Home » Warar »

Maxamuud iyo Kibaki oo ku kulmay Kampala

Madaxweynaha DFS, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horeysey magaalada Kampala kula kulmay madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki. Ilaa hadda waxyaabihii ay ka wada hadleen aan labada dhinacba shaacin.

Kulanka ugu horeeya Xasan Maxamuud ma kala hadli doonaa Kibaki in Kenya faraha kala baxo Dhul-badeedka Soomaaliyeed?

Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka dhoofay Muqdisho, waxana uu gaaray Kampala oo uu kaga qayb galayo dabaal-degga xornimada Uganda (Talaada Oct 9), waxaa sidoo kale madaxda ka qayb galaya ka mid ah Mwai Kibaki, taas oo noqonaysa kulankii ugu horeeysey ee ay kulmaan Maxamuud iyo Kibaki. Kenya kama qayb gelin caleema saarkii madaxweynaha DFS.

Faallada SomaliTalk.com:

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub, taas oo hadda wixii ka bilowda u gacan bannaanaynsa in uu qabto hawshiisa madaweynanimo oo ah in uu matalo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sh. Maxamuud, maadaama uu yahay madaxweynaha dawladdii ugu horeysey ee rasmi ah oo Soomaaliya yeelato kaddib burburkii 1991, marka uu la hadlayo madaxda Afrika (iyo kuwa caalamka kaleba) waxa uu matalayaa dal caan ka ahaa madaxda Afrikaanka dhexdooda iyo adduunka kaleba.

Mr. Maxamuud waxa uu matalayaa madax Soomaaliyeed oo geesiyaal ahaan jirey, lagana qadarin jirey kulamada Afrika dhexdeeda. Waxa uu matalayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, hadalka uu ku yiraahdo madaxda kalena waxa uu saamayn ku yeelan karaa ummadda Soomaaliyeed xitaa muddo dheer kaddib marka ay dhammaato muddada xilkiisu.

Arrintaas waxaa tusaale cad u ah madaxdii xukuumaddii ka horeysey ee Kumeelgaarka ahayd raadka ay reebeen, taas oo ay tahay in uu asagu xalliyo: Waxay muran aan hore u jirin geliyeen dhul-badeedka Soomaaliyeed kaddib markii ay heshiis ay ugu yeereen Is-Afgarad la galeen Kenya, kaas oo horseeday in ay Kenya ku dhirato oo cabirato dhul-badeed baaxad weyn oo ay leedahay Soomaaliya, isla markaasna ay qandaraasyo kula gasho shirkado shisheeye si ay shidaal uga sahamiyaan.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed walaac cusub ku abuuray kaddib markii la doortay madaxweynaah cusub in sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Tamarta Dawladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay London oo Talaadadii October 2, 2012 waraaysi uu bixiyey uu sheegay in Soomaaliya ay doonaysaa in ay xalliso “muranka xuduud badeedka” ee kala dhexeeya Kenya.  “Murankan waxaa lagu xallin karaa si saaxiibtinimo ah.” Hadalkaas oo ah kii ay hore uga hor tageen baarlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa u muuqday soo cusboonaysiin.

Waxaa xusid muran in Oct 5, 2012 uu Guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya yiri  “wadanka (Somalia) wuu burbursan yahay, mana la samayn karo dispute (muran) aan jirin, mana jiro dispute(muran) anigu sidaan aaminsanahay, oo haddii Soomaaliya Continental Shelf-keeda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu dhisnaa ilaa Talyaanigii, waa khasab in sidaas loo ilaaliyo oo loo xushmeeyo.”

Faarax Macallin, guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya, arrinta uu ka hadlayaa waxay la xiriirtaa: Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis dhacay 15-kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17-kii December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xadayntaas waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA-SHAAQA ay leedahay Soomaaliya, jasiiradahaas oo Koonfur ka xiga Raas Kambooni .

16-kii iyo 26-kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya. Waxaana heshiiskaasi dhigayey in “Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya”.

Haddaba, mar haddii ay hadda guddoonka sare ee baarlamaanka Kenya taas qirsan yihiin, ma jirto sabab ka hortaagan madaxweynaha DFS in xukuumadda Kenya uu kala hadlo sidii ay u joojin lahayn xad gudubka ay ku cabiranayso gudaha dhul-badeedka Soomaaliya.

Kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray Maxamuud iyo Kibaki, Oct 9, 2012 – Sawirka ay faafisay DFS

Waxaana Shacabka Soomaaliyeed aad u soo dhaweyn lahaayeen haddii ay arkaan Xasan Sh. Maxamuud oo kulankiisa ugu horeeya ee uu la yeesho Kibaki inta uu labada indhood si toos ah uga ka fiiryo ku yiraahda: Kibaki, waxaan ku baraarugsanahay in xukuumaddii hore ee KMG ahayd iyo xukuumadaada Kenya ay markii ugu horeysey taariikhda abuureen muran-badeed aan inaga dhaxayn. Waxaana arrintaas ka hortegey baarlamaankii Soomaaliyeed oo ka dhigay waxba kama jiraan. Laakiin Kenya waxay sii wadaa in ay cabirato dhul-badeed gudaha ugu jira Soomaaliya oo shidaal ka sahaminayso. Arrintaasi waa khalad cad.  mr. Kibaki haddii aad dooneysid in aan xuduud ka wada hadalo, aan kawada hadallo Webiga Tana River ee Galbeedka ka mara Gaarisa. Inta ka horeysa Kenya yeysan soo dhaafin Jasiiradaha Lama-Shaaqa.

Dhanka kale waxaa shacabka Soomaaliyeed sidoo kale aad u soo dhaweyn lahaayeen in madaxweynaha  DFS uu Kibaki xusuusiyo in Soomaaliya leedahay xeer badeed, Sharciga Law No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) (oo soo baxay September 10, 1972), kaas oo qeexaya in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) uu ahaa 200 nautical miles (370.4km), waa Territorial Waters ee ma aha EEZ. Waxaana la kordhiyey cabbirkaas sannadkii 2009 oo la gaarsiiyey 350nm (648 km).

Xad-badeedka kala qaybiya Somalia-Kenya waa xarriiq u socota jihada Koonfur-Bari (sida uu dhigayo xeerka badaha adduunku), xariiqdaad oo koonfur ka xigta LAMASHAAQA, ee ma aha xarriiq u socota Bari (sida ay Kenya bilowday intii ay jirtey DFKMG ahayd).

Sidaas (oo ah in uu jirey xeer badda Soomaaliya Law no. 37 iyo in xarriiqda kala qaybisa xuduudka badda Somaliya-Kenya ay u socoto Koonfur-bari) ayey ogeyd dawladdii rasmiga ahayd ee ugu dambeysey Soomaaliya ka hor 1991, hadda ayaa markale Soomaaliya yeelatay dawlad rasmi ah 21 sano kaddib (2012).  Haddaba, la arki doonee sida dawladdaas rasmiga ahi u maarayso xad-badeedka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya kama dhexeeyo muran xuduud-badeed ee waxaa ka dhexeeya dhul Soomaaliyeed oo Kenya haysato (NFD). Marka madaxda Soomaaliyeed ka hadlaan NFD ayaa Kenya faraha kala bixi doontaa jasiiradaha lama-shaaqa iyo wixii ka xiga dhanka Raaskambooni.

Dabaal Degga 50 Guurada Xornimadii Uganda

Madaxweynaha DFS ayaa safarkiisii ugu horeyey – kaddib markii madaxweynanimada loo doortay – u dhoofay Uganda si uu uga ka qayb galo dabaal-degga Kampla lagu samaynayo Isniinta iyo Talaada (8-9 October 2012), oo loogu dabaal-degayo 50-guurada (Uganda Golden Jubilee) ka soo wareegtey xornimadii Uganda ka qaadatay boqortooyada Ingriiska (UK) 9-kii October 1962.

Madaxweynaha DFS, Xasan Sheikh Maxamuud, markii uu Isniintii October 8, 2012 ka degey garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala, waxaa halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Uganda, Edward Sekandi.

Sida uu shaaca ka qaaday wasiirka saxaafadda Uganda, Karooro Okurut, madaxweynayaasha 15 dal oo lagu wado inay ka qayb galaan dabaaldegga Uganda waxaa ka mid ah: Rwanda, Tanzania, Burundi, Kenya, Somalia, Democratic Republic of Congo, South Sudan, Egypt, Somalia, Congo Brazzaville, Central African Republic, Malawi, Gambia, iyo Benin.

Dalalka kale ee waftiga u soo dirsanaya waxaa ka mid ah China, UK, South Africa, USA, Nigeria, iyo Sudan.

Waxa kale oo ka qayb gelaya ugu yaraan 10 hay’adood oo caalami ah oo ay ka mid yihiin: United Nations, World Bank, the Commonwealth, European Union, African Development Bank, Aga Khan Development Network iyo East African Community.

