Home » Faallo, Gabay »

Geeri waa ka daran yahay Kufsigu

Hordhac: Waxan halka uga ducaynayaa gabadha yarta ah ee sida foosha xun mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay gabadh yar oo 14 jir. Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada.

Halkan ka dhegeyso Gabayga

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/gabaryar.mp3]

Wuxu yiri:

  1.  Gef weeyaan Kufsigu lagu galda’o gabadh xijaabnayde
  2. Guba Hooyo, gaasira Ayey, Habaryar goynteede
  3. Gabdhaheenna iyo taan dhalliyo caarka godobayne
  4. Kii geystey naar buu ku geli goobta aakhiro’e
  5. Ifkakan kaan lagaga goyn marbaa laga gudaayaaye
  6. Geeri waa kadaran yahay kufsigu Guullaa maanacayee
  7. Gudcurkii kuwii ugu gabbaday midan gugeed gaadhin
  8. Gaban xuura sebigii kuwii guudka ku xambaartay
  9. Sidii gaan Amxaaraad raggii gigayey jiidhkeeda
  10. Go’ayeeyda goortay ilmada gabax ka siinaysay
  11. Gollaheeda goortay maryaha gacanta saaraysay
  12. Nimankii garayskeeda jaray gooyey hilibkeeda
  13. Riximkeeda beynaad ku godey xididna gawsiiyey
  14. Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
  15. Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
  16. Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
  17. Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?
  18.  
  19. Afartaa dareen guba naftiyo lama garaystaan dheh
  20. Gamas igu lignaadiyo mariid gaadhay feedha dheh
  21. Galiilyo iyo ciil gaaxdayoon laga garaabayn dheh
  22.  
  23. Dhaaxay gumaad iyo xasuuq Xamar ku gaaleene
  24. Dhaaxaa gurbood iyo haween loogu gaalibaye
  25. Guudcaddaaga dhaaxaa la dilay oday garboodkiiye
  26. Girligaanku dhaaxuu ka ciyey gole nabdoonaaye
  27. Mooryaan gadooddiyo dagaal geeri badan keena
  28. Dagaal ooge guubaabiyo qolo ku guuraysa
  29. Goor iyo ayaan maatadoo gawrac lagu seemo
  30. Gafuurduub gacmaha goysa iyo golihii qaaciido
  31. Muqdishaay goleeyaay sharbaa kugu gadaannaaye
  32.  
  33. Goodkiyo abeesadu aday kugu gabraartaane
  34. Nabsi soo gadaal baxa hadmaad godan barwaaqoobi?
  35. Goormaa wax garad kuu arrimin guuldarrada baaja?
  36. Goormaa caddaaladi galladi golaha qoyskaaga?
  37. Goormaa la soo qaban raggii gabanta naafeeyey?
  38. Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
  39. Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
  40. Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
  41. Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?
  42. Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?

WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Faahfaahin Dheeraad ah ee ka soo baxaysa Gabar yar oo si Waxashnimo ah u Kufsadeen Rag ku Libisan Dareyska Ciidamada Dowladda

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.