Home » Announcements »

Tartankii Xiisaha Badnaa ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo la soo Gabgabeeyey

Kooxda ku cayaareysay Magaca Xiddigaha Ruweys ayaa ku guuleysatay Koobka Jaaliyada Sooamaliyeed ee Magaalada Jiidda ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo muddo Bilo ah soo socday. Waxaa Garoonkii buux dhaafiyey Mas’uuliyiin , qaar ka mdia Ciyaartoydii weynaa ee Berisamaadkii Wadanka ka ciyaari jirey oo uu ugu horeeyey Goolhayihii Naadiga Horseed iyo Qaranka Jeylaani Khaliif Maxamed iyo Dadweyne aad iyo aad u tiro badan .

Runtii labada Kooxood waxey halkaasi ku soo bandhigeen ciyaar Farsamdeedu aad iyo aad u sareyso waqtigii loogu talagley waxaa laysla dhaafi waayey 0 : 0 sida uu qabo sharciga Kubada Cagtana waxaa loo dhigey Rigoorayaal waxaana uu Nasiibku saacidey kooxda Xiddigaha Ruweys oo 5 : 4 kaga badisey Kooxdii ka soo horjeeday ee Iftin Stars.

Waxaana Guddoonsiiyey Koobkii horyaalka Goolhayihii hore ee Naadiga Horseed iyo Qaranka soomaaliyeed Jeylaani khaliif Maxamed, waxaa ciyaaryahanka sanadka ku guuleystey Ciyaaryahankii Naadiga Madbacada Xuseen Cali Winkey , sidoo kale waxaa halkaasi Goob joog ka ahaa Ciyaaryanadii Bersimaadkii Wadanka ka soo ciyaari jirey ee kala ah Salaax Baa Jaabir oo Naadiga Fiat ama Wagad ahaa , Yacquub Axmed Maxamuud oo Batroolka iyo Waxool u ciyaari jirey , Cali Maclimow C/laahi oo Batroolka ahaa , Cali Cambuul oo Badda Kismaayo u ciyaari jirey iyo Gobolka Jubada Hoose ,

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Maamulka Kubada Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kala ah Guddoomiye Maxamed Aweys , C/qaadir Zeylac, iyo Abii C/qaadir Baraf .

Waxaa kaloo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Arimaha Bulshada ee Towciyadda Eng. Sheekh Xasan iyo Gudoomiya DhaliNyada iyo Isboortiga ee Towciyada Md. Cabdi. Gebagebadii waxaa halkaa khudbad gaaban iyo warbixinta koobka iyo Qaabkii uu ku bilowdey iyo sida uu ku sdoo Gabagaboowbey ka soo jeediyey Guddoomiye Maxamed Aweys Axmed .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.