Home » Warar »

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Dammaanad Qaadday Muddo Laba Sanno ah Hooyadii Dhawaan Muqdisha ku Dhashey Afarta Caruur ee Mataanaha ahaa

Iyadoo dhawaan Xero ka mid ah Xeryahana bar kacayaasha Magaalada Muqdisho Hooyo la yiraahdo Xaliima Maxamed Cabdi ay ku dhashay Afar Caruur ah oo mataana ah mar keliya ayaa waxaa arrintaa ka hadlay maanta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.Cali Shiikh Yaasiin oo ka mid ah Saraakiisha Hormuud oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka gadaal markii qalabka warbaahinta ay ka maqleen Dhibaatada Haweeneydaa Soomaaliyeed in ay ku Xanbbaartay inay wax ka qabteen.

Sarkaalkan ka tirsan Shirkadda Hormuud oo warbaahinta la hadlay ayaa la sheegay in marka laga bilaabo maanta oo ay Bishu tahay Shan iyo Tobanka Oktoobar ay Shirkaddu ballan qaadayso ama Kafaala qaadayso Nolosha haweeneydaas iyo caruurteeda.Cali Shiikh yaasiin ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysa ee ay maanta qaadeen ay tahay in Haweeneydaas Niyadda loo dhiso loona sheego in shirkadda Hormuud ay Noloshooda balan qaadayso iyada iyo caruurteeda muddo labaS ana ah oo ka bilaabanaysa maanta.

Sarkaalkan u hadlay Hormuud ayaa sheegey in xitaa Caruurtaas marka ay koraan Shirkadda Hormuud ay Il gaar ah ku hayn doonto Noloshooda isagoona ka codsaday in Dadka Soomaaliyeed ee Maal qabeenada ah ay iyaguna ku deydaan Shirkadda Hormuud.Cali Yaasiin ayaa intaa raaciyay in shirkaddu ay xanaano dhinac walba leh sida Cuntada Hoyga iyo caafimaadka ah ay u fidin doonto qoyskaas Soomaaliyeed ee Dhibaatada ay soo wajahday.

Hooyo Xaliima oo iyaduna hadashay ayaa u mahad celisay cid kasta oo gacan ka gaysatay daryeelkooda gaar ahaana shirkadda Hormuud oo ay sheegtay inay taageero wax ku ool ah u fidisey.Xaliima Maxamed Cabdi ayaa dhawaan Afar Caruur ah Seddax Gabdhood iyo Hal Wiil oo mataana ah ku dhashay Xero barakavcayaal oo ku taala Degmada Hodan iyadoo hal Cunugna uu halkaa kaga Saqiiray

Hooyo Soomaaliyeed oo Dhawaan Muqdisha ku Dhashey 4 Mataana ah oo ka Warbixisey Xaaladeeda Caafimaad

Xaliima Maxamed Axmed oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo Tododbaadkii hore Magaalada Muqdisho ku Dhashey Afar Caruur oo Mataana ah ayaa ka warbixisey Xaaladeeda Caafimaad. Hoyadan oo ka mid ah Dadka Barakacayaasha ah ee ku Sugan Kaam ku Yaala Degmada Hodan ayaa sheegtay in mar qura ay dhashay Seddax Gabdhood iyo Hal Wiil oo Mataana ah iyadoona intaa sii raacisey in Wiilkii uu ka Saqiiray haatana ay u joogaan Sedaxdii Gabdhood ee Wiilka la mataanaha ahayd.

Xaliima ayaa intaa ku Dartay in ay iminka Dareemeyso Dhabar Xanuun Kelya Xanuun iyo waliba Xanuuno kale oo la soo dersay markii ay Umushay kaddib.

Hooyadan ka mid ah Barakacayasha ku sugan Xerada Bara kacayaasha ee ku taala Degmada Hosan ayaa u mahad celisey Dadweyne aan badneyn oo wax xoogaa gar gaar ah soo gaarsiyay iyadoona intaa ku dartay inaysan wax kaalma ah ka helin dhinaca Hay’adaha Sama Falka iyo Dawladdaba.

Xaliima ayaa sheegtay in Xaaladeedu aanay wanaagsanayn isla markaana ay halis ku sugan tahay iyadoona ka codsatay cid kastoo oo awoodda in ay ku soo kaalmeyso halka ay deggan tahay. Xaliima ayaa sheegtay in Ninkeedu muddo Afar Bilood ah uu ka maqan yahay markii ugu war dambeyseyna lagu sheegayay Gobolka Shabeelaha Hoose oo ahayd halkii ay markii horeba ka soo bara kacday

Ugu Dambayntiina Xaliima ayaa ka Codsatay Dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed in ay soo Taageeraan Xaaladda Nolol Xumo oo ay ku jirtana laga Caawiyo. Si Kastaba waxaa dhif iyo Naadir ah Mataano Afar ah oo mar qura wada dhasha haddana wada noolaada, waxaase Caadiyan hore loo arki jiray Mataana Laba ah ama Sedax ah iyadoo Hawwneydana ay hore u dhashay laba Mataana oo Wiil iyo Gabar ahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Dammaanad Qaadday Muddo Laba Sanno ah Hooyadii Dhawaan Muqdisha ku Dhashey Afarta Caruur ee Mataanaha ahaa "

  1. Cusmaan says:

    Ilaah baan u baryeynaa inuu barakeeyo, cid kasta oo taageertayna Khayr Allah ha ugu bedelo. waa Tusaale ku dayasha mudan inaan wax is tarno waxaana aaminsanahay ineynaan Kaalmo dibadeedba u baahaneen hadaan gudeheena wax iska tareyno.
    Scw

  2. Mar alle iyo markaan arko kaalmo katimid qof ama shirkad Soomaaliyeed waxaa igu soo istaagta ilmo waayo waxaan kadhadhansanaya inay Soomaalinimadii soo noqonayso! Waa dareen aan mudo arag ee Allahayow ummadan unaxariiso!

  3. ali sugule says:

    A/alikum gabadha dhashay mataanaha una baahan caawinaada fadlan kusoo qora sida loola xiriiro karo oo macaawino loo gaarsiinkaro
    waad mahadsantahiim

  4. mohamed says:

    maansha allah awlaada alaha u barakeeyo iyadana allaha caafiyo walaal waxan ahay walal soomaliyeed oo kunool america sidee loo caawinkaraa hooyada somaliyeed halkee lagala xiriiri karaa fadlan scw