Home » Faallo »

Oktoobarey Sidu Sidii Ma aha

(Maqaal Xiiso Badan)

Maansayahanka iyo Hal Abuurka Soomaalida in badan ayaa Qoraaladooda iyo Suugaantoodaba ay ku cabiran xaalado Taagan, kuwa la soo dhaafay ama imaan kara Mustaqbalka taasoo sida ay u saadaaliyaan ama ay u sheegaan ay wax u dhacaan in kastoo wixii Qeybka ah ama Binu’aadmka ka Cilan uu garan karo oo keliya Allihii Subxaana wa tacaalaha ahaa ee isagu ah karaha wax walba oo qeeybka ah.

Manta waxa ay ku began tahay 21ka Oktoobar waana seddax iyo Afartan Guuradii ka soo wareegtay maalintii Kacaankii Oktoobar uu talada dalka Soomaaliya la Wareegay.

In badan ayaa Dadka wax Naqdiya Dhaliilo aad u fara badan u jeediyeen Kooxdii Ciidamada ahayd eeTalada dalkaas boobtay sanadkii 1969kii iyagoona ku sheegay inuu ahaa Kacaan Taladii Dalka ka fara Maroorsaday Xukuumaddii Rayidka ahayd ee Doorashada ku timid.

Maamul sidiisaba markii uu yimaado wuxuu la yimaadaa Saameyntiisa xumaan iyo samaanba leh Kacaankii Oktoobar marka aan taariikhdiisa dib u raacno labadaba waa lahaa Samaan iyo Xumaan, maxaa yeelay Saraakiishii ka tirsaneed Ciidamada qalabka sida ee Xiligaas talada Dalka gacanta ku dhigay ayaa durbaba soo ban dhigay illaa Seddax iyo Toban qodob oo ay ugu magic dareen Chartarkii ay Dalka ku hoggaamin lahaayeen.

Chartarkaas ay soo saareen ayaa lix ka mid ah waxa ay ahayd Siyaasadooda arrimaha gudaha halka Todobada kalena ay ku cadeed Siyaasadooda arrimaha Dibadda

Runtii Kacaankii Oktoobar Todobadii Sano ee u horeeyay wuxuu ku tallaabsaday arrimo wanaagsan haddii ay ahaan lahayd qarameyntii Kacaanku qarameeyay Shirkadihii Shisheeye, qoristoo afka Soomaaliga, ka hor taggii Abaartii Daba Dheer eek u dhufatay Gobolo ka tirsan Soomaaliya.

Kacaanku sidoo kale wuxuu ku tallabsaday Sanooyinkaas Dhismayaasha Mashaariic fara badan oo ay ku jireen Dugsiyo, Waddooyin, Isbitaalo, Warshado. Beero iyo Degmooyin Cusub oo dalka laga hir geliyay, sidoo kale kacaanku wuxuu Shaqo u abuuray Boqolaal Dhallinyara ah gaar ahaana Dhallinyaradii ku Hanti beeshay Abaarihii Dalka ku dhuftay Dhallintaas oo loo jiheeyay dhinacyada wax soo saarka Kalluunka iyo qodoshada Beeraha, Barnaamijkii Karaash Borogaraam oo Dhallinyaro fara badan oo Shaqooyin ka helay barnaamijyadaas oo dhamaantooda ahaa kuwo ay ka faa’ideysteen Dhallinyaro aad u fara badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa wanaagga la xusi karo ee Kacaanku qabtay ka mid ah Ardeydii Kumanaanka gaarayay oo sanad walba ka soo qalin jabin jirtay Dugsiyadii sare ee dalka oo dhamaantooda la hawl gelin jiray ugu yaraan laba Sano oo Shaqada Qaranka ah, shaqadaas kaddibna Ardeydu ama waxa ay heli jireen Shaqo ama wax Barasho heer Jaamicadeed ah taasoo meesha ka saareysey in dhallinyaradu Dalka dibadda uga yaacaan marba haddii shaqo ama wax barasho ay ka helayeen dalkooda.

Kacaanku wuxuu kaloo xoogga saaray mideynta Somali weyn oo uu dhaxda u xidhay sidii Sedexda Gobo lee Soomaaliya ka maqan loo soo xero gelin lahaa, isagoona ku guulaystay Ol oleyn dheer kaddib in Jabuuti ay Xorowdo halka Dagaal gacan ahna uu ula tegay Gumaysigii haystay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay gumaysato iyadoona la Xasuusto wacdarihii iyo Casharkii lama ilaawaanka ahaa ee la siiyay Ciidamadii Itoobiyaanka oo xiligaa ka hor isku haystay in ay yihiin Aarkii Afrika iyo dharbaaxyadii ay ku dhufatay Soomaaliya runtiina waa meelaha Muwaadinka Soomaaliyeed marka uu soo xasuusto uu qiiro la beer Fuurayo waan qayb ka mid ah qaybaha lagu amaani karo kacaankii Oktoobar.

