Home » Warar »

Ardeydii Jaamacadii Saxaafadda ee Lafoole oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Wariye Xasan Yuusuf Absuge

Ardeydii Jaamacdii Sxaafadda ee Lafoole oo Tacsi u Diraya Qaoyskii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Xasan Yuusuf Absuge oo Dhawaan ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho waxaa Tacsida Diraya Ardeydii ay Isku Fasalka ahaayeen oo kala ah

  • 1-Cabduqaadir Mxamed Hiraabe
  • 2-Cismaan Maxamuud Sheekhow
  • 3-Xuseen Xasan Cali
  • 4-Jaamac Cismaan Kaarshe (Iimaan)
  • 5-Maxamed Caili Ciroole
  • 6-Caddeey Maxamed Yuusuf
  • 7-Dhool Cabdulaahi Guure
  • 8-Safiyo Maxamed Ibraahm
  • 9-Muxubo Maxammed Rooble
  • 10-Saciido Maxamed Gacal
  • 11-Ruqiyo Axmed Rooble
  • 12-Canab Axmed Siyaad
  • 13-Genni Maxamed Cawaale
  • 14-Ubax Maxamed Cali
  • 15-Kaltuun Jaamac Cabdulaahi
  • 16-Ayaan Cabdi Aadan
  • 17-Sacdiyo Xuseen Diiriye
  • 18-Cabdi Maxamed Tifow
  • 19-Cabdulaahi Cali Guure( Daleey)
  • 20-Cabadulaahi Cumar Cali Hindi
  • 21-Cabdiraxmaan Macalin Xasan
  • 22-Axmed Daahir Sabriye Dhaga-Cadde
  • 23-Cumar Muuse Saalax
  • 24-Sayid Cumar Macalin Muuse
  • 25-Maxamed Shiikh Muxumed
  • 26-Cabdiraxmaan Faarax Maxamed (Bakool)
  • 27-Xasan Cismaan Xuseen
  • 28-Amiin Yuusuf Khasaaro ama Maxamed Yuusuf Maxamed
  • 29- Cabdisalaan Xaaji Bashiir
  • 30-Cabdulaahi Maxamed Ibraahim (Xuubeey)

Haddii aan Dib u Milicsano Taariikh Nololeedkii Xasan Yuusuf Absuge waxaa uu ku dhashey Degmada Afgooye Dugsigiisii Hoose /Dhese iyo Sareba waxa uu ku soo qaatey Degmada Afgooyy,waxaa uu Shaqadii Qaranka uu Macaln ka so nooqdey Magaalada Hargeysa ka dib waxaa uu ka mid noqdey Ardaydii heshey Jaamacadda Ummada Sooaaliyeed gaar ahaan Kuliyada Saxaafadda (Journalism) Markii uu ka soo qalin jabiyey Jaamacadda waxa ka mid noqdey Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan Talefishinkii Qaranka Soomaaliyeed ka dib Dagaaladii Sokeeye Xasan Yuusuf Absuge kama harin Bahdii Saxaafada oo waxaa uu ka soo shaqeeyey Idaacadaha kala Duwan ee Magaalada Muqdisho

Waxaa Ilaah uga Baryaynaa in uu Jannadii Fardowsa ahayd ka Waraabiyo Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka tageyna Samir iyo Iimaan Aaamiin…Aaamiin

 

Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo Kooxo Hubeysan ku Dileen Magaalada Muqdisho

Waa weriyahii afraad ee muddo 24 saac gudahood ah lagu diley Muqdisho…

Sept 22, 2012: Barqanimadii  Jimcada ayaa kooxo Bastoolado ku Hubaysan waxa ay gudaha Magaalada Muqdisho ku Toogteen Wariye xasan Yuusuf Absuge. Wariye Absuge oo ahaa Madaxa Barnaamijyada ee Idaacadda Maanta ayaa xiliga ay Tooganayeen kooxaha hubaysan waxa uu ka soo rawaxay Shaqada isagoona ku sii jeeday Hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Muqdisho.

Dad ka dhawaa goobta uu shilku ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in Weriyahaas markii uu ka soo baxay Idaacaddii uu ka shaqaynayay oo xalay uu Shaqada kaga qornaa ay soo weerareen illaa Laba Nin oo Bastooladu ku hubaysnaa kuwaasoo shan Xabadood ku riday.

Rasaasta ayaa waxa ay wariyaha ka haleeshay Madax iyo Gacmaha kaasoo isla goobtii ku Geeryooday.Wariyahan Maanta lagu Dilay Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya wariyihii Afaraad oo wax ka yar afar iyo labaatan saac lagu dilo gudaha Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen falalka dilalka ah.

Wariyahan Maanta lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaana agagaaraha dugsigii Sare ee Generaal Daa’uud ayaa muddo dheer ka soo shaqayeeyay Idaacadaha maxaliga ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.Absuge ayaa hore uga soo shaqeeyay Idaacaddii Codka Nabadeynta Soomaaliyeed, Afrikada Bari Radio Muqdisho iyo iminka oo u shaqeynayay Raadiyo Maanta oo uu ka ahaa Madaxa Barnaamijyada Idaacaddaas.

