Home » Warar »

Dr. Cabdullahi Ashhad oo Markii Afaraad isku soo Sharaxay Xilka Duqa Magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka

“Waxaana ka soo Horjeedaa in Qol Muqdi ah (Dhadeysi Habeenaad) in wax lagu Magacaabo sida Madaxdii hore”

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad) oo ka mid Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku biirey Xubnaha isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ah Xilkaan marka la fiiriyo Muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaan maadaama Gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad gaaraya ilaa Saddex Milyan oo qof

Mar aan wax ka weydiiyey Sababta uu Xiligaan uu isugu soo sharaxay waxaa uu ku jawaabey Cabduilaahi Shiikh Xasan “Waxaan Doonayaa in Bulshada ku nool Gobolka Banaadir aan ka saaro dhibaatooyinka Labaatan Jirsadey oo ay ugu horeyso Dhinaca Amaanka waayo Dad aan Nabadgelyo Haysan ma gaari karaan Horumar dhinac walba marka waxaan Doonayaa in Xooga Saaro arrimaha Nabadgeliyada iyo Arrimaha Bulshadda Guud ahaan waxaana ka soo horjeedaa in Qol Muqdi ah (Dhadeysi Habeenaad) in wax lagu Magacaabo sida Madaxdii hore ”

Cabdulaahi Shiikh Xasan oo ah Aqoonyahan ayaa Musharaxnimadiisa ee Duqa Magaalada Muqdisho waxay Noqoneysaa Markii Afaraad ee uu isu soo taago Xilkaas hase yeeshee waxaa uu sheegey in Saddexdii Hore la gacan Bidixeeyey islamarkaana si Cadaalodaro ah ku dhaaftey , wuxuuna markaan Diyaar uu u yahay in uu qabto Xilkaas isagoo sheegey in Qofkasta oo Doonaya Xilkaas uu Diyaar u yahay uu Dood furan la galo si Madaxda Dowlada u ogaato Cida ku Haboon Xilkaas.

“Hadii la ii doorto ama aan ku Guuleysto Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo weliba Duqa Magaalda Muqdisho waxaan Dib u soo Celin doonaa Canshuurihii Bulshada Soomaaliyeed loogu adeegi jirey islamarkaana waxaa Dakhli sii Doonaa Dowladda Dhexe, mar dambana aysan dhicin in Jeebka wax lagu shubto ama lagu Takri Falo Xoolaha Dadweynaha Sidoo Kale waxaan Shaqooyin u abuuri Doonaa Bushada Ku nool Gobolka Banaadir si ay uga Baxaan Shaqo l’aanta ragaadisey,sidoo kale waxaan soo Celin Doonaa Adeegyadii Bulshada laga maarmaanka u ahaa Sida Biyaha Korontada , Caafimaadka , Nadaafada iyo Waxbarashada waxaan xooga saari doonaa ama aan soo celin doonaa Kontoroolkii Suuqyada si loo xakameeyo Ascaarta Suuqa loogana hortago in dalka la soo geliyo Raashin dhacay iyo Dawooyiin”ayuu yiri Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan oo Aqoonyahan si aad ah ugu dhuun Daloola arrimaha Maamulka ayna ka Go’an tahay wax u qabashada Bulshada Goboka Banaadir

Haddii aan dib uu Qoraansado Taariikhda Nololeedka Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.ASHHAD)

1-Ku Dhashey Magaalada Muqdisho Sannadkii 1959
2-Ka baxay Jaamacadii Lafoole Sannadkii 1981 kana baxay Machadkii SIDAM ee Maamulka iyo Maareynta
3- Waxbarasho u tagey dalka Jarmalka Sannadii 1981-1982
4-Kadib u wareegey Sacuudiga Sannadkii 1983-2002 isagoo dalka Sacuudiga ka soo shaqeeyey soona qabtey Xilal kala Duwan oo ah
NCCI (National Company For Co- Operative Insurance
Manager Taj-Medical Ins Sannadkii 1992-2002
-Al-Mishari Hospital Riyadh Sacuudi Arabiya 1989 – 1992 as Asst. Administration Mgr.
-Arabian Hawk 1987 – 1989 as Office Mgr + Asst. Optn. Mgr
-LSI (Lear Siegler Inc.) 84 – 1987 as Site Optn. & HR Mgr.
-ARIEB Enterprises 1983 – 1984 as Office Mgr.
-Shaden Est. 1982 – 1983 as Office Mgr

Wixii Talo iyo Tusaale ah waxaad kala Xiriiri kartaan
E-Mail ash-addow@hotmail.com
E-Mail sagal.ashhad@gmail.com
E-Mail onkod6060@hotmail.com
Tel 00252615194244
Tel 00252618600445
Tel 0025262276600
Tel 00252699419269

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.