Home » Warar »

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya oo Shiikh Shariif ku Eedeeyey inuu ka Danmbeeyay Isku Deygii Dhawaan la isku Dayey in Lagu Khaarijiyo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Dalka Kenya qaarkood ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Kenya waxa uu wax ka qoray Qarixii dhawaan ka dhacay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Sam Ongeri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya ayaa sheegey isagoo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka soo baxda Magaalada Nairobi inuu si weyn uga shakisan yahay in isku deygaasi uu ka dambeeyay Shariif Shiikh Axmed isagoona ujeedada laga lahaa ku macneeyay Loolankii Siyaasadeed ee markaa jiray.

Wasiirka arrimaha Dibadda ayaa sheegey in ka hor intii aanay dhicin Doorashadii Tobankii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho in shakhsiyan Shariif Axmed uu la soo Xiriiray kaddibna uu weeydiisatay in Xukuumadda Kenya xoogga saarto sidii uu Madaxweynihii hore xilkaas dib ugu soo noqon lahaa. Ongeri ayaa intaa ku daray in jawaabtii uu arrintaa ka bixiyay ay ahayd in Xukuumadda Kenya aanay wax shaqa ah ku lahayn arrimaha doorashada arrintuna ay tahay mid u taala Soomaalida.

“Waxaa la yaab leh marka aan dib u Jaleeco markii uu qaraxu dhacay kaddib inaan u jeeday Shariif Shiikh Axmed oo goobta taagan iyadoo haba yaraatee wax naxdin ahi aysan ka muuqan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya.

Sam Ongeri ayaa si weyn u muujiyay in qaraxaas la doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Axmed inuu wax ka ogaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo uu loolan xooggan kala dhaxeeyay Musharixii xilkaas kula tartamay.Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya ayaa ka mid ahaa Xubnihii markuu qaraxu dhacayay kulanka la lahaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyagoona ugu tagay si ay ugu hmnbalyeeyaan isla markaana soo gaarsiiyay dhambaal ay uga wadeen Madaxweynaha Dalka Kenya.

Xukuumadda Kenya iyo Xukuumaddii uu hoggaaminayay Madaxweyne Shiikh Shariif ayaan isku wanaagsaneyn ka gadaal markii Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya bishii Oktoobar ee kal hore iyagoo aan kala tashan Xukuumaddii Dalka ka jirtay Xiligaas iyadoo kiinyana ay Muhimad gaar ah siinayso Gobolka Jubada Hoose.

Si kastaba hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda Kenya ayaa waxa uu noqday mid Dareenka Dadka si aad ah u soo jiitay isla markaana u muuqanaysa qadiyad u baahan in baaritaano badan laga sameeyo in kastoo Qaraxaas ay sheegteen in ay ka danbeeyeen Xarakada Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.