Home » Faallo »

Socdaalkeygii Kenya iyo 12 sano oo isbadal ah

Assalaamu alaykum. Waad salaamantihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan.

Maanta iyo maqaalkeena,wuxuu kusaabsanyahay safar 2 bilood ah oo aan ku tagay wadankaKenya12sano kadib.

Kenyaiyo xaaladeeda,waxaad kala socotaan televisionada Soomaalida oo xarun kadhigtey xaafada Eastleigh ee magaaladaNairobilaakinse waxaan isku dayaya inaan kaa siiyo sawir kayara balaaran.

QofkiiKenyabooqasha kutagey isagoo kayimid wadamad Europe iyo kuwa hormaray ee xaafada Eastleigh hotel kadagey, umalaynmaayo inuu sawir fiican ka soo qaatayKenya.

Walaal inta aad maqaalkaan akhrinaysaan waxaad maskaxda kuhaysaan noolasha SoomaalidaEthiopia iyo hormarka ay kutilaabsadeen!

Isbadal ganacsi

Waagii hore, ganacsiga Soomaalida wuxuu ahaa garab-rarato kaganacsato dharka, bagaashka noocyadiisa kala duwan iyo xawaalado oo intooda badan ahaa kontorobaan oo haddii uu boolisku qabto ay ubadneyd inay dhacaan. Intaas waxaa dheereyd, wuxuu ahaa ganacsi khasaarihiisu aad ubadnaa oo dadku qaarbaa suuqa soo galaya iyo kuwa kalane way kasiibaxayaan!

Suuqa iminka waa kadaganyahay, ganacsatadana aad ayaad umooda inay kamiro dhaliyeen oo waxaad arkaysaa ayagoo meelkale sii furaya.

Dadku waxay maalgalin kusameeyeen hantiga maguurtada ah, gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo ganacsi ay aad u adag (complicated business)oo ay Soomaalida horey usameyn jirin.

Ganacsatada Soomaaliyeed markii uhoraysay taariikhda wadankaKenyaayaa loo aqoonsadey inay kamid yihiin canshuur bixiyaasha ay dowladu kuxisaabtamayso, islamarkaasna shaqo siiyey kumanaan dadka reerKenya.

Inkasta oo ay xaafada Eastleighaad u burbursantahay oo aysan laheyn wadooyin iyo adeegyo badan hadana waxaa loo aqoonsaday inay tahay ‘rug ganacsi‘oo muhiin ah, taas oo dowlada ku qasbi doonto inay wax kaqabato dhibaatooyinka hortaagan hormarinta ganacsiga xaafadaas.

Dhamaan shirkadaha busaska, lamaha kala duwan ee bankiyada, shirkadaha diyaarada iyo kuwa adeegyada boostada, intaba waxay laamo kafurteen xaafadaEastleigh.

Nidaam waxbarasho oo isbadal keeney

Hormarka Soomaalida waxaa ka mid ah ayagoo layimid nidaam waxbarasho oo markii uhoraysay suurto galiyey inay kumanaan caruurta Soomaaliyeed kubiiraan jaamacahada wadanka. Nidaamkan oo dhamaan iskuulada dabaqey hormar gaarsiiyey waxaa loo yaqaan “Intergrating system” oo ilmaha labarayo diinta iyo maadooyinka cilmiga.

Nidaamkan waxbarasho ayaad mooda inuu caruurta ku abuurey xamaasad waxbarasho iyo tartan dhexdooda.

Nin kamid ah ganacsatada Soomaalida ayaa igu yiri”Sanadkan ardayda jaamacada wax afur ah uma aanan geyn waayo waxay kor udhaafeen 4000. Fadligaas Allaha ka sii kow waa iskuulada ay Soomaalida kafuratay xaafada Eastleigh oo caruurta kubaasaan A+

Mar aan tagey magaaladaMombasaoo ardayda kujirta kuliyada caafimaadka lacag afur ah loo aruurinaayey waxaa tiradooda lagu sheegey inay boqolaal ahaayeen,ubadan Soomaali.

