Home » Warar »

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose

Warar soo kala horjeeda oo ka soo baxaya dagaalka Jubbada Hoose iyo xaaladda Magaalada Kismaayo..

Xukuumadda Kenya afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa amisom ay gaareen qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo. Caris Akuna af hayeenka dawladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay gaareen gudaha Magaalada kismaayo iyadoo wax iska caabin ah aysan kala kulmin dhinaca xarakada Shabaab.

Afhayeenka u hadlay Xukuumadda Kenya ayaa sheegay in illaa Sedax Jiho ay ka soo weerareen Magaalada Kismaayo isla markaana Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Kenyan in lagu dejiyay dhinaca Xeebaha kuwaas oo ku sugan qaybo ka mid ah Magaalada kismaayo waa siduu hadalka u dhigaye.

Qaar ka mid ah Dadka Magaalada Kismaayo ayaa beeniyay in Ciidamadu gudaha u soo galeen Magaalada Kismaayo balse ay jiraan Xiisado maanta halkaa ka jira.Diyaarado ayaa la sheegayaa in ay garaaceen halka loo yaqaano Canjeel oo Magaalada dhowr Kilo Mitir u jirta. Dadka degaanka ayaa qaarkood sheegaya in ay arkeen Ciidamada kiinyaanka oo ay la socdaan Ciidamo Caddaan ah oo ka bar bar dagaalamaya Ciidamada amisom waa sida ay sheegayaan wararka is khilaafsan ee ka imaanaya Magaalada kismaayo.

Wararka Gobolkaas naga soo gaaraya ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Xalay illaa shalay Magaalada kismaayo lagu daadiyay waraaqo Dadka shacabka loogu baaqayo in ay is dejiyaan Ciidamada huwantana aysan wax dhibaata ah u gaysanayn dadka rayidka.

Waraka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamadii huwanta ahaa ee ku sugaanka Degaanka Janaay Cabdalla ay u soo gudbeen dhinaca Magaalada Kismaayo kuwaasoo la sheegay in magaalada iminka ay u soo jiraan wax ka yer Soddon Kiilo Mitir. Isku soo wada duuboo Wararka ka imaanaya guud ahaan Gobolkaas ayaa ku soo waramaya in ay jirto xaalad kacsanaan ah isla markaana dadku ku jah wareersan yihiin sida ay wax noqonayaan.

Dhinaca Kale Afhayeenka dhinaca Hawl galada ee xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo maanta la hadlay Saxaafadda ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kismaayo ay qabsadeen ciidamada Kenya Abuu Muscab ayaa farta ku fiiqay in Magaalada kismaayo weli ay iyagu gacanta ku hayaan isla markaasna qabsashada Magaalada aysan ahayn wax fudud oo ay difaacayaan.

Hadaladan warbaahintu is dhex waddo ayuu ku sheegay afhayeenku in ay yihiin kuwo laga bad badiyay isagoo dhinaca kalena qiray in Maraakiib gaaraysa illaa Afar oo ciidan sidda ay soo gaareen Xeebaha Kismaayo.Sarkaalkan u hadlay Xarakada Shabaab ayaa sheegay in Maraakiibtaasi duulaan ay ku qaadeen Ciidamadooda isla markaana loo diiday in Ciidamadii Saarna ay Cagta dhulka soo dhigaan halkaasna ay ku hor taagan yihiin.

Abuu Muscab ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo in aysan cabsanin oo ay gacan siiyaan Ciidamada Xarakada Shabaab ee dagaalka kula jira kuwo soo duulay. Idaacadda Al Andulus ee ku hadasha afka xarakada Shabaab eek u taala magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in maanta ay jeedinayso barnaamijyo Jihaadka ku saabsan iyo in dagaalka laga wada qayb galo.

Wararka ayaa waxaa intaa ay ku darayaan in daqiiqado kaddibba magaalada lagu dul arkayo diyaaradaha dagaalka oo halkaa dul xawaaereynaya iyadoo Difaaca Ciidamada Shabaabkuna ay ku ridayaan Hubka Lidka Diyaaradaha. Si kasta ha ahaatee Ciidamada Shabaabka ee ku sugan Magaalada kismaayo ayaa waxa ay isku dayayaan sidii ay u difaaci lahaayeen Magaalada Kismaayo oo qaybo ka mid ah iminkaba la sheegey in ay ku jiraan.

Kooxo Hubaysan ooc Goor Dhow Wariye Madax Banaan ku Dilay Degmada Dharkeenleey

Axmed Cabdullaahi fanax oo u shaqaynayay Jariirad lagu Magacaabo SAPA ee Wadanka Yaman ayaa Kooxo hubaysani Saaka subaxnimadii hore ay ku dileen Degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.Dilka wariyahan ayaa yimdi xilli uu ku sugnaa Xaafad ka mid ah Xaafadaha Degmadaas markaasoo ay soo weerareen kooxo Bastoolado ku hubaysan.

Kooxdan Dilka u Gaysatay Wariyaha ayaa markiiba goobta isaga baxsatay iyadoo halkaasina ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Mamaulka dawladda Federaalka Soomaaliya.Ciidamadaas ayaa goobtii uu shilku ka dhacay baaritaano ka sameeyay in kastoo aan la soo sheegin cid falkaas loo soo qabtay.

Cabdirashiid Deyl oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo goor dhow Saxaafadda la hadlay ayaa Canbaareeyay kooxihii ka dambeeyay Dilka saxafigaas.Cabdirashiid Deyl ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato dilalka loo gaysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed maadaama inta badan Dilalka loo gaysanayo Saxafiyiinta ay ka dhacayaan Degaanada ay ka arrimiso Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dilka Saxafigan ayaa muddo Todobaad gudahood waxaa uu ka dhigayaa Saxafigii Lixaad ee lagu dilo gudaha Magaalada Muqdish iyadoo shaleyna Suuqa Xoolaha lagu diley wariyey ka tirsan Web-site gaar ahaan webka Cayaarahamaanta.com iyadoo Tododbaadkii la soo dhaafey la diley Afar weriye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.