Home » Warar »

Shacabka Muqdisho oo Xaley ku soo Salaley Daryanka Madaafiic ku Dhacdey Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Madaafiicda nooca loo yaqaano Hoobiyaha ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhacay qaybo ka mid ah Degmooyinka Boon Dheere iyo Shibis ee Magaalada Muqdisho. Madaafiicdan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday illaa afar qof halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa Subaxnimadii hore ee saaka (Khamiis Sept 20, 2012) loola carar cisbitaalada ka dib markii xaley ay Guryahooda ku haysteen Dhaawacaas maadaama waqtiga uu ahaa mid Habeen oo aan la dhaqdhaqaaqi Karin, iyadoona qaar ka mid ah laga soo deyrinayo Xaaladooda Caafimaad.

Madaafiicdan ayaan la garanayn Cid soo Tuurtay iyo waliba meel laga soo tuuray iyadoona dadku mar qura ay ku baraarugeen Madaafiicdan ku soo dhacaysa xilli ay ku sugnaayeen Guryahood ayna jiifeen.

Ma jirin wax jawaab ah oo ay Ciidamada ammaanka iyo kuwa amisom ay ka bixiyeen Madaafiicdaas Xalay ku dhacday Degmooyinka Magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah iyadoo berigii hore marka sidan oo kale Madaafiic ugu soo dhacdo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ay kaga jawaabi jireen Madaafiic kale..

Dhinaca kale iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada dawladda iyo Xarakada Shabaab ayaa Xalay ka dhacay Xaafadda Carafaat ee Magaalada Muqdisho. Dagaaladaas oo ahaa kuwo kooban ayaan dhab ahaan la ogeyn khasaaraha ay gaysteen iyadoo labada dhinacna ay is weeydaarsadeen Hubka noocyadiisa kala duwan.

Mar Xiriir aan la sameynay Dadka ku dhaqan Degmooyinka Boon Dheere iyo Shibis ayaa inoo sheegay inaysan garanayn sababta loo duqeeyay degaanadooda iyagoona sheegay in goor hore ay ugu dambaysey duqeyn sidan oo kale ah oo ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu soo Dhiso Xukuumad la Dagaalanta Musuqmaasuqa.

Bayaan ka soo baxay Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyay taageerada uu Goluhu u haayo Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya. Bayaanka ayaa loogu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in ay wax ka qabato arrimaha Musuqmaasuqa ee Dawladihii ku meel gaarka ee Soomaaliya soo maray horey loogu eedeeyay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay bar bar taagan tahay Soomaaliya kaalmo dhinac walba ah isla markaana Soomaaliya looga baahan yahay in soo magacabaan guddiyo wax ka qabta arrimaha Musuqmaasuqa. Bayaanka Golaha ammaanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha Burcad Badeedka iyo Xad Gudubyada taasoo bayaanka lagu sheegay in qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqaynayso Dawladda iyadoo la qiimeynayo wax qabadka xukuumadda.

Golaha ammaanka ayaa soo hadal qaaday in Bishan Lix iyo labaatankeeda ay la kulmayaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isla markaana arrimaha ay kala hadlayaan ay ugu horeyn doonto arrinta Soomaaliya.Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u soo jeedisay inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare Karti u leh inuu Soomaaliya ka tallaabiyo dhibaatooyinkii ay mudada la daalaa dhacayeen.

Qaramada Midoobay Xoghayaheeda guud ayaa hore u taageeray Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee dhawaan ka dhacday gudaha Soomaaliya iyagoona sheegay in ay la shaqayn doonaan dawladda Cusub ee federaalka Soomaaliya.Bayaankan ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya uu ku mashquulsan yahay xulashada Ra’iisul Wasaarihii Dawladda Federaalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.