Home » Warar »

Dowladda Kenya oo Qiratay in Ciidamadooda Xasuuq ka geysteen Gobolka Jubbada Hoose

Askeri ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawl Galka Amisom ayaa Maalinimadii Axadda ee aynu soo dhaafnay si barer ah ugu Toogtay 10 Ruux oo Muwaadiniin Soomaali ah Toogashadaas oo ay si aad ah uga caroodeen Shacabka Soomaaliyeed Dilka Dadkan rayidka ah ayaa muran badan dhaliyay iyadoo Xukuumadda Kiinyana ay ballan qaaday in arrintaa ay baaritaan ku samayn doonto isla markaana tallaabo ka qaadi doonto ciddii falkaas uu ku caddaado.

Af hayeenka Ciidamada Kenya oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Dilka Tobanka ruux ee Rayidka ahaa uu gaystay Askeri ka tirsanaa Ciidamada Kenya Afhayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in Ninkii dilkaas gaystay la qabtay isla markaana uu sugayo Maxkamad la soo taago.Maalinimadii Shalay ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawaldda kuwa Kenya iyo Eheladii dadkii la Dilay waxa ay kulan ku yeesheen Degaanka Janaay cabdalla.

Kulankan ayaa lagu soo qaaday mashaqada halkaa ka dhacday iyo sidii mar dambe aysan arrintaa dib ugu soo noqon.Goobta Kulanku ka dhacay ayaa waxaa lagu soo ban dhigay Askerigii Dilka gaystay iyo Nin darajadiisa Gaashaanle lagu sheegay kaasoo sida la sheegay ka dambeeyay bixinta amarkii Dadkaas lagu laayay iyo Tobanka qof.

Maxaabiistaas ayaa la sheegay in iminka loo gudbiyay Magaalada Dhoobleey halkaas oo looga sii duulin doono Magaalada Nairobi oo la sheegay in lagu maxkamadayn doono. Si kastaba Go’aanadii hor u dhaca ahaa ee Kulankaas lagu gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa in mag dhow la siiyo Qoysaskii ay ka dhinteen Dadkii mashaqadaas ku Geeryooday.

Banaanbax Looga soo Horjeedo Xukuumadaha Faransa iyo Maraykanka oo Muqdisha ka Dhacay.

Banaanbax looga soo hor jeedo Dawladaha Faransiiska iyo Maraykanka ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.Banaanbaxayaashan oo u badnaa Dhallinyarada wax ka barata Dugsiyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka caraysnaayeen Filimadii lagu af lagaadeynayay Diinta Islaamka.

Boqolaalkan Dhallinyarada ah ee dibadbaxa isugu soo baxday Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay dareenkooda ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin in Shakhsiyaal Ducafa ah ay wax ka sheegaan Diinteena Muqaddaska isla markaana ay ku Caayaan Nabigeenii Suubanaa naxariis iyo Nabad Gelyo Dushiisa ha ahaatee.

Dhallinyadan oo socod dheer ku soo kala bixiyay waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambayntii waxaa ay isugu soo urureen fagaaro ku yaala Bartamaha Magaalada.Fagaarahaas ay isugu soo Urureen kooxihii dibad baxa dhigayay ayaa waxaa ka hadlay Mashaa’iikh waa weyn kuwaasoo weydiistay Dawladaha Faransiiska iyo Maraykanka in Maxkamad la soo hor joojiyo Dadkii ka danbeeyay Falkaas Waxshinimada ah.

Culimadaas fagaaraha ka hadashay ayaa ku baaqay inaan la joojin banaan baxyada looga soo hor jeedo aflagaadada loo gaystey Rasuulkeenii Suubanaa naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee.Banaan baxan ay sooban dhigeen Dhallinyarada soomaaliyeed ayaa waxaa uu qayb ka yahay banaan baxyo ka soconaya dunida Muslimka loogana soo hor jeedo tallaabadaas ay ku dhaqaaqeen Ragga Diinta wax ka sheegay.

Khudbadihii halkaa laga soo jeediyay ayaa waxaa lagu taageeray Go’aankii ka soo baxay Mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Baakistaan oo ballan qaaday in Lacago ay ku bixinayaan qofkii soo Dila kuwa wax ka sheegay Nabi Muxamed calayhi Salaatu Wa Salaam. tan iyo markii ay soo baxeen Filimada wax looga sheegayay Diinta Islaamka waxaa dalalka Islaamka ka dhacayay banaan baxyo looga soo hor jeedo Falkaas iyadoo meelaha qaarna banaan baxyadaasi ay sababeen Dhimasho iyo Dhaawac.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmil.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.