Home » Warar »

Iyadoo weli ay Taagn tahay Cabashadii Bacadlaha Xamar weyne ayaa maanta loo sameeyey Munaasabad lagu Furayey Bacadlahaasi

Furitaankaan ayaa waxaa u ku soo beegmey Xili ay cabasho weyn ay ka soo yeereysey dadkii Sharciyan u haystay Dhulkaas kuwaas oo dhawaan soo bandhigey Dukumentiyo ay ku sheegayaan in ay leeyihiin dhulka Bacadlaha…..

Munaasibad lagu furayay Bacadlaha Suuqa Xamar Weyne ee Magaalada Muqdiusho Munaasibaddaas ayaa waxaa ka soo qayb galeen Marti Sharaf ka kala socda qaybaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsato

Ugu horeyntii waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaasoo ka hadlay Qololka uu ka kooban yahay Suuqa iyo waxyaabaha kale ee Suuqaas laga heli karayo. Guddoomiye Tarzan ayaa intaa raaciyay in Maamulka Gobolka banaadir oo ka “fogaanaya cadaalad darada” in ay u sameeyeen qaab Baqtiyaanasiib ah oo ay ku qaybsanayaan Dadka Soomaaliyeed ee Nasiibka u yeeshay in Suuqaas ay helaan.

Guddomiyaha Gobolka banaadir ayaa intaa ku daray in furitaanka Suuqaas ay Fursad fiican u tahay Dhallinyaro fara badan oo halkaa Shaqo ay uga abuurantay isagoona intaa sii raaciyay haddii uu bilowdo ganacsiga Suuqaas in shaqooyin fara badan ay abuurmayaan.

Hadalkan Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyin kala duwan oo la doonayay in Suuqa Xamar Weyne la Furo uu dib u dhac ku imaanayay iyadoo dhinaca kale ay jireen dhaliilo dhinaca shacabka ka imaanayay kuwaasoo sheegayay in la Musuq Maasuqay qaabkii ay ahayd in suuqaas bixintiisa lagu saleeyo.

Furitaankaan ayaa waxaa u ku soo beegmey Xili ay cabasho weyn ay ka soo yeereysey dadkii Sharciyan u haystay Dhulkaas kuwaas oo dhawaan soo bandhigey Dukumentiyo ay ku sheegayaan in ay leeyihiin dhulka Bacadlaha islamarkaan waxay kaloo ay soo bandhigeen Qoraalo la xiriira kuwareejintii Dowladii dhexe ka dib markii ay Dowladu u dhistey islamarkaana ku wareejisey Furayaashii, iyadoo dadka maanta Bakhtiyaanasiibka ku galaya Bacadlahaasi looga digey in ay Xoolahooda gashadaan Bacadlahaasi maadaam ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo hore loogu Sharciyeeyey

Si kastaba ha ahaatee Bacadlaha Xamar Weeyne ayaa muddo dhowr sanna ah la sugayay in kastoo markii uu dhamaaday dhismihiisa Furayaashiina lagu Wareejiyey dadkii Xaqa u lahaa uu dalku galay burburkii iyadoo xiligii burburkana ay jiraan shakhsiyaal si gaar ah gacanta ugu hayay in kastoo waqtiyadii danbe lagu wareejiyay Gacanta Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Iyadoo weli ay Taagn tahay Cabashadii Bacadlaha Xamar weyne ayaa maanta loo sameeyey Munaasabad lagu Furayey Bacadlahaasi "

  1. Halima says:

    sc, annagga waxaan ku laheyn labo qeyb ama dukaan qeybta hoose ee bacadjaha, DUKUMINTI SHARCI AH OO DOWLAD JIRTO BIXISAY AYAAN HEYSANAA, OO HANTIDEYNII HU BURBRTAY, MARKA WAXAAN U SHEEGAYAA DOWLADA IN AY CADAALADA FIIRISO OO AYSAN BURBUR KALE IYO DHIBAATO DADKA GELIN.
    MARKA QOF WALBA XAQEEDA HA LA SIIYO HADII DHIB KALE LAGA SHAQEYNRYNIN.

    ASC WRB