Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo Arbacada Isu Diyaarinaya inuu Hor Tago Baarlamanka si uu Kalsooni uu Weydiisto.

Kulamo wada tashi ah ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa uu si gooni gooni ah uga socday Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho taasoo laga tashanayo Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaanta uu magacabay Madaxweynaha SoomaaliyaSaacid Faarax Shirdoon .Kulamadan wada tashiga ah ee laga yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha horgeyntiisa Baarlamaanka ayaa iminka soo gaba gaboobeysa iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna isu diyaarinayo sidii uu barlamaanka u tegi lahaa

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la filayo in maalinimada Beri oo Arbaca ah la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu hor yimaado Baarlamaanka.Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay in Qodob Dastuuri ah aysan ahayn in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada oo wada socda in ay hor tagayaan Barlamaanka si loo ansixiyo.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in Qodobka Dastuurigu uu yahay in Ra’iisul Wasaaruhu uu hor yimaado Barlamaanka kaddibna la ansixiyo kaasoo loo igmanayo inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada mar kalena dib loo hor keeno Baarlamaanka sidaasna xukuumaddu ku ansaxdo.Daahir Amiin Jeesoow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Wasiirada ay Xukuumaddu yeelanayso laga yaabo in ay noqoto Sideed iyo Toban Wasiir ka badan aysan dawladdan awood u lahayn dhaqaale ahaan.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawaan Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ay ay weydiisteen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya in muddo Seddax maalmood gudahooda uu Baarlamaanka ku hor keeno Ra’iisul Wasaaraha si loo ansixiyo.

Ugu danbayntii Xildhibaanka ayaa sheegay in aysan ka hor dhacayn ansixinta Ra’iisul wasaaraha la filayo in maalinta berri ah la hor keeno Baarlamaanka isagoona ku gaabsaday in ay ansixinayaan oo keliya qof wax ka qaban kara Xaaladda Soomaaliya ka jirta.

Dab Khasaare Hantiyeed Gaystay oo ka Kacay Suuq ku Yaala Xerada Qaxootiga ee Xagar Dheer.

Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Dab Xoog leh uu ka kacay Suuq ku yaala Xerada Xagar Dheer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.Dabkan ka kacay Suuqa Xagar Dheer ee ka mid ah Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee Dha Dhaab ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku Gubtay oo ku bas belay in ka badan Konton Dukaan iyo Bakhaaro.

Goobaha Ganacsi ee Dabkaas ku gubtay ayaa waxaa ka mid ahaa Shirkadaha Xawaaladaha Amal iyo Hodan Global oo ku yaalay Suuqa Xagar Dheer ee Qaxootiga Soomaalidu ay deggan yihiin.Xerada oo aan lahayn Gaadiidka Dab damiska ah ayaa waxaa Dabkaas oo soconayay muddo hal saac ah u gurmaday Shacabka halkaa ku dhaqan oo ay caawinayeen Ciidamada Boliiska kuwaasoo ugu dambayntiina ku guulaystay in ay Bakhtiiyaan dabkii kana hor tagaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatadii halkaas ku lahayd Ganacsiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in Dabkaasi uu ka dhashay Xargaha Korontada oo Qarax sameeyay taasoo keentay in halkaas Dab xoog leh uu ka kaco dabeetana sidaa ku fido.Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Soomaalidu ku jirto ayaa marar badan waxaa ku soo lab laabtay dab Khasaare u gaystay Ganacsiga Soomaalida iyadoo dhawaana Suuq ku yaala Xerada Ifo uu sidan oo kale Dab Khasaare Hantiyeed gaystay uu halkaa ka kacay.

Si kastaba Xeryaha Soomaalida Qaxootiga ah ay deggan yihiin ayaan lahayn Qalabka casriga ah ee Dab Damiska iyadoo mar walba oo uu halkaa Dab ka kacana ay dadku gacmahooda ku damiyaan Dabkaas taasoo ah farsamo aad u dambaysa ee ka jirta Xeryaha qaxootiga ee Dha Dhaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.