Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Codsaday in Laba Cisho Gudahood Lagu Horkeeno Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban, Shirdoon…

Baarlamaanka Soomaaliya oo Go’aamiyey in laba maalmood gudahood Madaxweynaha DFS uu Xildhibaanada ku horkeeno Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay…

Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in laba maalmood gudahood lagu horkeeno ra’iisul wasaaraha magacaaban, Cabdi Faarax Shirdoon, si ay ugu codeeyaan.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta (Axad Oct 14, 2012) ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo uu shir guddoominayey afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa looga dooday in loo baahan yahay  in ra’iisul wasaaraha magacaaban la horkeeno baarlamaanka sida ugu dhaqsida badan.

Doodda kadib ayaa afhayeenka baarlamaanka, Jawaari, waxa uu sheegay in Baarlamaanka DFS uu codsanayo in ra’iisul wasaaraha magacaaban lagu horkeeno muddo laba cisho gudahood ah, si xildhibaanadu codkooda ugu qaadaan.

Isagoo muujinayey sida degdega ah ee loogu baahan yahay in Madaxweynaha DFS uu ra’iisul wasaaraha gacaaban u horkeeno baarlamaanka ayaa Jawaari waxaa laga soo xigtey in uu yiri “xaalada dalka ka jirta waa in loo hiiliyaa, mana yeelayno arrimaha qaarkood in ay dayaacnaadaan.”

Guddoonka baarlamaanka ayaa laga soo xigtey in Codka loo qaadi doono Shirdoon uu noqon doono cod KACAN-TAAG ah, ama codbixin aan qarsoodi ahayn oo loo jeedo xildhibaan kasta sida uu u codeeyey. Codkaas marka la qaado, haddii baarlamaanku ansixiyo, waxa uu ra’iisul wasaarahu haystaa 30 cisho oo uu kusoo magacaabayo golahiisa wasiirada.

Arbacadii la soo daafay ayey ahayd markii uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Baarlamaanka DFS oo la doonayey in uu ku horyimaado Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay, Shirdoon, si uu uga hor akhriyo barnaamijkiisa.

Baaqshadaas oo lagu macneeyey arrimo farsamo ayaa waxaa maalintaas ka hadlay Warbaahnita Villa Somalia oo sheegtay “Kulanka baaqday maanta (Arbaca 10/10/2012) ayaa la filayay in R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu khudbad ka jeeediyo kulanka Baarlanka, taas oo uu ku soo bandhigayo waxqabadkiisa iyo nooca ay noqoneyso xukuumadda uu soo dhisidoono si uu Baarlamanka uga helo codka kalsoonida.”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 10-kii September 2012 waxay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo markaas kaddib  October 6, 2012 Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon.

Sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, marka  uu madaxweynahu soo magacaabo ra’iisul wasaare, waa in ra’iisul wasaarahaas magacaaban la horkeeno baarlamaanka si ay ugu codeeyaan.

Markaas haddii baarlamaanka codka kalsoonida siiyo waxa uu Ra’iisul wasaarahu soo dhisayaa xukuumadiisa oo ah golaah Wasiirada si ay u hawlgalaan.

###

Kulankii ugu horeeyey ee Xasan Maxamuud iyo Kibaki ku yeesheen Kampala

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.