Home » Warar »

Afhayeenka Ciidamada ee Gobolada Jubooyinka oo sheegey in aysan Aqoonsaneyn Wax la yiraahdo Ciidan Raskaambooni ah

Afhayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolada Jubooyinka Col Aadan Rufle oo u waramayey Warbaahinta ayaa wax laga weydiiyey Xaalada Gobolada Jubooyinka ka dib markii dhawaan ay gacanta ku dhigeen Ciidamo isbaheysanayo oo ay horkaceyso Dowlada Kenya, waxaa uu sheegey in Ciidamada ay la wareegeen dhamaan Magaalada Ksismaanyo ,islamarkaana waxaa uu sheegey in Maalmaha soo socda Magaalada Kismaanyo uu ka bilaaban doono Howlgal baaritaanka oo ku aadan dhinaca Hubka.

“Cid aan Ciidamada Dowladda ka tirsaneyn Hub lama dhex mari karto Magaalada Kismaanyo Ciddi lagu arko waxaan u arki doonaa in ay saacidayaan Xarakada Alshabaab” ayuu yiri.

Afhayeenka oo wax laga weydiiyey Ciidamada Raskaambooni ee uu Hagaamuiyo Shiikh Axmed Madoobe waxaa uu yiri “wax (ciidan) Raskaambooni la yiraahdo ma naqaan, Wadanka Dowlad baa ka jirta, marka waa dhamaadeen wixii hore lagu qaraaban jirey ee Jabhadaha ahaa”

Afhayeen waxaa uu sheegey in Gobolada Jubooyinka ay ka Howlgeli doonaan Ciidamada Dowlada isagoo sheegey in ay sugi doonaan Amaanka Goboladaas marka Cid aan dowlada ka tirsaneyn in ay Hub heysato looma ogola waayo waxaan ku shaqeyneynaa Amar Dowladeed marka waxaan u soo jeedinayaa Jabhada Raskambooni in ay ku biiraan Ciidamada Dowlada.

Col Aadan Rufle waxaa u sheegey in Maalmaha soo socda Gobolada Jubbooyinka loo sameyn doono Maamul ay ka wada qayb galaan Dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Jubbooyina isagoo sheegey in wixii haatan ka dambeeya lagu shaqeyn doono Qaab Dowladeed si looga baxo wixii hore uga dhici jirey Gobolada Jubbooyinka ee ahaa Qaabka Qabiilka.

Hadalka ka soo yeerey Afhayeen ayaa waxaa la sheegey in uu yahay mid keeni kar iska hor imaad dhex mara Jabahadii Huwanta ahaa ee gacanta ku dhigey Magaalada Kismaanyo, iyadoo Dowladda Kenya iyana ay Wadato Maamul lagu Magacaabo Asaaniya oo hore loogu soo dhisey Kenya si loogu sameeyo Magaalada Kismaanyo iyadoo weli ay soo yeerayaan Qayla dhaan ka soo yeereysa Beelaha Dega Gobolkaa oo iyagu ku baaqey in aan lagu deg degin Maamul loo sameeyo magaalada Kismaanyo iyagoo ugu baaqey Dowladda Kenya in ay dhex dhexaad ka noqoto Arrimaha Gobolada Jubbooyinka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.