Home » Warar »

Madaxweynaha DFS oo Gaarey Kampala, Uganda

Madaxweynaha DFS, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Isniintii ka degey garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Uganda Edward Sekandi. Waxana uu halkaas kaga qayb gelayaa 50 guurada xornimadii Uganda oo ku beegay Oct 9.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi Hogaaminayo oo Umbabaxay Wadanka Uganda

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminyao ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha ku wajahan yahay Caasimada Wadanka Uganda ee Kambala halkasuu kaga qaybgalayo Sannadguuradii 50 aad eeka soo Wareegtey waqtigii Uganda ay qaadatey Xoriyadda.

Waa Safarkii ugu horeeyey ee uu Madaxweynaha uga ambababaxo Dalka Dibadiisa iyadoo inta uu joogoo Wadankaas uu la kulmi doono Madax fara badan oo ka soo qaybgalaya Dabaaldegga Maalinta Xoriyada , sidoo kale waxaa Magaalada Kambala ka socda Qaban qaabada Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha oo ay wadaan Jaaliyada Soomaaliyed eek u dhaqan Wadankaas iyadoo lagu wado in Madaxweynaha uu kulamo la qaato Jaaliyada Soomaaliyeed

Madaxweynaha inta uu joogo Dalka Uganda waxaa la kulmi doona adaxweynaha Wadanka Masar Maxamed Mursi o lagu wado in uu ka soo qayb galo Munaasabada 50 Guurada Maalinta Xoriyada ee wadanka Uganda , wuxuu Maxamed Mursi ahaa madaxdii ugu horeysey ee u soo Hambalyeysa Xasan Shiikh Markii uu ku guuleystey Xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya.

Kampla, Uganda, Oct 8, 2012

Warar ayaa sheegya in Madaxweynah marka uu ka qaybgalo Munaasabaas uu Boooqashooyin ku soo kala bixi doono qaar ka mid ah Wadamadaku jira urur Goboleedka Igad oo ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Suudaan, Jabuuti iyo Wadamo kale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mailamiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.