LIFAAQ: Khariidad Muujinaysa Dhul-Badeedka Soomaaliyeed ee Kenya Qandaraaska ku bixisay

Dhul-badeedka gudaha ugu jira badda Soomaaliya ee Kenya qandaraasyada ku bixisay waxaa ka mid ah:

  • Block L5 (Anadarko)
  • Block L22 (Total)
  • Block L21, L23, L24 (ENI – Talyaani)
  • Block L26 (Statoil Norway)
  • Block L13 (Zarara Oil)

Khariidaddan hoose waxaa Kenya samaysay bishii May 2012 .

  •  Madaxweynaha DFS mr. Maxamuud  ayaa yiri sidan: “Waxaa inoo ballan ah in aan ilaalino ammaanada ummadda ay leedahay, waa ballan aan wada qaadnay, oo qaarkeen ay Musxafka Quraanka Kariimka ay gacanta midigta u saareen, in aan ilaalin weyno wax la inaga sugayo ma aha”.

Kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya oo Qiray in uusan hore u jirin Muran-Badeed u dhexeeyey Somaliya iyo Kenya, balse uu yahay muran ay sameeyeen DFKMG, Norway iyo….

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Maxamuud iyo Kibaki oo ku kulmay Kampala "

  1. ASC WW WAXAAN HALKAAN UGA MAHAD CELINAA WEPKAAN SOMALIHADAL DADAALKEEY KU BAXSHEEN INEEY DIFAACAAN BADOODA WAXAANA IDIN LEEYAHAY SII WATA GUUSHA IDINKEEY IDIN AHAA DOONTAA HEE TAN KALI MADAXWEYNAHA WALI MA HUBNO WAXOOW SOO WADYO LKN WAXAAN KULA TALIN LAHAA MADAXWEYNE XASAN HADOW MADAXWEYNA SOMAALIYEED YAHAY HALA HADAL YO DOQONTA KEENYA EE HUNGIRA XUN GALAY HANA KU DHAHYO AAN KA WADA HADALNO DHULKA NFD SOMALIA IYAGAA KA CARARI DOONA MEESHEE HADAL KALI HA KU ORAN kenya weey soo xad gudubtay waa tan dhaheeydo waxaan maamul u sameeyneeynaa kismaayo yaab ma waxeey moodeen kismaayo ineey hoows tagto nairobi ilaaheey waan leenahay lkn kheeyr kama soo muuqdo magacaan amisom ha ahaadaan kuwa xamar xooga ku heeysto ama ku wa gobalada heeysto xurna ma ba ihin waansa arki doonaa sida loo la dhaqmo kuwa hada xilka haayo ee lagu sheegay ineey kmgkii ka baxeen allow umadaada islaamka ka qaboQM AMISOM IYO NGOYADA dhibka ku haayo somaliyeed ee ku nool geeska afrika adaa difaaci karee rabiyoow amiin

  2. Omar says:

    asc,
    Waxaan Illaah ugu mahadiyaa mar hadduu na dhaafiyay nimankii koofiyada dhaadheer isku qarin jiray, balse miyaan is weydiinay welwelka naga haya xadgudubka Kenya ee dhana xuduudaha badda, kooxdii KMG siiba tii ugu danbeysay ee la billowday murangelinta xadka yaa u ahaa lataliye sharci, wali ma sidii bay la taliyeyaal u yihiin?.. Dowrka Norway maxaa kalifyay ? sidee arrinkaan si toos ah loogu baraarujiyaa inta ay goori goor tahay, madaxda cusub inta aaney qar ka dhicin sidii haammaniintii hore, suaalahan iyo kuwa kale inaan u joogsano iyo waliba diyaaran kiisaska danbiga khiyaamo qaran ay qoladii hore geysteen.
    Ugu danebeyn waxaan mahad u celiyaan shakhsiyaadka goor iyo ayaan u taagan difaacadda xuduud baddeenna, waxaaan Allaah weydiisanyaa inuu arrinkaa nagu garab galo.

  3. soomaalimama says:

    Asalamu alaykum soomaaliyey intaad kahadlaysaan bada saw kenya xuduudeena May soo galin iyadoo cidna wax waydiinin.saw imika kismaayo maamul loogu samaynaayo nayroobi
    Hadaba yabaye ma yaabteen somalia dawlad rasmiya heshay iyo kismaayo ayaa maamul loo samaynaayo!!!!!!!

  4. asad says:

    maamulka somalitalk aadbaan idink mahad celinayaa sida wayn eed isugu xilqantaan khayraadka ummada ee shisheeyuhu rabo inuu boobo walalayaal halkiina kawada waajib faradulceyna ayaad haysaane hakadaalina ajarweyna xisaabsada insha alaah

  5. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.