Dagaalkii 1977kii kaddib waa bilaabashadii bur burkii Soomaaliya, hase yeeshee qormadan ma aha mid aan ku wada amaanayo oo keliya Kacaankii Oktoobar balse waa uu jiray Dhaliilo sida aan hor dhaca maqaalka aan ku sheegayba ee uu lahaa kacaanka.

Waxyaabihii lagu dhaliili jiray Kacaankii Oktoobar waxaa ka mid ahaa Naas Nuujinta Qabiilka, Musuq maasuqa, tacaddiyo la gaystay xiligaas sed buursiinayo uu ku shaqaynayay taliska, taasoo keentay in Kooxo Ciidamada ah ay Gadoodaan Jabhado Hubaysana abaabulaan si ay ula dagaalamaan Kacaanka Oktoobar oo ay u arkayeen inuu yahay Kacaan u sii Xuub siibanayay Nidaam Boqortooyo.

Kacaanku wuu Ogooday inaan markan wax jacayl ah loo hayn isla markaana si wanaagsan looga soo hor jeedo Nidaamkooda siiba xilliyadii u danbeeyay ee uu Kacaanku sii dumayay oo Fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeen Suugaanta ah “Oktoobareey Sidu Sidii Ma Aha” taasoo markii la qaadayay la joojiyay Xuskii 21ka Oktoobar oo Sanad walba loo soo ban bixi jiray Damaashaadka maalintaas isla markaana lagu bixin jiray Malaayiin Lacaga ah oo maalintaa lagu weeyneynayo.

Mudadii Labaatanka Sana ahayd ee uu Kacaanku jiray lama arkin Sanad keliya ee ay baaqatay Xuska 21ka Oktoobar hase yyeshee Oktoobareey sidu sidii ma aha waxa ay sawirtay in Kacaanku sidiisii hore ahayn bur burkiisiina uu soo dhawaaday taasoo ugu danbayntiina meesha ka saartay ka gadaal markii Jabhadihii gadoodsanaa ay Kursiga ka Tuureen kacaankii mudada labaatanka sana ah Talada dalka hayay.

Runtii in Talisku meesha ka baxo si weyn ayaa loogu diirsaday loona rajeeyay in la helayo maamul kaa ka wanaagsan oo Shacabkii Dulmiga ka cabanayay ay ku raayaan uu meesha yimaado la mood noqonse weeydey.

Kacaankii Oktoobar waxaa bedelay Labatan sano oo hor leh Dil, Kufsi, Bara kac, Baahi, Baaga Muundo, Qax jah wareer ayaa magan loo noqday, Nidaamkii dawladnimo ee jiray ayaa gebi haanba la rogay, horumar baa la gaaray, dib u dhacna waa jiray Xaalad aan la garanayn ayaa Soomaaliya ki bilaaban tay, Dagaalo aan dhamaaneyn, Koox Koox Ceeyrsanaysa, Kursi la isku haysto, is af garad la’aan Khilaafyo iyo Shirar aan dhamaansho lahayn intaas oo dhan waxa ay noqotay Natiijadii ka dhalatay af Genbigii lagu sameeyay kacaankii Oktoobar.

Horumarka la gaaray waxaa ka mid ah Ganacsi jaantaa furan ah Tacliin jaantaa furan, Shaqooyin jaantaa furan ah iyo inuu qof walba siduu doono u dhaqmo xitaa laamiga bartankiisa uu ganacsi ka furan karo ama Goobihii Dawladda lahayd uu sheegan karo inuu isagu xaq u leeyahay inuu dhisto ama Kireysto Shuruuc aan hore loo arag iyo wax kasta oo la yaab ku noqon kara qofkii soo arkay maamul wanaag iyo Nidaam Dawladnimo oo jiray uu la yaabayo.

Oktoobareey Seddax iyo Afartan Sano kaddib Sidu Sidii ma aha oo Xaalka Soomaaliya ayaa manta waxa uu marayaa “Ka Dar oo Dibi Dhal” marar badan ayaanan arkay Dad leh Kacaankii ayaaba noo wanaagsanaa.

Golahii sare ee Kacaanka

Isku soo duuboo qormadeydan waxaa ku soo gaba gabeynayaa Soomaalidu waa in ay dib ugu noqotaa sidii ay ahayd Islaanimadii, Wanaaggii, walaalnimadii Waddaniyaddii isku duubnidii Alle ka Cabsigii markaas ayaa laga yaabaa in ay gaaraan waxa ay doonayaan oo ah Nabad, Horumar, wadajir iyo Dalkan Barwaaqadu Jiifto haddana laga wada baahan yahay dibadna looga cararayo, Ilaaheeyna waxaan ka baryayaa inuu Iimaanka noo sugo, Barwaaqada Ciideena iyo Biyaheena dhex ceegaagtana uu na Tuso… Oktobareey Sidu Sidii ma aha ayaan ku Xusayaa Maanta oo ah 21kii Oktoobar.

W/Qorey Ustaad Aadan Macalim Aadaamo
E.Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.