Home » Warar »

Xaflad lagu Furayay Radio iyo TV Gaar u ah Waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Waxaa shalay oo Arbaco ahayd lagu qabtay Magaalada Muqdisho Xaflad si rasmi ah loogu daah-furayay Idaacad iyo Telefishin u gaar ah Waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay Hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10 kii July ee Sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta Waxbarashada.

Xafladdaan waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bahda Waxbarashada dalka sida Jaamacadaha, Dalladaha Waxbarashada, Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen), Hay’adaha ka shaqeeya Waxbarashada, Kooxda Iftin iyo mas’uul sarsare oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu horreyntii waxaa halkaasi laga soo jeediyay warbixin faahfaahsan oo ka hadleysa Iftin Media iyo ujeeddooyinka loo aasaasay oo ay ugu waaweyn yihiin baahinta waxbarashada iyadoo la adeegsanayo warbaahinta, kaabidda waxbarashada jirta, is-dhexgalka ardeyda iyo Macallimiinta. Waxaa Idaacadda iyo Telefishinkaba ka bixi doona

C/rashiid Dhaqane oo ka tirsan dalladda SAFE oo ku hadlayay magaca Dalladaha ayaa sheegay in idaacaddaani ay qeyb ka qaadan doonto baahinta Waxbarashada Dalka. Waxaa sidoo kale hadal kooban halkaasi ka jeediyay Eng. C/salaan Caddow oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Banaadir oo ku hadlayay magaca Jaamacadaha Soomaaliyeed.

Abwaan C/kariin Shire (Sandheere) oo ku hadlayay magaca kooxda Iftin ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay idaacadda ka qaataan kaalintooda sidii loo kobcin lahaa Waxbarashada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Mudane Ismaaciil Macallin C/laahi oo ah agaasimaha Waaxda Dalladaha ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ku hadlayay magaca Wasaaradda Waxbarashada, isagoo ballanqaaday in Wasaaraddu Hiil iyo Hooba la garab taagan tahay Radio Iftin iyo Telefishinka dhowaan la furayo.

Waxbarashada gaarka loo leeyahay ayay korortay sanadihii ugu dambeeyay, taasoo laga dareemi karo tirada sii kordheysa ee goobaha Waxbarasho ee laga furayo Dalka. Tusaale ahaan waxaa magaalada Muqdisho ka furan 20 Jaamacadood, kuwaasoo badankood la aasaasay 5tii sano ee la soo dhaafay.Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa waxay Iftin kala socon doonaan website-ka idaacadda oo ah www.radioiftin.com.

Waxaa bishii May ee sanadkan magaalada Muqdisho laga sameeyay idaacad u gaar ah arrimaha isboortiga oo magaceeda la yiraahdo Gool FM www.goolfm.net taasoo dabooshay baahidii ay bahda isboortigu u qabtay idaacad iyaga u gaar ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xaflad lagu Furayay Radio iyo TV Gaar u ah Waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay "

  1. Ardey says:

    Waa idaacad loo baahnaa, waayo waxbarashada haddii warbaahin loo adeegsado way horumareysaa. Good job.

  2. Sahal Nurre says:

    Waa arin wanaagsan in wax barashada la hormariyo lkn waxaa muhiim ah in dhaqanka xun la badalo oo isjecayl midnimo iy
    o is qadarin dadka labaro halkii koox la barilahaa