Home » Warar »

Dowlada Cusub ee Soomaaliya oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleyso Shirkado Shidaal oo hore Heshiis ula galey Dowladii Milatariga

Dowladda Cusub ee Faderaalka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay dhawaan u yeereto Shirkadihii Macdanta iyo Shdaalka ee Heshiisyada la galay Dowladii hore ee Soomaaliya ee Milatariga ahayd ee la ridey Sannadkii 1991, waxaa Hadalkaan ka dhawaajiyey la taliye ka tirsan Wasaraada Macadanta iyo Tamarta Shidaalka mar uu waramayey Warbaahibta.

“Waxaa Dhawaan Dalka Ingiriiska ku soo dhamaadey Shir ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madax ka socotey Ganacsato waaweyn oo ka socdey Shirkadaha Shidaalka iyo Qodoista Macdanta waxaana shirkaas u ahaa mid hordhac u ah sidii dalka looga bilaabi lahaa Qodista iyo soo saarista Shidaalka “ayuu yiri Cabdulaahi Xaydar oo ah La taliye ka tirsan Wasaarada Macadan iyo Shidaalka isagoo intaa sii raaciyey” Dowlada Cusub waxay si aad ah u Daneyneysaa Shirkadaha Shidaalka Chevron oo ka tirsan Dalka Mareykanka,BP oo iyana ka tirsan Ingiriiska iyo Shirkadda Shell oo iyana laga leeyahay Wadanka Holland

Saddedaan Shirkadood ayuu sheegey Cabdulaahi Xaydar in ay heystaan Warqadiihii ay heshiiska kula galeen Dowladii Milatariga isagoo sheegey in Shirkadahaan ay yihiin kuwa si aad ah u daneynaya islamarkaana doonaya in dib loo soo nooleeyo Heshiisyadaas , waxaa kaloo uu sheegey in Masuuliyiin ka tirsan Saddexdaas Shirkadood ay isku arkeen Magaalada London isagoo sheegey in ay yihiin kuwa si aad ah u doonaya in ay shidaal iyo Macaadin ka baaraan Dhulka Soomaaliya

La taliyaha Wasaarada Macdanta iyo Shidaalka Cabdulaahi Xaydar mar wax laga weydiiyey bal waxa ay Dowlada Cusub ka yeeleyso Shirkadaha Shidaalka ee heshiisyada la galey Maamulada Dalka ka jira sida Soomaaliland iyo Pundland ayaa waxaa uu yiri “Shirkadahaasi waan la xaajoopneynyaa oo wada hadal baan la galeynaa balse waxaan ahmiyad siineynaa kuwii heshiisyada la galey Dowladii Hore ee Soomaaliya

Ugu Dambeyn tan iyo markii ay dhaceen Dagaaladi Sokeeye waxaa Dalka yimid Shirkado shisheeye oo qaarkood la sheegey in ay ahaayeen kuwa aan la garaneyn halka ay ka socdaan iyadoo qaarkood keeney in ay dhaliyaan Qalalaase Siyasadeed islamarkaana meelaha qaar ka abuurey iska hor imaadyo ay ku dhinteen dad fara badan hadaba Dowlada Cusub waxaa sugaya arrimo fara badan oo la xiriira Shirkadahaas oo qaarkood la sheegey in ay haatan shidaal ka qodanyaan Xeebaha Sooomaaliya gaar ahaan Xeebaha ku aadan Gobolka Jubooyinka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya
“Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa qodob lagu siyaadiyey Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.