Home » Warar »

Shiikh Shariif “Hadalka Wasiirka Kenya waa mid aad looga Xumaado,waana mid aan Kaalmeyneyn Wada Noolaansha Labada Wadan”


“Kenya Haddii Shidaal Qodaneyso iyo Haddi Dhul Soomaaliyeed Goosaneyo waxay U taala Dowlada Cusub iyo Shacabka aniga Masuuliyadaas waan soo Gutey mana rabo in aan Dhex galo wax la soo Dhaafey”

Madaweynihii hore ee DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey Hadalkii ka soo yeerey Wasiirkii Arimaha Dibada ee Kenya Sam Ongeri oo ahaa in Shiikh Shariif uu ka dambeeye Qaraxii la doonayey in lagu khaariyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya , isagoo ku tilmaamey Hadalkaas mid Been abuur ah.

“Waa Nasiibdarro Waana wax laga Xumaado in uu sidaa u dhaqmo wasiirka arrimaha Dibada Kenya , waana mid aad loola yaabo waxayna ka baxsan tahay Masuuliyada uu hayo, sidaa darteed wax Xumaan ah oo naga dhex marey ma jirto aniga iyo Wasiirka waayo wax yar buu hayey Xilkaas , waxaa Fileyey haddii ay hore Xumaato noo dhexmartey waxay ahayd in meeshaas lagu iloobo, waxaa Muuqata in weli Colaad ay jirto“ ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed oo intaa Raaciyey

“Hadalkaas ka soo yeerey Wasiirka arimaha Dibada waa mid aan kaalmeyneyn Wada noolaansha labada,marka waa hadal aan laga fiirsan”oo sheegey in aysan suuratagal ahayn in aan sameeyo Shirqool aan ku dilayo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ama qof Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo sidaa darted waxaa uu sheegey Shiikh Shariif in Hotelka uu u tagey sidaa meesha uga soo saari lahaa Madaxweynaha maadaama aan weli Xilka hayey

Madaxweynahii Dawladii KMG Shiikh Shariif mar wax laga weydiiyey Sababaha keeney in warkaas uu ka soo yeero Dowlada Kenya waxaana uu ku Jawaabey” Dowlada Kenya Dhex dhexaad kama ahayn Siyaasada Soomaaliya mana dooneyn in aan dib ugu soo laabto Kursiga.”

Waxaa sidoo kale la weydiiyey Su’aal ahayd Damaca Dowlada Kenya ka leedahay in ay Shidaal ka Qodoto Qaybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya waxaa uu ku jawaabey” Go’aankaas waxay u taalaa Dowladda Cusub ee u dhalatey Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed,haddii Shidaal Qodaneyso iyo haddi dhul soomaaliyeed Goosaneyso , aniga Masuuliyadaas waan soo gutey mana rabo in aan dhex galo wax la soo dhaafey.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.