Kaqeybgalka Siyaasada

Marka laga yimaado wasiirada Soomaaliyeed ee dowlada kujira, waxaa kale oo ay Soomaalida hogaaminayaan hay’ado muhiim ah. Waxaa kale oo xusid mudan raga ku jira siyaasada waa dhallinyaro aqoonyahano ah oo aad uda’yar,meesha ay waagii hore ahaan odayaal ay luuqada English ee baarlamaanka looga hadlo.

Gudiga doorashooyinka sanadkan oo ah mid xoog badan, waxaa madax ka ah wiil Soomaaliyeed .

Kenyawaxay go’aansatey inay samaysato dastuur aad uhormarsan oo aanAfricaoo dhan ka jirin. Dastuurkaas oo mardhow laga fara xashey oo aad loola dhacsanyahay, waxaa qoray sharci-yaqaano uu horkacayo wiil Soomaaliyeed.

Hay’ad xoog badan ee ladagaalanka musuq-maasuqa ladagay oo cidii ay farta ku fiiqdo lala kacayo, waxaa madax ka ah wiil Soomaaliyeed.

Maadama ayKenyanoqotey wadan dastuurka hogaaminaya, maxkamada sare ninka ugu sareeya ninka ku xiga waa wiil Soomaaliyeed.

Safiirada ufadhiyo wadamo badan oo muhiim ah iyo kuwa ujooga hay’adaha qaramada midoobay waa Soomaali.

Hogaanka diinta wadanka

Sanadihii 90-2000, MuslimiintaKenyawaxaa madaxa kahaystey, gaar ahaan bisha Ramadanka iyo ciidaha, nin la oron jirey chief Qaadi oo saldhigiisu yahayMombasaoo usamaysnaa kala geynta Muslimiinta.

Maanta xarunta laga hogaamiyo MuslimiintaKenyawaa gudi culima ah oo saldhigoodu yahay masaajidka weyn ee Jamia Mosque; gudigaas boqolkiiba 90% waa culimo Soomaaliyeed.

Jaamacada Islaami ah iyo macaahidka wadanka laga hirgaliyey 12kii sano ee lasoo dhaafay waxaa gacanta kuhayo Soomaali.

Dhanka Saxaafada

Jaraa’idka wadanka ugu afdheer sida  daily nation iyo Standard, waxaa kashaqeeya wariyaal Soomaaliyeed oo aad loo jecelyahay. Boga hore, waxaad had iyo jeer ka akhrinaysaa warbixin kusaabsanSomaliaiyo Soomaalida. Sidoo kale, televisionka wadanka waxaa jooga dhallinyaro Soomaaliyeed.

Geela Soomaaliyeed oo gaarey

Waayadii hore, haddii aad joogtidNairobioo aad doonaysid caano geel waa inaad sugta gaariga saakey ka soo baxaya maalada Gaarisa oo laga yaabo inuu nagaado.Maantase geela Soomaaliyeed wuxuu daaqaya duleedka magaalooyinkaMombasaiyoNairobi.

Wadada dheer ee isku xirtoMombasaiyoNairobigeelu wuxuu udaadsanyahay sidii adigoo joogaSomalia.

Ganacsadayaal badan ayaa bilaabay inay samaystaan geel ay caanihiisa soo cabaan xiliyada fasaxyada.

Waxaa kale oo la’iisheegey inuu geela Soomaaliyeed gaaray xaduudaKenyaiyoTanzania,

Su’aalo laga weydiyey jaaliyada reer Qatar

Dad badan oo igu ogaa inaan jiro wadamada Carta ayaa igu waalay su’aalo ay kamid ahaayeen:Maxaad lacag wadataa? Caruurta imisa jeer ayey Qur’aanka kuu dhameeyeen?Carabi iyo diin makuu barteen?

Su’aalahaas oo runtii aad uxanuun badnaa waxaan ugu jawaabay su’aalo kale:

Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo diin soo bartay oo ku biiray culimada Soomaaliyeed?

Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo ganacsade naajix ah? Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo xanbaarsan hami siyaasadeed iyo wax kanoqda wadankiisa?

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Walaalyaal anigoo warka dheereeyey, wixii talo iyo tusaale ah waxaad iigu soo hagaajinkarta abuzuhri1@gmail.com; inta aan markale kulmi doona waxaan idinleeyahay ‘Soomaali ha israacdo’

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Socdaalkeygii Kenya iyo 12 sano oo isbadal ah "

  1. Cali Laheley says:

    Salaan kadib sxb waxaan rabey inaan talo ka dhiibto su’aalo aad tiri waxaa layga weydiiyey carabta oo ay ka mid ahaayeey ciyaalka quraanka meeqa jeer ayey dhameeyeen,diin iyo carabi ma yaqaanaan waxaan isleeyahay labada su’aalood waa sax jawaab sax ayeyna kaa mudnaayeen tanse ah meeqaad lacag wadataa sax maahan marka waxaan dhihi lahaa carab iyo carabi kolley wax badan baa naga dhexeeya oo ay ugu horrayso diinta aan u nasba sheegano,haddaba inkastoo ay ka gaabiyeen wax badan oon ka mudnayn haddana yey na gaarsiin carada ka dhalata gaabintooda inaan carabigii iyo diintii u xanaaqno oo aan xusuusano Aayaddii macneheedu ahaa qolo colaaddaad u qabtaan yey idinku kallifin inaad caddaaladda ka tagtaan.
    Waad mahadsantahay

  2. Salaan kadib. Anigu qormada meesha uu kusoo qorey ninkaan waxaa iiga muuqatey sawir jaahilnimo iyo adoonimo carbeed ah, waloow uu sida qormadiisa ka muuqato uu Somalida kenya inay muqdan uu ku dheeradey hadana isaga kama muuqato Soomaalinimada dhaqan ahaan iyo magac ahaan midna, Markaad u fiirissato magaciisa waxaad ka naxaysaa sida uu u dhalan rogey isagoo say latahay Alle ugu dhawaanaya inuu magaciiisii saas u qoro.

    Waxaa muhiima ah in qofka Soomaaliyeed uu ku qanacsanaado Soomaalinimada marka hore inta aadan dad usheegin wanaaga Soomaalinimada iyo horumarkooda.

    Ninkaan magaciisu waa Aadan Abdi Hasan waxaana uu u badaley sidaan aad u jeedaan Adam Abuzuhri Al-Hasani isagoo qoom kale oo inay ka liitaan maahane aan ka fiicnayn dartood dhaqankiisii iyo muuqaalkiisiiba uga tagay. inuu marka Soomaalinimo nagala hadlo ma suurto galbaaa.

  3. Kismayo says:

    Brother aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay sida hufan ee aad inoogu soo koobtey xaaladda Somalida Kenya. Waa wax lagu farxo sida ay somalidu uga soo muuqatey nolosha Kenya. After all Somalida qaar ka mid ah, Keyna waa waddankooda in ay kasoo muuqdanna sharaf iyo wanaag bey inoo tahay. Somalidu waxey tiraahda MEEL AMA KA MUUQO AMA KA MAQNOW. Qorallkaagu waa qoraal kooban oo warbaxin macquul ah xanbaarsan waadna ku mahadan tahay. Jazakallah.
    Arrinka aad ii taabtey waxey tahay waxa aad ka tiri caruurta carabta ku kortey iyo tayo xumadooda. Isku dar, waxaan muddo ka badan 30 sano ku noolaa Carab, keliya marka laga jiro 8 sano oo aan North America ku nolaa. Somalidu aad bey u jeceshay CARAB waxeyna u maleynayaa in qofka carab ku noolaadaa uu sidii Asxaab oo kale u noolaanaayo. Laakiin xaqiiqda ilaah baa og. Mar walba oo aan visit u tago NA waa la i weydiiyaa suaalahaas aad tirisey. Waxaanse ku jowaabaa ILAAHOW QOF AAN WAX OGEEN HA CADAABIN. Taladeydu waa qofkii professional ah lacag ha usoo raadsado CARAB, laakiin ciyaalkaaga geyso meel kale oo la imaan carab.

