Home » Warar »

SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii

FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 8aad-9aad 2012) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud ee qaranka siiba qaybaha Cimilada, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada, Gargaarrada Baniaadminimo iyo Colaadaha; Waxay kaloo ka xog warramaysaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyo weliba arrimaha muhiimka ahai ee Gu 2012 dabadii (Bilaha 7aad-12aad 2012):

2.085 malyuun oo qof ayaa hadda cunto yari ku sugan (Bisha 7aad 2012). Waxay wajahayaan cunto yari ba’an waxaana lagu sifeeyay heerarka Dhibbanaan (IPC Wajiga 3) iyo Gurmad Degdeg (IPC Wajiga 4) ee sugnaan la’aanta cuntada.

2.12 malyuun oo qof, oo ah korodh boqolkiiba labo qiyaasta Bishii 7aad, ayaa la sadaaliyay inay ku sii jirayaan heerarka Dhibbanaan (IPC Wajiga 3) iyo Gurmad Degdeg (IPC Wajiga 4) ee sugnaan la’aanta cuntada ilaa iyo Bisha 12aad 2012.

Ka dib markii muddo dheer oo roob la’aani dhacday xilligii Guga (Bilihii 4aad-6aad), cayayaanna dillacay iyo sababo kaleba, waxsoosaarka Guga 2012 ayaa si aad ah uga hoos maray celceliska waxsoosaarka ee xilliga Guga, taasoo aad usaamayn doonta deegaannada beer-iyo-xoolodhaqatada koonfurta Soomaaliya sida Baay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Jubbooyinka.

236, 000 carruur ah hadda ku sugan nafaqo darro ba’an dalka oo dhan, hoos u dhac boqolkiiba 27 ah ayaa dhacday intii u dhexeysa Bilihii 1aad ilaa 6aad iyo 7aad. Isla muddadaa, heerka nafaqo darrida aad u ba’an loo yaqaan (SAM) ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 42 (54,000 carruur ah) dalkoo dhan. Boqolkiiba 70 ee carrurta nafaqo darrada ba’ani hayso waxay ku noolyihiin koonfurta Soomaaliya.

Waxqabad degdeg ah oo daboosha bahida jirta ayaa lagama maarmaan ah si looga hortago ka daridda sugnaanta cuntada ee dalka. Dejin-mashaariiceed lagu ilaalinayo habnololeedyada, kobcinta awoodda qoysaska saboolka ah iyo horumarinta fursad u helidda cuntada ayaa weli Soomaaliya muhiim ka ah. Baahida degdeg ah ayaa weli aad uga jirta koonfurta ee deegaannada beer-iyo-xoolodhaqatada iminka iyo inta waxsoosaarka xilliga Deyrta ee Bisha 1aad 2013.

Qormadani waxaa ka minguursan karta xiriirkan: http://www.fsnau.org/downloads/FSNAU-FEWS-NET-Somalia-Post-Gu-2012-Food-Security-and-Nutrition-Outlook-Aug-Dec-2012-Somali-version.pdf

Haddii wax su’aal ah qabto, fadlan nagal soo xiriir shabkaddan info@fsnau.org

Mahadsanidin,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.