Home » Warar »

Kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya oo Qiray in uusan hore u jirin Muran-Badeed u dhexeeyey Somaliya iyo Kenya, balse uu yahay muran ay sameeyeen DFKMG, Norway iyo….

Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sh. Maxamuud oo weli ku dhegan in uu jiro muran-badeed u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, halka kuxigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya ka sheegay in muran badeedkaasi yahay mid la sameeyey oo aan hore u jirin….

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin Dawaara, ayaa shaaca ka qaaday in uusan hore u jirin wax muran xuduud badeed ah uu u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya. Balse murankaas ay bilowday dawladdii hore ee Kumeelgaarka ahayd oo heshiis la saxiixatay Kenya.

Waxa kale oo Faarax Macallin sheegay in ay arrintan muran abuurista ay qayb ka ahaayeen shirkado reer Norway ah, waxan uu si qayaxan u sheegay in murankaasi uusan hore u jirin oo uu yaahy wax aan sal iyo baar lahayn.

“Haddii arrinta khayraadka badda ay timaado, horta aniga mid ayaan kuu sheegayaa, Soomaaliya iyo Kenya ma qabin markii hore dood ku saabsan amase ka dhalatay khayraad ayaga u dhexeeya ama xuduud ayaga u dhexeyso, xuduudkan nidaamka asaga ah dawladdii aan soo dhaafnay iyo shirkado Norwegian ah iyo kooxo Kenya ka tirsan ayaad moodaa in uu yahay wax la sameeyey, waxaas oo aan sal iyo baar toona lahayn,” ayuu yiri Faarax Macallin.

Asagoo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri “Waayo wadanka wuu burbursan yahay, mana la samayn karo dispute (muran) aan jirin, mana jiro dispute(muran) anigu sidaan aaminsanahay, oo haddii Soomaaliya Continental Shelf-keeda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu dhisnaa ilaa Talyaanigii, waa khasab in sidaas loo ilaaliyo oo loo xushmeeyo. Kolley doodahaas baarlamaanka waa imaan doontaa. Haddii qayb executive-ka (fulinta) oo Kenyaati ay ay ku talax tageen arrintaas, mase hunguri, waddankana waa waddan capitalism ah (hanti-goosi).

Midda labaad, ayuu yiri Kuxigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya “Continental Shelf-ka waxaa la yiri mar dhexdaas ah in dawladii tan ka horeysey ee Kumeelgaarka ahayd ay qiratay in uu jiro khilaaf xuduud badda ah oo Soomaaliya iyo Kenya ah, anigu waxaan ogsoonahay in arrintaas ay rabeen niman kale iyo shirkado kale oo Norwegian miyaa la igu yiri, laakiin aysan jirin wax United Nationka dhexyaal oo ku saabsan arrintaas, dawladda Kenyana si keligeed ah uma dhehin waxbaa noo dhexeeya, cidkale oo ajnabi ahna ma saxiixin, IGAD-na ma saxiixin, dawladii Soomaaliya ka jirtey (KMG) ayaa wasiirkeedu saxiixay arrintaas, inkasta oo laga daba tegey oo baarlamaankii Soomaaliya xeer u sameeyey, oo arrintaas hadda la moodo in aysan noqonayn sidii hore.”

Dhegeyso hadalkii Faarax Macallin u sheegay idaacadda Codka Maraykanka:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/faarax_macalim_oct2012.mp3]
  • Waraysiga idaacadda Codka Maraykanka oo dhamaytiran, ka dhegeyso dhanka hoose ee qoraalkan.

Dawladda Xasan Maxamuud oo ma waxay weli ku dhegan tahay Kelmeddii “Dispute-ka” ama Muran-badeedka?

Cabdullaahi Xaydar (Abdullahi Haider), oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Tamarta Dawladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay London oo Talaadadii October 2, 2012 waraaysi uu bixiyey kaga hadlayey in Soomaaliya qadarinayso qandaraasyadii shidaal sahaminta ee ka hor 1991 ay dawladii Soomaaliya la gashay shirkadaha Shell, BP iyo Chevron, ayaa intaas raaciyey in Soomaaliya ay doonaysaa in ay xalliso “muranka xuduud badeedka” ee kala dhexeeya Kenya.

Waxaana arrintaas Xaydar ka yiri “Murankan waxaa lagu xallin karaa si saaxiibtinimo ah.”