Shaqaalaha iyo Maamulka idaacaddaas oo ka hadlay Geerida Marxuum Absuge ayaa sheegay inuu ahaa Nin shaqadiisa u ja jaban isla markaana ahaa barnaamij soo saare si weyn looga qadariyo Magaalada Muqdisho gaar ahaana Barnaamijka Siyaasadeed ee habeenkii 9’30ka fiidnimo soo gala isagoona si gaar ah Xalay Barnaamijkaas u soo saaray daadihinayayna.

Iyadoo lagu Guda Jiro Qaban qaabada Aaska Saddex Wariye oo ku dhintey Qarax ayaa Jimcadii Muqdisho lagu Diley Wariye Xasan Yuusuf Absuge

Iyadoo shalay Gabbal Dhicii Qaraxyo Dhowr ah ay ka dhaceen Baar lagu Magacaabo The Vilage oo ku yaala Guriga Hooyooyinka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo sheegaya Khasaaraha halkaa ka dhashay.

Qaraxyadaan ayaa wararkii u horeeyay waxa ay sheegayeen in ay ku dhinteen illaa Labaatan Qof oo Rayid ah isguna jiray Saxafiyiin, Shaqaalihii Baarka iyo dad halkaa ka Casiriyeynayay iyadoo dhaawucuna uu intaa ka badnaa. Dhaawacyadii la gaarsiiyay Isbitaalada kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa halkaa dib ugu Geeryooday kuwaasoo dhaawac ahaan halkaa loo geeyay.

Cabdiraxmaan Yaasiin , Cabdisataar Daahir Sabriye iyo Liibaan Cali Nuur

Inta la xaqiijiyay ayaa dhaawacyada dib ugu geeryooday Isbitaalka waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa toban taasoo dhimashada guud ahaan gaarsiinaysa ama ka dhigaysa illaa iyo Labaatan qof. Falkaas ayaa waxaa canbaareeyay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoona falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid Fuleynimo.

Qaraxan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad ee ka dhaca magaalada muddo laba Todobaad gudahooda iyadii kan ka horeeyayna uu ka dhacay Hoteelka Jaziira xilli uu halkaa ku sugnaa Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya sidoo kale Habeen Saddexaad ayaa Hoobiyayaal ku soo dhaceen Qaar ka mid ah Drg,ooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen dad Rayid ah

Saxafiyiinta Weerarkaas ku dhimatay waxaa ka mid ahaa Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye oo labaduba u shaqaynayay TV-ga Qaranka iyo Agaasimihii Idaacadda VOD Radio Xamar Cabdiraxmaan Yaasiin Cali .

Warar hadda Nasoo gaarey waxay sheegayaan in goor dhow agagaarka Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshioiod lagu diley Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo u shaqeynayey Idaacada maanta , wuxuu dilkaas uu dhacay Xilli uu ka soo baxay Xarunta Idaacadda oo aan sidaa uga fogeyn halka lagu diley

Wariyey Xasan Yuusuf Absuge waxaa uu ka mid ahaa wariyayaashii hore wuxuuna ka shaqeyn jirey Telifishinkii Qaranka Soomaaliyeed , wuxuu ka mid ahaa ardeydii ka soo Qalin jabisey Kuliyadii Saxaafadda ,wuxuuna 20kii sanno ugu dambeysey ka shaqeynayey qaar ka mid Warbaahinta Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee Qaraxan Xalay Fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo welinba Dilka Maanta loo geystey wariyey Xasan Yuusuf Absuge ayaa waxaa uu wel wel badan ku dhaliyay Da weynaha ku Nool Magaalada Muqdisho oo waayadii danbe ku Naawilayay Nabaddii Muqdisho oo dib u soo laabanaysa iyadoo Dilka Maanta loo geystey Wariye Xasan Yuusuf Absuge uu ku soo beegmey iyadoo weli lagu Howlan yahay Aaska Saddex Qariye oo Xaley ku dhintey Qaraxii Maqaayada The Village .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ardeydii Jaamacadii Saxaafadda ee Lafoole oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Wariye Xasan Yuusuf Absuge "

  1. gacan kaxaqdaran ayaa laysay. allah ha unaxariisto afarta wariye iyo inta lageeriyootay, kuwa dhaawacmayna allah ha ufududeeyo. cuqubana hakudhacdo kuwii laayay.
    inkastoo aanan fahmin afhayeenka al shabaab ali dheere hadalkiisa ah “Waxaa Weerarkaasi geesaty Dad Muslimiin ah oo taageersan Al-Shabaab lana dhacsan sida ay wax u wadaan “, hadana lama dhihikaro waa beentaa. si jawaabta ay waafi unoqoto ama mugdiga looga saaro, alidheere waa in lawaydiiyaa marlabaad su’aalahan soo socdo:
    1) hadii kuwa dhibka gaystay si dhab ah ay uga madax banaanyihiin al shabaab oo ay iskood weerarka uqaadeen, makuulamuuqataa wax cusub oo dareenkeeda leh, yacni koox aan idinka ahayn oo wax qarxiya?
    2) makula tahay bombka naftii hurenimo ama weerar sidaas uxoogbadan in uu yahay mid abaabulan oo urur kadanbeeyo?
    3) dadkaan la’aaday oo aan askarta ahayn, dhimashadooda makufaraxday mise waad kadanqatay qof ahaantaa?