada Khudbadaha ka jeedinaysay Goobaha Fagaaraha ah ayaa badankood u duceynayay wadamada Islaamka oo ay dhibaatada ka oogan tahay oo Dalka Soomaaliya qeybta ka yahay iyaga oo u Rajeeyay isbadal xagga ammaanka ah.

somalitalk's southafrica album on Photobucket

Abdirizak Yusuf Kampala
Kambaala77@gmil.com
Cape Town –South Afrika.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.