Home » Warar »

Dawladda Ingiriiska oo ugu Yaboohday Toban Milyan Euro Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Iyadoo shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka soconayo Magaalada New Yorka ee carriga Maraykanka ayaa haddana waxaa jira shirar shirkaas bar bar soconaya. Kulan ka dhacay Magaalada New York ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska William Hague kaasoo ka hadlay is bedelada ka soconaya gudaha Dalka Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in dawladda ingiriisku ugu Deeqayso Dawladda Soomaaliya Toban Milyan oo Lacagta yurub loo yaqaano si ay wax uga qabato hawlaha hor yaala Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya.Mr Hege ayaa sheegay in lacagahaas ay ugu deeqyaso xukuumaddiisa in ay qayb ka tahay kaalmada Dawladda ingiriisku la bar bar taagan tahay Xukuumadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dawladda ingiriiska ayaa sheegay lacagahaas ay xukuumaddiisu ku deeqday in wax looga qabanayo arrimaha ammaanka, dib u dhiska dalka iyo codsiyadii kale ee madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu hore u soo gudbistay. Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay lacagahaas deeqaha ee la gaarsiinayo Dawladda Cusub ee Soomaaliya iyadoo meesha laga saarayo Musuq maasuqii hore ula degay dawladihii ku meel gaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya.

William ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inuu la dagaalamayo Musuq maasuqa dilooday dawladihii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya ka jiray. Si kasta ha ahaatee hadaladan ka soo yeeray Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska ayaa waxa ay imaanayaa xilli Xaaladda Soomaaliya beesha caalamku si weyn indhaha ugu hayso isla markaana ay ku baaqayaan in wax lala qabto xukuumadda Cusub ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.