  4. Gundiid2, aad iyo aad ayaan kuu salaamaya. Waxaan soo dhaweynaya sida wanaagsan ee aad wax ugu sheegtey qeybta aan maqaalka kaa soo jiidan.
    Runtii, waa arin lagu kala duwanaankaro oo ninba si arki karo ee ma ahan nas Qur’aan oo ay aheyd inaan si lawada yaqaan uqoro.
    Warbixintaan marka aan aruurinaayey waxaa ii soo baxday in madaxweynaha Kenya 10 sano ee soo socota uu Somali noqonkaro, taas oo aan u arko guul haddiiba ay dhacdo.
    Tankale, Soomaali milantay ma soo arag ee waxaan soo gudbiyey ee Soomaali diin iyo dhan aduun hormar ka gaartey oo aan u arkaayey in lagu daydo!
    Sikastaba ha ahaatee, howlaha noocaan ah, waa dhicikartaa in lagu kala duwanaado oo ay ninba si ula muuqato.
    Tankale, adigoo iga raali ah, wadaad ma ahi ee waxaad iila hadashaa sidii qof Soomaali oo aan dadka waxba dhaamin!
    Aad baad umahadsantihiin dhamaantiin

  5. Kalkaal.. says:

    walaal (Adam) waad ku mahadsantahay warbixintaada iyo sida aadka u wanaagsan oo aad noogu soo diyaarisay, waana warbixin in badan oo Soomaali ah ka farxindoonta.

  6. A/fatah says:

    Asalaamu caleykum. Walaal waxaa wanaagsan in waxkasta runta Laga sheego hadii kale qofkasta waa iska hadli karaa. Abu zuhri khayr ALLAHA siiyee wuxuu inoosoo gudbiyey akhbaar run ah oo jirta oo loo baahnaa, wuxuu kahadlay dastuurada Africa kajira in kan Kenya uu ugu roon yahay uuna dhaamo dastuurada kale ee Africa ee muslimiinta lagu dhibaateeyo, marka ninka la baxay gundiid2 sidaa ufahan, ogow akbaar baa laga hadlay ee arrintu majoogto ” waxbaa xun iyo waxbaa fiican” waxa laga hadlay soomaalida iyo saamaynta ay kuleedahay wadanka Kenya. Anigu waxaan u arkaa in ummada wax loo faa’iideeyo wanaag, balse in qofkii hadlaba laduro waa wax aan munaasab ahayn. Abu zuhri Walaal ogow maqaaladaadu way na anfacaan waana kuraaxaysanaa ee haka daalin inaad khayrka iyo akhbaartaba noosoo gudbiso intii tabartaada ah. Wabilaahi tawfiiq.

  7. Waa warbixin fiican anigoo carabta ku noolna waxa aad ii xanuunisay suaasha dan be ee wiil somaliyeed iyo carabta maxa kala haysta

  8. Gundiid2 says:

    Salaamun calaykum

    Marka hore waxan salamayaa bahda Somalitalk marka xiga waxan aad ula yaabaa kana murugoodaa markaan arko ragg ay ka muuqato diin iyo sunnadii rasuulka hadana amaanaya dastuur gaalo una sacyiyo inuu dadka ka dhaadhiciyo wanaagiisa. Bal fiiriya hada ninkan odayga ah waxa uu la dhacsan yahay Kenya iyo dadkii soomalaiyeed say ugu milmeen dadkooasi. Allah ayaa waxa uu diiday in loo xukuntamo dastuur gaal ninkana waxa uu waliba leeyahay waxa dastuurka soo doyaariyay rag kamid ah soomaali. Hadii kuwii wanaaga laga sugayay ay saas yihiin maxanau ka sugnaa kuwa xamar ku sugan ee madaxda sheeganayo Wallahul mustacaan.
    sc