Home » Warar »

Banaanbax Looga soo Hor Jeedo Filimkii Lagu Af Lagaadeeyay Rasulkeena NNK ha Ahaatee oo Jimcadii ka Dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.

In ka badan Boqolaal Dad ah oo caraysan ayaa Jimcadii Socod ku Maray Wadooyinka waaweyn ee Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Dadkan ayaa waxaa ay ka careysnaayeen Filim dhawaan lagu sameeyay Dalka Maryakanka oo meel uga dhacyay Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Dadkan oo wejiyadoodu Caro aad ah ay ka muuqatay ayaa waxaa watay Boorar ay Xukuumadda Washington ay ku weydiisanayaan in arrintaas wax laga qabto isla markaana gacanta lagu soo dhigo Dadkii ka danbeeyay Filimkaas. Dadkii ka qayb galay Banaan baxaas ayaa Goob Fagaare ah waxa ay ku soo ban dhigeen Calanka dawladda Maraykanka iyagoona bartii Dab ku qabadsiiyay.

Sidoo kale Banaabax ayaa isna waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho Salaadii Jimce ka dib waxcaa Jidadka isugu soo baxay Baqolaal dadweyne kuwaas oo ku qaylinayey ereyo Mareykana Naceyb ah oo ay ka mid ahaayeen “ Ha dhaco Mareykanka sidoo kale,waxaa ka mid ahaa ereyadii ay ku qaylinayeen “Muslimiinta Adduunkow Midooba “ iyo ereyo kale oo si weyn looga soo horjeedey Aflagaadadii loo geystey Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkisa ha ahaatee

Banaan baxayaasha ayaa dalbanayay kuwii Falkaas sameeyay in tallaabo laga qaado haddii kale ay xaaladdu noqon doonto mid faraha ka baxda. Banaanbaxa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu daba joogaa Banaanbaxyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Dalalka Dunida Islaamka kuwaasoo saameyn xoog leh ku yeeshay Diplumaasiyadda Maraykanka ee Dalalka Carabta.

Dhawaan ayay ahayd Markii Banaanbax ka dhacay Magaalada Bangazi ee Dalka Libya lagu dilay Dipulumaasiyiin u dhalatay dalka Maraykankaa iyadoo dibad bax kale oo ka dhacay dalka Yamana ay ka dhasheen Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isgu jira. Si kastaba Xukuumadda maraykanka ayaa arrintaa ka walaacsan iyadoo xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka ay arrintaa hore cudur daar uga bixisay taasoon noqon mid qancisa Dadka Islaamka ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Protests in Somalia and Sudan Against Anti-Islam Film

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.