Home » Warar »

Wasiirka Arimaha Dibada ee Talyaaniga oo Muqdisho Kulan kula qaatey Madxweyne Xasan

Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka talyaaniga ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdishu wuxuu xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho wada hadal kula yeeshay Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Singior Julio Tezi iyo Madaxweyne xasan Sh. Maxamud ayaa ka wada hadlay Xiriirka qododa dheer ee u dhaxeeya labada Dal. Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ay soo dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac saxaafadda la hadlay kaasoo sheegay in wafdigan ballaaran ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ay hor u dhac u yahay Xiriirka labada dale oo iminka soo hagaagaya.

Madax-weynaha ayaa intaa ku daray in dhankoodana Wufuud dawladda ka socota ay u ambabixi doonaan Dalka Talyaaniga isagoona intaa raaciyay in dhamaanba qodobadii labada dhinac ay isla soo qaadeen uu ku dhamaaday is afgarad.

Gulio Tezi oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in wafddi heerkaas gaarsiisan oo ka socda xukuumadda Talyaaniga in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa xusay in kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ku soo dhamaadeen Jawi is af garasho.

Si kastaba tan iyo markii xilka loo dhaariyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu dhamaaday xiligii ku meel gaarnimada waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay Wufuud caalami ah kuwaasoo booqashooyin kala duwan ku imaanaya Soomaaliya


Other News: 4 UPDF soldiers killed in Somalia | October 23 2012

Pirate Fishing Exposed: READ | Pirate Fishing Exposed: Video

Through the Net

African Prospects magazine reports that the amount of fish stolen from Somali waters by EU boats was at a value of five times the amount of money Somalia receives in foreign aid annually. Read here: Europe is plundering the fish stocks of Africa through CFP


Xarakada Al- Shabaab oo ku Goodisey in Weeraro aan Hore u Dhicin ay ka geysan Doonaan Gudaha Dalka Ingiriiska

Warar lagu qoray Bogga Wararka ee Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in Shabaabku Digniin u direen Xukuumadda Ingiriiska.Warbixintan lagu daabacay Bogaga Internetka ayaa Xarakada Shabaab waxa ay sheegtay in Ingiriisku dhibaato badan uu ku hayo Dadka Islaamka iyadoona Tusaale loo soo qaatay Abuu Xamza oo dhawaan Xukuumadda Ingiriisku u gacan gelisay Dawladda Maraykanka.

Xarakada Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danqanayso dhibaatada lagu hayo Dadka Muslimiinta ee Caalamka daafihiisa kala duwan ku sugan sidaa darteedna aysan marnaba ku raali noqoneyn in ay sii socdaan dhibaatooyinka loo gaysanayo Dadka Muslimiinta ah.

Qoraalkan Bogga lagu qoray ayaa Xarakada Shabaabku waxa ay ku hanjabeen in weeraro aan weli ka dhicin gudaha Ingiriiska ay ku fulin doonaan Waddanak Ingiriiska gudihiisa. Xarakada Shabaab ayaa sheegtay in haddii Dalka Ingiriiska uu joojin waayo dhibaatooyinka uu ku hayo Dadka Islaamka ah ay gudaha Dalka Ingiriiska ka dareemi doonaan Shacabka Britain dhibaatooyin u dhigma kuwa Ingiriiska uu u gaysanayo Dadka Islaamka.

Ma aha markii u horeeyay ee Xarakada Shabaabku ay ku hanjabaan in dagaalo ama weeraro ay ka gaysanayaan meelo ka baxsan Soomaaliya waxayna hore weeraro uga fulisey Dalalka Kenya iyo Uganda. Si kastaba hadalkan ka soo yeeray Xarakada Shabaab ayaa Xukuumadda Ingiriiska loogu sheegay in hadalkan uusan yareysan isla markaana uu faraha kala baxo dhibaatooyinka uu ku hayo Dadka Muslimka ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.