Hadalkaasi waxa uu noqonayaa gogol-dhigii labaad oo la doonayo in dawladda Xasan Maxamuud loo qoolo dabinkii ay dejiyeen Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Axmed iyo saddexdiisii ra’iisul wasaare ee isku xigey (Sharmaarke, Farmaajo iyo Gaas), kaddib markii ay heshiis la galeen Kenya, heshiiskaas oo is-afgarad ay ugu yeereen, kaas oo ay muran aan hore u jirin ku geliyeen xuduud badeedka u dhow Raaskambooni. Murankaas oo sida Soomaalida oo dhami ogtahay, isla markaasna uu hadda qiray Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya, uu yahay muran aan hore u jirin balse ay asalkiisa lahayd DFKMG ahayd, Kenya iyo Norway.

Waxaa warbixinta Reuters ku cad in sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Xasan Maxamuud uu adeegsadey kelmedda “muran badeed”, taas oo ah mid la doonayo in laga dhaqan gashado dawladda mr. Maxamuud, maadaama aysan war arrintaas ay ku beenineyso ka soo saarin hadalkaas.

Isku daygii Kenya iyo DFKMG ay ku doonayeen in ay abuuraan muran badeed aan jirin waxa ka hor tegey baarlamaankii Soomaaliyeed ee hore, kaas oo waxba kama jiraan ka dhigey heshiiskii khiyaanada ahaa. Arrintaas oo sababtay in baarlamaankaas laga dhigo hawl gab, isla markaasna Dastuur nuqulkii lagu soo sameeyey Jabuuti la geeyey Nairobi lagu soo daray qodob xad-gudub weyn ku ah wada jirka dhulkii Soomaaliya ee hore xorta u ahaa, waa qodobka 7aad qaybo lagu siyaadiyey.

Qodobkaas 7aad waxaa ka mid ah sidan: “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah”. Arrintaas oo ahayd gogol-dhigii koowaad ee lagu doonayey dawladda Soomaaliya ay markale qirato muran aan hore u jirin.

Baarlamaanka cusub ilaa hadda ma jiro wax ay ka qabteen arrintaas, shacabka Soomaaliyeedna waxay isha ku hayaan sidii qodobka 7aad ee dastuurka Kumeelgaarka ah looga saari lahaa farqadaha 3aad, 4aad iyo 5aad: Hoos ka eeg.

Dhanka kale waxaa shacabka Soomaaliyeed ka dhursugayaan in madaxweynaha cusub uu si geesi-nimo leh u wajahi doono arrintaas, shacabka Soomaaliyeedna u caddeeyo in muranka jiraa uu yahay muranka dhulka NFD ee uusan ahayn muran badeed.

Kuxigeentaa afhayeenka baarlamaanka Kenya ayaa qirsan in uusan jirin muran badeed u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya, taas oo uu ku tilmaamay in murankaasi yahay mid aan sal iyo baar toona lahayn. Marka maxaa ka hor taagan xukuumadda cudub in ay sidaas oo kale si qayaxan u tiraahdo, maxaa sababaya in ay ku soo warwareegaan in ay muran geliso dhulka ay xukunto?

  • Markale Faarax Macallin: Lama samayn karo dispute (muran) aan jirin, mana jiro dispute(muran) anigu sidaan aaminsanahay, oo haddii Soomaaliya Continental Shelf-keeda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu dhisnaa ilaa Talyaanigii, waa khasab in sidaas loo ilaaliyo oo loo xushmeeyo.

Kenya waxay si bareer ah u cabiratay dhul baaxad weyn oo ka tirsan Soomaaliya ayadoo heshiisyo kula gashay shirkado Shidaad Sahamin, ilaa haddana dawladda mr. Maxamuud arrintaas kama hadlin.

  • Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha DFS mr. Maxamuud uu yiri sidan: “Waxaa inoo ballan ah in aan ilaalino ammaanada ummadda ay leedahay, waa ballan aan wada qaadnay, oo qaarkeen ay Musxafka Quraanka Kariimka ay gacanta midigta u saareen, in aan ilaalin weyno wax la inaga sugayo ma aha”.

Dhegeyso hadalkaas:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/xasaanshiikh12.mp3]

Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nairobi)

Sida kuqoran Q.7aad ee Dastuurka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan

Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.

2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.

Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka

Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya

1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Akhri Jawaabtii ay Guddiga madaxa bannaan ee dastuurku ka bixiyeen qodobada lagu soo siyaadiyey dastuurka ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed, una gogol dhigaya ka tanaasulka NFD iyo Soomaali galbeed.. Halkan ka akhri


Waraysi ku idaacadada Codka Maraykanka (VOA)

waraysiga iyo warbixinta VOA oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee soo galay Kismaayo hoos ka dhegeyso

[audio:http://av.voanews.com/VOA_Somali/134/647/SOMALI1600ab1005__644526.mp3]

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.