Home » Maqaallo »

Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne (Australia) oo Taageero iyo Talooyin u Direy Madaxweyne Xasan Shiikh

Waxaa Qoraal Hambalyo ah naga soo gaartey Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliya ee wadanka Australia, gaar ahaan Magaalada Melbourne waxayna Hambalyadooda ku aadaneyd Caleemo saarkii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud , waxayna Ilaah uga baryeen in uu la garab galo Xilkaas Culus ee loo doortey .

“Anagoo Jaalliyada Soomaaliya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne waxaan ku faraxsanahay Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaan dhihi karnaa Soomaaliya waxay heshey Hogaamiye Karti leh islamarkaana ahaa Shaqsi Dadka Soomaaliyeed la soo qaybsadey dhibaatadii ka dhacadey Soomaaliya 22 Sanno ee ugu Dambeysey” ayey Yiraahdeen Jaaliyada Soomaaliya ee wadanka Australia ee Magaalada Melbourne .

“Waxaa kuula dardaarmeynaa in aad soo Magacawdo Raiisul Wasaare Karti leh oo Shacabka Soomaaliyeed ku farxaan, waa in aad badisaa La tashiga ku aadan Cida aad u Magacabeysid Raiisul Wasaaraha waayo hore ayaan u soo aragney Xukuumad is haysta oo ka dhamaan la’ Khilaaf ‘ayey Yiraahdeen Jaaliyad reer Australia Magaalada Melbourne oo intaa Raaciyey.

‘Haddii aysan wada shaqeyn dhex marin Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka waxaa Fashil ku imaanya waxaad Tiigsaneyseen ee ahaa Badbaadinta shacabka Soomaaliyeed marka waa in aad iska Ilaalisaan wax kasta oo keeni kara Khilaaf oo aad isku Samirtaan”ayey yiraahdeen Xubnahaasi ka socdey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Australia gaar ahaan Magaalada Melbourne

Ugu Dambeyn waxaa u soo jeedineynaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisa in ay gacan siiyaan Dowlada Cusub ee u dhalatey Soomaaliya ee Hogaaminaya Xasan Sheikh Maxamuud waayo haddii aysan shacabka ka helin wada shaqeyn waxaa Xaqiiqo ah in aan laga baxayn dhibaatada haysata Ummada Soomaaliyeed marka waa in aad is garab taagtaan Dowlada Cusub ee ka hana qaadey Gayigeena Soomaaliya waxaana ka mid ah Xubnaha noo soo direy Qoraalkaan hambalyada ah.

1- Eng. Abdulkadir Sheikh Mukhtaar.
2- Marwo Bahjo Nuur Ali Ahmed.
3- Maxmed Cabdulaahi Cumar (Shamcuun).
4- Nuuradiin Cabdullahi Macalin Cumar (Shamcuun).
5- Abuukar Xassan Abikar[Juun].
6- Cumar Abdi Sheekh.
7- Maxamed Salaad Shire[Kaafi ].
8- Maxamed Cabdullahi Cabdi (Madowe).
9- Kornel Ibraahim Cabdi Samad
10- Dr. Mahad Shiikh Doon Faarax
11- Iidle Faarax Gaas ( Macalinka Muusikada)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.